Somali scholars verdict.
Posted: Fri Feb 20, 2009 6:57 am
1. Dhiigga Muslimka ee xaqdarrada lagu galo
Waxay Culumadu caddaynayaan inay xaaraan tahay sharci ahaan in qof muslim ah daadiyo dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed, si gaadmo ah iyo si bareer ah midnaba, ama sabab loo noqdo, ama uu ku xadgudbo Xoolihiisa iyo sharafkiisa, waxaana arrinkaas ka dhalanaya khasaare adduunyo iyo mid aakhiro, waxaana waajib ah in qof kasta oo horay u galay dhiigga qof muslim ah si sharci darro ah inuu towbad keeno, naftiisana u dhiibo una gacan galiyo ciddii uu dhiigga ka galay (dhaawacay) ama dadka leh dhiiggiisa (hadduu dil dhaco).
2. Xadgudubka Diineed
Waxay Culumadu caddaynayaan:-
Inay waajib tahay in lagu dhago laguna toosnaado Manhajka Ahlusunna waljamaca ee dhexdhexaadka ah dhammaan arrimaha diineed ee qofka muslimka ah, lagana fogaado wax alla wixii xadgudub ama gaabin diineed ah, gaar ahaan arrimaha dhiiga, xoolaha, iyo sharafka Qofka muslimka ah sida uu allahba yiri S.W: {وكذلك جعلناكم أمة وسطا لتكونوا شهداء على الناس}
In dhammaan arrimaha diineed looga danbeeyo loolana laabto culumada ku xeesha dheer aqoonta diineed, laguna yaqaan Ammaano, Daacadnimo iyo Alla ka cabsi, gaar ahaan waqtiyada Fitnadu jirto, sida uu allaahba yiri S.W. { وإذا جاءهم أمر من الأمن أ والخوف أذاعوا به ولو ردوه إلى الرسول وإلى أولي الأمر منهم لعلمه الذين يستنبطونه منهم....} ........
Many more.............