Madaxweynekuxigeenka iyo Taageerayaasha KULMIYE oo isku.....

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Madaxweynekuxigeenka iyo Taageerayaasha KULMIYE oo isku.....

Post by Adan_1 »

Madaxweynekuxigeenka iyo Taageerayaasha KULMIYE oo isku haleelay Dacarbudhuq: Weriye ka tirsan HCtv oo Kamarad laga jebiyey


Dacarbudhuq (Somaliland.org) – Maamulka Degmada Dacarbudhuq iyo dad taageerayaal u ah xisbiga talada haya ee UDUB ayaa burburiyey kamarad uu leeyahay Telefishanka madaxa bannaan ee Horn Cable TV, isla markaana handidaad u geystey weriye Maxamed Daa’uud oo ah Sawir-qaade ka tirsan Telefishankaas, iyagoo isku deyayey inay xoog ku kala dareeriyaan dad muujinayey taageeradooda xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo isugu soo baxay, maanta mar Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu booqasho la xidhiidha ololaha doorashada uu ku tegey degmada Dacar-budhuq.

Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan Wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekedda Berbera iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa maanta tegey degmada Dacar-budhuq, halkaas oo uu kaga qaybgalay xaflad lagu taageerayey xisbiga UDUB, isla markaana uu hadal uga jeediyey dadkii ka qaybgalay. Hase yeeshee, waxa la sheegay dhinaca kalena, in qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmadaasi ay sameeyeen isu soo bax ay ku muujinayeen dareenkooda, isla markaana ay calanka KULMIYE isla taageen waddada hareeraheeda, taas oo ka cadhaysiisay masuuliyiinta degmadaas iyo weliba xubnaha xukuumadda ee la socdey madaxweynekuxigeenka, kuwaas oo isku deyey inay xoog ku kala dareeriyaan dadkaas.

Sida ay sheegeen weriyayaal maanta tegey degmada Dacar-budhuq, guddoomiyaha degmada Dacar-budhuq, Guddoomiyihii hore ee degmadaas iyo taliyaha booliska degmada iyo dhallinyaro door ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa soo weeraray weriye Maxamed Daa’uud oo wax ka duubaya dadka lulayey calanka KULMIYE, waxayna isku dayeen inay xoog kaga qaadaan kamaradda iyo cajaladihii uu ka duubay dadkaas, balse, waxa u gurmadey weriyayaasha kale iyo dadweynaha magaalada qaar ka mid ah, hase yeeshee, waxay dhaawac weyn u geysteen Kamaraddii uu weriyuhu sitey oo qayb ka mid ahi jabtay.

Khadar Maxamed Cakule oo ka mid ah masuuliyiinta Telefishanka Madaxa bannaan ee Horn Cable TV ayaa saxaafadda u sheegay in sawirqaad ka tirsan Horn Cable TV uu la socdey Madaxweynekuxigeenka iyo weftigiisa, isaga (Cakule) laftiisuna uu tegey Dacar-budhuq maanta, wax yar kadib markii Madaxweynekuxigeenka iyo weftigiisu ay gaadheen magaaladaas, waxana uu sheegay in masuuliyiinta la socdey Madaxweynekuxigeenku ay u sheegeen in weriyaha ka tirsan HCTV ee wax ka duubaya taageerayaasha KULMIYE ay xidhayaan, haddii aanu ka joojin hawshaas. Taas oo uu ku tilmaamay Cakule wax lala yaabo. Waxaanu u sheegay ayuu yidhi in suxufigaasi uu la mid yahay suxufiga kale ee la socda Madaxweynekuxigeenka, oo labaduba ay gudanayaan shaqo Telefishanku u dirtay. Kadibna ay isaga aflagaadeeyeen.

Khadar Cakule waxa uu sheegay in Madaxweynekuxigeenka iyo wasiirrada la socdey ay wadeen ololaha xisbiga UDUB, labada dhinac ee magaalada – dhinaca Madaxweynekuxigeenku dadka kula kulmay iyo dhinaca taageerayaasha KULMIYE isugu soo baxeen – in ay ka muuqanayeen calamada labada xisbi.

Madaxweynekuxigeenka iyo xubnihii la socdey ayaa la sheegay inay galabta makhribkii ka soo carraabeen magaaladaas.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”