Beesha Galbeedka Sanaag Against Buurmadow

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Beesha Galbeedka Sanaag Against Buurmadow

Post by LiQaaye_TDH »

Sanaag (Burao Online) 19.02.09 Cuqaal, waxgarad, aqqoon-yahan iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha, Muuse Abokor ee barriga gobolka Togdheer iyo ilaa iyo Galbeedka Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag degen, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Ceeri-gaabo, kasoo saaray bayaano ay ku cadaynayaan wax qabadkooda siyaasadeed.

Go’aanada shirkaasi kasoo baxay, waxa lagu sheegay, in beeshaasi hore iyo haatanba, ay taageersan tahay xisbiga KULMIYE, hase ahaatee dad tiro yar oo Cismaan Buur-maddow uu dhawaan ka urruriyay magaalada Hargeysa, aanay ku hadli Karin magaca beesha Muuse Abokor. Kooxdaasi oo sheegtay bay yidhaahdeen, in beeshu ay gashay xisbiga UDUB.

Cuqaashan magaalada Ceeri-gaabo go’aanadan kasoo saartay, ayaa sheegay in beesha cuqaasheeda, siyaasiyiinteeda, waxgaradkeeda iyo guud ahaan dadka beeshuba, ay taageero iyo kalsooni buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE. Cismaan Buur-madowna aanu xil madax-dhaqameed u hayn beesha, ee uu yahay nin ay adeegsadaan, xukuumada iyo xisbiga UDUB, magacoodana aanu matali karin.

Buraoonline
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”