hiiraan islamists form a shura council

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

hiiraan islamists form a shura council

Post by Somaliman50 »

Maamulka Maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dhiseen golo shuuro oo maamulkaasi uu yeelanayo.



Kulamo maalmihii laga soo gudbay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka socday ayaa lagu soo xulay xubno noqonaya golaha Shuurada gobolka Hiiraan kaasi oo laga soo xulay qeybaha bulshada sida ganacsatada,aqoonyahanada iyo dhaqanka.



Gudoomiyaha mamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahin Macoow ayaa shalay ku sheegay shir jaraa’id oo uu galinkii danbe ku qabtay magaalada Baladweyne in dhameeystirka golahani todobaadyadii tagay laga shaqeeynayay.



Sidoo kale sheikha ayaa sheegay in gudoomiye golahani looga dhigay sheikh Dhicis Cumar Diiriye halka ku xigeeno looga dhigay Cali Macalin Max’uud iyo Abuukar Aadan Maadeey iyadoo in sidoo kale dhamaan xubnaha golahani la magacaabay.



Shiikh C/raxmaan Ibraahin Macoow Gudoomiyaha mamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa mar uu ka hadlayay arimaha looga fadhiyo gudigani ayaa waxaa uu sheegay in howlaha ugu horeeyo ee ay qabanayaan ay tahay nabadeeynta beelaha wada dega gobolkaasi iyo sidoo kale sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolkaasi iyagana looga fadhiyo go’aanka ugu danbeeya ee ansixinta waxa la isla gaaro.



Dhismahani maamulka cusub ayaa waxaa uu yahay kii ugu horeeyay ee laga sameeyo gobolka Hiiraan waloow maamulo kale ay horay u soo mareen waxaadna moodaa in maamulkani kuwii ka horeeyay uu kaga firfircoon yahay arimaha ammaanka iyo maamulka
http://shabelle.net/
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: hiiraan islamists form a shura council

Post by Somaliman50 »

:up: :up:
Xashi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 507
Joined: Thu Jan 22, 2009 2:56 pm
Location: Somalia

Re: hiiraan islamists form a shura council

Post by Xashi »

Great move on their part :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”