Alshabaab say they are ready for talks

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Alshabaab say they are ready for talks

Post by Somaliman50 »

Afhayeenka Al Shabaab sheikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay la hadlayaan gudiga culumada Caalamka ee soo gaaray Muqdisho isagoo tilmaamay in aan lagu soo wargalin islamarkaana aan lagalana tashan go’aanadii Muqdisho ay culumada ka soo saareen.

Shiikh Muqtaar Rooboow Cali oo ka hadlayay Shir Jara'id oo uu maanta qadka Taleefanka ugu qabtay warbaahinta ayaa sheegay In ay soo dhaweeynayaan oo ay la kulmayaan wafdiga ka socda midowga culimada Islaamka ee maalin ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu tilmaamay in ay yihiin dad marti ah ayna ka dhageeysanayaan wax ay wadaan,isagoo dhanka kalena xusay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen masuuliyiinta ururkooda.

Sidoo kale sheikh Muqtaar Rooboow ayaa intaa ku daray in iyagoo ka mid ah xoogaga ka dagaalama dalka aan lagu war galin go'aankii culumaa'udiinka Soomaaliyeed ay ka soo saareen maalmo ka hor magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku jirtay in AMISOM aan la weerarin,waxana uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay diideen warka Culimada oo ay ciidamo kale soo wadaan iyagana aysan u dul qadan doonin oo ay weerarayaan illaa ay dalka isaga baxayaan.

Hadalka afhayeenka ururka Al shabaab Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ee ku aadan inay la kulmayaan wafdiga culimada ayaa waxaa uu imaanayaa xili madaxa wafdigaasi Shiikh C/raxmaan al-Nuceymi uu shalay sheegay in dhinacyo Al shabaab ka mid yihiin ay ka aqbaleen in la wada hadalsiiyo.

shabelle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”