Shirkan oo uu gudoominayay wakiilka Ugaaska Beesha Sade ee deegaankaan Ugaas Maxamed Ugaas Xirsi, ayaa lagu soo bandhigay dareenka bulsho ahaaneed ee ku aadan dhismaha dawlada cusub ee ka dhacay dalka Jabuuti gaar ahaan magacaabidii golaha wasiirada oo ahayd mid cadaalada iyo xalka dalkaba aad uga fag, kuna ahayd xad-gudub xuquuqeed beesha, waa qaabka ay dareenkooda u cabireene.
“Halkaan Waxaan isugu nimid inaan dareenkaana cabirno: hadii miisaanku qabiil yahay, xaqiiqadii Mariixaan Sade waa beel weyn, loolama dhaqmin sidaa, cidkastoo ka hoos dhacdana uma aragno inay xal doonayso, waana cadaalad xumo wixii ka dhacay Jabuuti”. Sidaas Waxaa yiri Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) oo kamid ahaa siyaasiyiintii goobtaas dadka kala hadalay.
Dhamaan wax garadkii madasha ka hadlay waxay cadeeyeen inuu mawqifkoodu yahay in Soomaaliya dawlad loo helo.
Waxayse, waxaan marnaba la aqbali karin ku tilmaameen dulmiga iyo eexda dadka madaxda sheeganayaa ku kaceen, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay caqabada kowaad ee hortaagan in mushkilada Soomaaliya xal loo helo.
Waxayna cadeeyeen inaysan indhaha ka qarsan doonin ficilada noocan ah ee masuuliyiintu ku kacayaan, ayna lamid yihiin kuwii dalka horey uga soo dhacay ee “Muslin & Mariixaan”, ama wixii loogu yeeri jiray “Haraadigii” ee lagu takoorayay laguna gumaadayay beeshan Sade ee sida ba’ana u guul dareysatay.
Marka si buuxda loo cabiro dareenka dadkan tirda badan ee reer Sade ay ku diidanaayeen, kuna dhaleeceeyeen dawlada Shariif Axmed, waa mid farta ku fiiqaya tayo-xumada iyo dul-duleelka maamulkaan aan wali cagaha dhigan.






Waxay cadeyeen go’aankoodu ku aadan xiriirka ay dawlada la yeelanayaan inuu yahay mid ku xuran hadba siday qeyb uga yihiin.
Waxay cadeeyeen inuu dalabkoodu aad uga fagyahay dulmi ama uusan cidkale eex ku ahayn, doonistooduna tahay mid cadaalada iyo diinta waafaqsan. Waxaa hadal dheer oo arrintaasi ku saabsan jeediyay Axmed Xoosh oo cabir ka bixiyay xaalda guud.
Ugu dambayntii waxay reer Sade u hambalyeeyeen Cabdi wali Goonjeex oo horey isaga casilay jagadii loo magacaabay ee dawladan cusub iyo masuuliyiintooda ku sugan dalka Jabuuti.
Waxay isla mar ahaantaas qaateen go’aan hoosaadyo dhowr ah oo aan la baahin, iyo go’aamo guud oo la baahiyay ayna kamid ahaayeen:
1. Inay si buuxda u taageerayaan go’aankii ay qaateen xildhibaanada reer Sade.
2. Inay sidoo kale taageeraan dibad baxyada dalka gudihiisa ka dhacay.
3. Inay sida kaliya ee ay dawlada ku taageeri karaan tahay inay caadalad iyo sinaan dadka oo dhan saamaysa ka dhex arkaan.
4. Inay doonayaan in la xoojiyo maamulada deegaanda beesha.
5. Inay doonayaan amini kuwada noolaansho iyo is aaminaad buuxda oo dhex-marta Ummada Soomaaliyeed.
Go’aanadaas kadib ayaa isla goobtaas lagu magacaabay guddi xiriir caalami iyo fulineed oo ka kooban:
1. Abdisalan Xasan Kooshin
2. Xaydar Cali Dhuux
3. Sulub Cali Nuur
4. Ismaaciil Cabdiraxman
5. Nuur Cali Xasan –Nuur Gaab
6. Xaashi Cali Mire
7. Mahad Gacmeey
8. Axmed Dahir Carabey
9. Xasan Xaashi Dhoore
10. Bashiir Bulxan Biixi
11. Aadan Xirsi Ciise - Sandheere
12. Axmed Xoosh
13. Cali Jaamac
Shirkiina waxaa si buuxda u gunaanada Ugaaska Beesha Sade ee reer Columbus Ugaas Moahamed Ugaas Ciise oo sheegay in hakaas ay kasii wadaayaan gudigii hawsha loo xilsaaray.
Gedo Online
Gedoonlinenews@gmail.com
http://gedoonline.com/index.php?option= ... somalinews