Page 1 of 1

Sade Waamo Speak Out

Posted: Mon Feb 23, 2009 10:48 am
by Murax
Hoggaanka dhaqanka Sade Waamo oo soo saaray qodoba ku wajahan xukuumadda cusub

Posted by Kismaayo
Sunday, February 22 @ 08:55:32 EST


Hoggaanka dhaqanka beesha Sade ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta soo saaray qodoba ay kaga hadlayaan xukuumadda cusub ee loo dhisay Somalia, islamarkaana beesha Sade ay sheegtay qeybtii ay ku lahaayeen aan laga siin, iyagoo gebi ahaanba qaadacay natiijadii ka soo baxday shirkii ka dhacay dalka Jabuuti.


Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose xubnaha ugu sar sareeeya golaha dhaqanka Sade Waamo ayey ku sheegeen in ay ka soo horjeedaan xukuumadda cusub ee la magacaabay iyo qaabka loo dhisay oo ay ku tilmaameen mid xaq darro ah, islamarkaana sida ay yiraahdeen beeshooda lagu dulmiyey oo xaqeedii la duudsiiyey, iyagoo shir saxaafadeedka ka soo saaray qodobadan:-



1. In aysan si naba beesha Sade u taageersaneyn natiijada ka soo baxday shirka dowladda midnimada qaran lagu soo dhisay.



2. Beesha Sade waxay eedo fara badan ka tirsaneysaa xukuumadda dalka Jabuuti dhowr iyo tobankii sano ee u danbeeyey, beesha Sade waxay Jabuuti u aragtaa mid beello gaar ah la safatay oo arrimaha Somalia aanan dhexdhexaad ka aheyd.



3. Dhammaan waxaa ay beesha Sade ugu baaqday Xildhibaanadda ka soo jeeda ee Jabuuti jooga in sida ugu dhaqsaha badan ay halkaas uga soo tagaan, kana soo qeybagalaan shir deg-deg ah oo ay beeshu yeelaneysa dhawaantan haddii Alle idmo.



Qodobadaasi kadib ayaa waxaa ragga wararka baahiya la hadlay Suldaanka beesha Sade ee Jubbada hoose Suldaan Maxamed bashiir Madoobe Yarow oo si kulul u weeraray siyaasadda lagu soo unkay dowladda Sheekh Shariif iyo xukuumadda Jimcihii la soo dhisay.

Sidoo kale waxaa hadlay nabadoon Cabdi Diirshe Danan oo isna xukuumadda cusub ku tilmaamay mid dano gaar ah laga leeyahay oo aanan marnaba shacabka Soomaaliyeed badankiisa raalli ka aheyn.




MM Yare
Kismaayo/Somalia.



Thats pretty much Gedo, Galgudud, L Jubba that have spoken out

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Mon Feb 23, 2009 5:04 pm
by Hawo Tako
Intresting.

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Mon Feb 23, 2009 5:06 pm
by snoop12
:|

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Fri Feb 27, 2009 3:50 pm
by guhad122
Sade Waamo :lol: :lol: :lol: :lol:
That arrogance was that led to the fact that even Jareer Weyne has a better minister than you....What do you have to do with Waamo? Cajiib....The more you guys keep mention this; the more other Somalis would notice your greediness and shameless actions...Saying Sade Waamo is like saying Beesha Absame ee degmada Wasmo-Xun.

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Fri Feb 27, 2009 7:22 pm
by QansaGabeyle
Guhad, I am a sade from Waamo. Are you telling me I don't exist? :lol:

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Fri Feb 27, 2009 8:27 pm
by Advo
QansaGabeyle wrote:Guhad, I am a sade from Waamo. Are you telling me I don't exist? :lol:
The irony is, his from Qabridahar or those

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Sat Feb 28, 2009 7:38 am
by Murax
Gudhads from Galbeed

Re: Sade Waamo Speak Out

Posted: Sat Feb 28, 2009 11:00 pm
by QansaGabeyle
Dadka kuwa ugu daran waa kuwa og inay waxay ku istaagaan laheen. Sida dagaalkii Garre waxaa wade kuwo reer Moyaale ah oo Gedo weligood indha saarin until dagaalkii. Same with cagdheerta hadalka badan........waa gumeysi kunool snitches oo ka yimid Godey iyo meel daran.