Gudoomiyihii maxkamada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.
Warqad qoraal ah oo sheikh Yacquub Cabdullaahi Ciise uu soo gaarsiiyay xafiiska warqabadka Idaacada Shabelle ee magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ku cadeeyay in uu iska casilay xilkii gudoonka iyo garsoorka ee uu ka hayay maxkamada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Kadib markii uu warqadaasi is casilaada ah uu soo gaarsiiyay xafiiska warqabadka Idaacada Shabelle ee magaalada Jowhar ayuu sheikh Yacqub ka war bixiyay waxyaabaha ku dhaliyay in uu iska casilo xilkii uu hayay,waxana uu sheegay in wada shaqeyn la'aan iyo weliba baahi dhanka wax qabadka ah in uu isaga tagay xilkii waxana uu shacabka reer Jowhar iyo guud ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ka codsaday in ay iska cafiyaan waxyaabihii uu ka galay xiligi uu talada maxkamada hayay.
Masuulkani ayaan noqoneeyn kii ugu horeeyay ee iska casila xilka maxkamada magaalada Jowhar,waxana horay isku casilay gudoomiyihii racfaanka gobolka Sh/dhexe kaasi oo iscasilaadiisa ku saleeyay wada shaqeeyn la'aan hay'adaha garsoorka iyo musuq maasuq ka dhex jira hogaanka Sare ee maxaakiimta Islaamiga ee gobolka Sh/dhexe.
Ka tagida shaqada ee Shiikh Yacquub C/llaahi Ciise gudoomiyihii maxkamada magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku soo aadeeysaa xili dadweyne farabadan ay hora tuban yihiin iridka horae ee maxkamada magaalada Jowhar kuwaasi oo doonaya in loo kala dacwad qaado.
sh yacquub cabdulahi ciise resigns
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: sh yacquub cabdulahi ciise resigns
Murusade do not live here. 

- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: sh yacquub cabdulahi ciise resigns
^
walaalkaa iyo diriskaaga sow mi ihi

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 28 Replies
- 2152 Views
-
Last post by Sadaam_Mariiixmaan
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by kuuloow
-
- 12 Replies
- 963 Views
-
Last post by original dervish
-
- 24 Replies
- 1474 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 325 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 0 Replies
- 377 Views
-
Last post by musika man
-
- 26 Replies
- 1124 Views
-
Last post by zidane88