Indhacadde loses Mobile,Cimaamad & fellow Mooryaans

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Indhacadde loses Mobile,Cimaamad & fellow Mooryaans

Post by AhlulbaytSoldier »

Topnews:-Mobile iyo Cimaamad Indhacadde oo laga helay tarabuunka.

Mogadishu 25 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

Maleeshiyooyin uu horkacayay hogaamiye dagaalka Yusuf Mohamed Siyaad Indhacadde ayaa lagu jibiyay weerar ay dad rayid u badan ku xasuuqeen oo ay la beegsadeen fariisimaha Ciidamadda Dowladda Federalka iyo kuwa Amisom ee Magaaladda Mogadishu.

Fagaaraha Tarabuunka oo ahayd Aag dagaalkii ugu adkaa ee ay ka dagaalamayeen Maleeshiyo uu watay Yusuf Indhacadde ayaa lagu qabtay labo gaari dagaal oo ay ka carareen iyadoo sidoo kalena looga gubay gaari uu saarnaa qoriga loo yaqaan dhashiikaha.

Labada baabuur ee Ciidanka dowladda Federalka ay ku qabteen agagaarka Tarabuunka waxaa laga dhex helay Mobile nuuciisu yahay Thuraya iyo Cimaamad uu leeyahay Yusuf Indhacadde sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Weriyeyaasha Waagacusub ee kala baxa dagaal kadib tegay jiidihii la isku hardiyay.

Ciidamadda Midowga Maxaakiimta ee taabacsan Madaxweyne Shariif kuna lahaa talis Saldhigga Hodan ayaa dhabar jibin xoogan ku sameeyay Maleeshiyadda Indhacadde taas oo u xambaarisay guul daro la rumeysan yahay inay ku tahay taariikhi.

Saraakiisha Wardoonka Dowladda ayaa rumeysan in Yusuf Indhacadde lug ugu baxsaday xaafadaha African Village iyo Taleex,waxaana Ciidamadda dowlada ay ka baadigoobayaan xarumo u badan dhismayaal School.

Meydad fara badan oo la sheegay inay yihiin maleeshiyadii Indhacadde iyo gaari gubtay ayey Weriyeyaasha ku arkeen jidka dheer ee Tarabuunka .

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Shariif Sheekh oo lagu magacaabo Cabdullahi Qadar ayaa Yusuf Indhacadde ku sifeeyay nin ka macaasha dhiiga masaakiinta wuxuuna xusay inuu yahay nin aan diin shaqo ku laheyn oo qandaraas ka qaatay dalka Ereteria.

Dagaalka ay sheegteen inay rideen kooxda Indhacadde inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 30 Ruux oo rayida,sidoo kalena dhaawacu wuxuu kor u dhaafay 85.

Indhacadde oo ka mida hogaamiye kooxeedyadda Somalia ee sanadkii 2006 gashtay Shaati diimeed waxaa dhawaan laga ceeyriyay gobolka Shabeeladda hoose oo la rumeysan yahay inuu yahay gobolkii uu gabood faladda ka geystay ee uu ku caanbaxay.

Hogaamiye Indhacadde waxaa loo tiriyaa inuu ka mid yahay raggii fashiliyay golahii Maxaakiimta ee lagu diirsaday.

Shaqsiyan waa Sarkaal ku xiran Ereteria oo heysto baasaboor nuuciisu yahay diblomatic,wuxuu dagaaladiisa ugu magacdaray kuwa diimeed hasse yeeshee dowlada uu hoowlgaladeeda Melleteri fulinayo Madaxweynaheeda waa Krishtan.

Shacabka Mogadishu ayaa aad ugu kacsan Indhacadde iyo xulufadiisa waxaana muuqanayo kacdoon la doonayo in Yusuf Indhacadde iyo ragga la socdo looga tuuro Mogadishu.

Gantaalaha isu bedelay Dagaalka ee Jaalle Indhacadde Mogadishu ka bilaabay waxay ku beegan yihiin xilli hooyooyinka iyo Caruurta ay guryahooda dib ugu laabanayeen.

http://www.waagacusub.com/news/25.02.09.1.htm


Mashallah,good news. Indhacadde turned khariji,and for that he should be beheaded on tv.
User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Re: Indhacadde loses Mobile,Cimaamad & fellow Mooryaans

Post by Diyeeshaha_Tolka »

waagacusub waxay rabaan ayey iska soo qorayaan,,dagaalkii shalay iyo maanta indhocade shuqul kuma lahan wuxuuna ka sheegay bbc wuxuuna sheegay inuu iska casilay jagadii uu ka hayey xisbul-islaam,, wuxuu kaloo sheegay inuu raacsanyahay go'aankii culimada..

dagaalka waxaa qaaday waa murusade
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”