
KN: Waxaa soo baxaya xogtii ugu horeysey eek u saabsan waxyaalihii dhacay saacadihii ugu dambeeyey ka hor inta aysan bilaaban codbixinta doorashadii madaxweynimada ee Sh. Shariif lagu soo doortey.
Wax noqonayaa warkii ugu miisaanka cuslaa ee siyaasada Soomaaliya ee dhawaanahan saxaafada loosoo dusiyo, ayaa shaaca ka rogaya sida tareenka siyaasadeed loola qalibay Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaam iyo xulufadooda. Hadalada hoose waxaa laga soo xigtey Nuur Cadde oo asxaabtiisa Jabuuti ugu waramayay, waxaana lagu faafiyey shabakada Hillaac.net
''Waxaan u sheegnay Shariifka in aysan Habbooneyn in uu Xilligan isu soo taago Musharrax Madaxweyne Taa Bedelkeedana uu Labadan Sano nala shaqeeyo si aan u Dhameystirno ka Miro dhalinta Qorshihii Nabadda ee aan intiisii badneyd ku soo Guuleysannay, Caqabaddii hortaagneydna aan ka wareejinnay, Taasi wuu naga Aqbalay Shariifka Markii hore, Balse Saacadihii ugu dambeeyay ee Doorashada loo Diyaargaroobayey ayuun baan ka war helnay in uu isa soo Sharraxay Shariifka, Qeybtii Xildhibaannada Isbahaysiga ee uu Markii hore naga Ballanqaaday in uu Aniga igu Taageerayana Sidaas ayuu ula wareegay isagii, Markaan Arkay Ballan ka baxa uu nagu sameeyayna Waan iska Aamusnay Waanse la yaabnay''.
''Kolleey Waxaan ugu Duceynnay in Ilaaheey u Fududeeyo Xilkaas Culus oo sida aan Hubo u baahan Qibrad dheer iyo Qof Maamul Siyaasadeed ku dhex jiray Muddo Fog, Waxase aan Rajo Xumo aan la Qarin karin ka Muujinayaa Qaabka loo soo Xulay Wasiirada Cusub Iyo Tirada aadka u badan ee sida aan filayo looga dan lahaa oo qura in ay iska dhex arkaan Dad loogu tala galay in la Qanciyo, Balse aan loo eegin in ay wax qaban karaan iyo in kale''.
''Waxa kaloo meesha ku jira in Dowladdan ay qeybsadeen oo qura Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha iyadoo Nin waliba uu qaatay 18 Wasiir oo uu Nin waliba u soo Xushay Saaxiibadiis, Halka Dadkii kale ee aan ku Kooxda ahayn Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha aan waxba looga Ogolaan Xilalka Dowladdii lagu waday in ay Noqoto Midnimada Qaran''.
''Uma maleynayo in Dowladda Shariifku ay wax badan ka qaban karto Xaaladda Cakiran ee ka jirta Dalka Soomaaliya Marka la'eego Qibrad la'aanta Xagga Maamulka ah ee Shaqsiyan Isaga haysata, Iyo Wasiirada uu u soo Xushay in ay la shaqeeyaan oo Tiradoodana ay aad u badan tahay Tayadoodana aaney ahayn mid badan''.
''Waxan Shariifka kula talinayaa in Haddii uu wax wadi waayo uusan Dagaal gelin Dadka Soomaaliyeed ee 20ka Sano ku soo jiray Rafaadka iyo Colaadda ee uu Walba Sidii C/Qaasim Salaad Xassan yeelo si markaa ugu yaraan Bulshadu ay ugu Xasuustaan Taas''.
KismaayoNews ayaa qortey maalin ka hor faalo ciwanakeedu ahaa “Nuur Cadde illintiisa ma cadda mana madooba”.
Waxay dad baddani aad ola yaabeen sababta keentey in Nuur Cadde iyo Shariif markaliya isa soo sharaxaan, haddana Nuur Cadde iyo kooxdiisa qadka looga saaray markii wasiirada la dhisayay, oo waliba dadka kala darane Axmed Cabdisalaam looga tagay.
Astaamaha shakiga waxaa sii kordhiyey aamusnaanta Nuur Cadde ee uusan wali ka hadlin arrimaha uu isaga hormuudka u ahaa.
Hadaladani Nuur Cadde waxaa saxaafada usoo dusiyey rag asxaabtiisa ah oo uu ugu sirwaramay hotel Jabuuti ku yaala, marka la eego sida ay wax u dhaceena waxaa muuqana astaamo baddan oo aan warkani intiisa baddan lagu beenteen karrin illihii laga soo xigtey.
Warkani wuxuu soo baxayaa kadib warar isdaba joog ah oo qalabka warbahainta kusoo baxayay oo sheegayay isdaba marka iyo isbadbadalka Sh. Shariif, 2 maalmood ka hor waxay saxaafadu baahisey war sheegayay in sirdoonka Maraykanka ay Liibiya ka baarayaan cadaymo la xariira Shariifka maadaamaa ay ka shakisanyihiin, waxaa ka horeeyey hadal uu jeediyey ergeyga AU u qaabilsan Soomaaliya oo sheegey in Shariif uu ka balan qaaday in uusan diinta islaamka ku dhaqo doonin Soomaaliya, hadalkaasi oo ka hor imanaya khudbadiisii doorashada iyo balanqaadyadiisii hore.