Ugaaska Beesha Sadde Oo Mowqif Adag Iska Taagay Awood Qaybsiga Dowlada KMG Ah.
Written by Gedo
Friday, 27 February 2009 07:13
Feb 27, 2009(GMN) Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah ugaaska Beesha Sade ee gobolada koonfureed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xukuumada cusub ee ra’isul wasaare cumar cabdirishiid ,isagoo si cad mowqifka beeshiisa daaha uga rogay.
Ugaas Cumar oo shir jar’iid ku qabtay qadka teleefoonka xili uu ku sugnaa magaalada Baardheere ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya afka beesh SADE ay gabi ahaanba qaadaceen xukuumada cusub, waxaana si gaar ah uu carabka ugu dhajiyay inay aysan rabin ninkii aan rabin waa sida uu hadalka u yiriye.
Ugaaska oo aan waydiinay in lagu casuumay shirkii dalka jabuuti ee dowlada midnimada qaran ayaa tibaxaaxay in aan la soo ogeysiinin.waxaana uu ugaasku ku sii dheeraaday in xaqii ay lahayd beesha SADE laga sad bursaday.
Mar uu ka hadlayay waxa la gudboon haddii ay yihiin beesha ka hortimid xukuumada ayaa waxaa uu tilmaamay in si deg deg ah u ugu wargelinayo in waxgaradka , aqoonyahanada, qurbajooga, xildhibaanada , haweenka iyo cuqaasha beesha ay isugu yimaadaan magaalo madaxda Gobolka ee magaalada Garbaharay si looga wada arrinsado marxaladaha xuquuqda beesha lagu duudsiinayo.
Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa uu noqonayaa aarrartii ugu damabaysay ee ka soo yeerta hoggaanka dhaqan beesha SADE,taasoo qeyb ka ah cabashooyin iyo banaanbaxyo ka dhan ah xukuumada oo ay muujinayeen qeybaha kala duwan ee beesha SADE kaddib markii sida ay beeshu ku cabanayso la duudsiiyay nidaamkii soomaalidu wax ku qeybsan jirtay.
Mr. Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (C/f Cagayare)
+2525 0 986554
+254 (0) 722474596
Cagayare17@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it
Gedoonlinenews@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it
Ugaaska Beesha Sadde Oo Mowqif Adag Iska Taagay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 267 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 15 Replies
- 170 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 400 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 287 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 6 Replies
- 1764 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 14 Replies
- 8721 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 4 Replies
- 1060 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 0 Replies
- 253 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 1147 Views
-
Last post by Voltage