Page 1 of 1

Qoys Itoobiyaan Ah Qaatay Diinta Islaamka, Cabsina Uga.....

Posted: Fri Feb 27, 2009 11:50 am
by Adan_1
Qoys Itoobiyaan Ah Qaatay Diinta Islaamka, Cabsina Uga Soo Haajiray Wadankoodii Hooyo Oo Ku Sugan Burco.

Burco(Ramaas) Feb.27, 2009 - Qoys ka kooban Hooyo iyo Todoba Caruur ah oo ay dhashay, oo markii hore kiristan ahaa, hadase ku soo biirey Diinta islaamka ayaa dhawaan yimi Magaalada Burco ee G/Togdheer.


Qoyskan ayaa sida ay sheegeen waxay uga soo haajireen carradoodii cabsi iyo fara-gelin laxaad leh oo uu ku hayay Aabaha ubadka ay dhashay hooyada Itoobiyanka ah oo magaciisa la yidhaahdo Serfue Dilahom.


Reerkan oo deganaa magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa markii ay yimaadeen magaalada Burco waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco, waxaanay muddo dhawr todobaad iyo maalmo ah deganaayeen guriga Gudoomiyaha gobolka Togdheer, isla markaana xafiiska baadhista dambiyada (CID) ee magaalada Burco ayaa ku sameeyay baadhitaan qoto dheer oo la xidhiidha xaqiijinta Islaamnimadooda ay ku doodeen qoyskan.



Markii arrinta ku saabsan qoyska mangalyo-doonka ah ee lagu faro-geliyay Diinta Islaamka ee ay doorteen la xaqiijiyay, lana ogaaday in Aabaha Qoyskan oo isagu haysta diinta kiristaanka inuu faro-galin iyo Hadidaad wayn u gaystay, ayaa la dejiyay xaafad ka mid ah magaalada Burco, halkaas oo ay hada si xoriyad ah ugu nool yihiin.


Hooyada Qoyskan oo aanu kula kulanay guriga la dejiyay ayaa Ramaasnews u sheegtay in ay u baahan tahay in loo baro ubadkeeda Diinta Islaamka, si ay ugu dhaqmaan. Maadaama ubadka qoyskani ay yihiin kuwo da'yar ah, isla markaana waxay ka codsatay Culimo-udiinka iyo ummadda kale ee reer Somalilandba ee ka gaysan karta gacan inay wax kala qabtaan dhinaca barashada diinta oo ciddii awoodi kartaa ay taageero dhaqaale u fidiso qoyskan uga soo haajiray wadankoodii hooyo Qadarinta ay u hayaan diinta Islaamka ee ay qaateen.

Burco

Re: Qoys Itoobiyaan Ah Qaatay Diinta Islaamka, Cabsina Uga.....

Posted: Fri Feb 27, 2009 11:54 am
by sheekh-Farax-zero
Masha-allaaaaaaaaah :up: