He kicked out Puntland from Las Anod last year, And went to Djibouti to Join Sh Sharif's government on Somaliland's payroll. He become a MP


Xildhibaan ka tirsan dowlada Federaalka ee Somalia oo masuuliyiinta Somaliland ku xidheen Hargaysa
Warkii 27-Feb-2009 iyo Qormadii: C/naasir C/laahi
Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland hadana ah xildhibaan ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa shalay lagu xidhay magaalada hargaysa ee xarunta Somaliland…………….
Mr: Idhabuur ayaa 25 bishii January ee sanakan ka baxsaday maamulka Somaliland isagoona ka qaybgalay shirkii isku darka baarlamaanka Somalia halkaas oo uuka helay xubin baarlamaan waxaana uu isla magaalada jabuuti kaga qaybqaatay doorashadii Madaxaynaha Somalia.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud faarax (Idhabuur) ayaa markii uu ka soo kicitimay magaalada jabuuti isku dayey inuu ka soo dego magaalada Boosaaso ee Dowlad Goboleedka Puntland balse masuuliyiinta gobolka Bari ayaa udiiday isagoona ka soo degay magaalada hargaysa oo uu hada ku xidhan yahay ..
Masuuliyiinta Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin xadhiga xildhibaankaasi waxaanuna xidhiidho la samaynay taliska booliiska hargaysa noo sheegeen in maxkamada ay u gudbin doonaan , dhinaca kale ma jiro isna war ku sabsan xadhiga xildhibaan indhabuur oo ka soo baxay dowlada midnimada qaran ee magaalada Mogadishu.