Page 1 of 1

Cowsane: Beesha Reer Muuse & Beesha Reer Maxamed

Posted: Sat Feb 28, 2009 12:39 pm
by oldenglish
KORMEERKEE NABADOONADA GOBOLKA SANAAG AYAA GUUL KU DHAMAADAY[+SAWIRO]

--------------------------------------------------------------------------------

Sanaag:-Nabadoonada gobolka sanaag ayaa kormeer dheer ku kala bixyey Degmoyin ka mida Gobolka Sanaag arintaasi oo timid ka Gadaal Markii Dhowaan 7da Gobol ee Maamul Goboleedka Puntland Nabadoono ka socdaa ay kulamo kula yesheen Xukuumada Maamul Goboleedka Puntland isla markaasina kulankaasi looga hadlay wax yaalo badan oo dhinaca Hanaanka degaanka ah,Iyadoo arintaasi ka dib loo xilsaaray gobolwalba inay Nabadoonadoodu ku tagaan kormeer Nabadeed oo ay ku xasilinayaan xaaladkasta oo ay kala tirsanayaan dadka degaanadaasi ku dhaqan iyo guud ahaan sidii dadka rayadka ah loo fari lahaa fariimaha mihiimka ah ee ay ku jirto sumacada iyo Maamuska degaanka.

Hadaba kulankii Odayaal dhaqameedka ee Degmoyinka sanaag waxaa ka soo baxay Maxsuul fiican kaasi oo ah beelo wax kala tarsinayey oo ay shirar kala duwan la qateen dhinacyada wax kala tabata waxaana beelahaasi Xaaladooda ay ku soo dhameyeen qaab wanaagsan iyadoo ay beelahaasi Odayaashoodu wada saxixeen inay diyaar u yihiin Walaaltinimo iyo heshiis buux oo ay galaan waxaana loo qabatay xili dhow balan ay isugu imandonaan oo lugu xalindoono wax yaabaha ka kala dhexeeya.




Beelahan ayaa kala ahaa Beesha Reer Muuse ee Aadan Siciid iyo Beesha Reer Maxamed Ee Dubays oo ay ka dhexeyeen arimo u baahnaa in la xaliyo waxaana Nabadoonada 2aasi belood ay wada qateen heshiis inay diyaar u yihiin isla markaasina wax walba oo ay kala tabanayaan ay ku dhamaysanayaan Maslaxada caamiga ah Madaama ay yihiin dad isku hayb ah.

Waxaa sidoo kale iyana ay la kulmeen Odayaasha iyo Guurtada Gobolka Sanaag isla markaasina ay balansiyeen Nuur Axmed ee dhulbahante iyo Beesha Reer Saalax Ee Warsangeli oo heshiis buuxa ku kala qaadanaya Maalmahan fooda Nugu soo haya Magaalada Sarmaayo ee Gobolka sanaag.

Hoos ka daawo Gobihii ay Safardooda ku kala bixiyeen Nabadoonada Reer Sanaag.





Cowsane:-Safarkii 1aad ee Nabadoonada waxaa ay ka bilaabeen Magaalada Cowsane Ee Gobolka sanaag Waxaana loogu soo dhowayey si wanaagsan oo heer sare ah iyadoo aysan kala kulmin haba yaratee Wax turxaan bixin ah,baaqii ka soo baxay Shirwaynihii Magaalada garoowena loo qaatay si wanaagsan

http://laasqoray.net/view_article.php?articleid=4884

Re: Cowsane: Beesha Reer Muuse & Beesha Reer Maxamed

Posted: Wed Mar 18, 2009 4:20 am
by DamallaXagare
Labada kee tahey?
Oldenglish, where is that private room? The admin has disappeared.

Re: Cowsane: Beesha Reer Muuse & Beesha Reer Maxamed

Posted: Wed Mar 18, 2009 6:55 am
by oldenglish
Damale it will be a Public Room under the Somalia Politics section inshallah. The admin will fulfill this promised made very soon.