
Warkii 01-Mar-2009 iyo Qormadii: NEWS
Waxaa weli ka socda dagaaladii u dhexeeyey beelaha gobolka Sool,iyo Mudug,iyadoo laba ciidan oo sahan ahaa ay fooda is dareen,halkaas oo ugu yaraan uu hal nin ku geeriyooday,kuwo kalena ku dhaawacmeen.Dagaaladan u dhexeeya labada beelood ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Mudug ayaa ahaa kuwo soo noqnoqonayey,iyadoo aanay jirin cid ku dhex jirta colaadaas,marba marka ka danaysa sii xoogaysanaysa.
Dagaaladan ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed u dhexeeya,dhulka ay wada degaan ladada beelood,iyadoo horay loo gaadadhay heshiisyo iyo xabadjoojin ay beeluhu wada gaadheen,balse ay beesha gobolka Mudug jabisay dhamaadkii sanadkii tegey,kadib markay dileen nabadoon watay gaadhi safar ah oo ka yimid degmada Gaalkacyo,waxaana ciidamadaasi fooda is dareen dhowr jeer,iyadoo ay ku naf waayeen dad badani,kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa weli si xawli ah u socda gurmadyada ku gurmaya meelaha dagaaladu ka socdaan,iyadoo maamulada Puntland iyo Somaliland aanay wax war ah ka soo saarin colaadaas sii xumaanaysa.