Haddii Ay Xukuumaddu U Dhago Nuglaato Faro Gelinta Guddoomiyaha Baanka Beeshu Kalsoonidii Way Ka Fiirsanaysaa, Namana Matalo Beel Ahaan”
Caaqil Aadan Dirir Muuse
Hargeysa, March 01, 2009 (Haatuf)-Caaqil Aadan Dirir Muuse oo ka mid ah caaqilada beesha muuse Tuurwaa Habar Yoonis ee deegeenka gobolka Sanaag ayaa guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed ku eedeeyey inuu farogelin ku hayo marxuum beeshiisa ah oo magiciisa la odhan jirey fu’aad Maxamed Ismaaciil oo lagu dilay January 2003 dii magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag taas oo uu sheegay in gacan ku dhiiglihii diley marxuumkaasi oo la yidhaahdo Cawil Cabdilaahi Faarax oo maxkamada gobolka iyo racfaanka ay ku xukuumeen dil toogasho ah bishii march 2007 dii aan ilaa hadda maxkamada sare aanay soo saarin xukun kii kama dambaysta ahaa, tilmaamayna ilaa mudadaasi inuu xabsiga ku jiro isago intaa ku daray in beeshooda oo soo dooratay xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen dhaadheere doorashadii golaha wakiilada ay dib uga fiirsan doonaan taageeradii xisbiga udub ay u hayaan taas oo ay ku tilmaameen in shirweynihii xisbiga UDUB ee dhawaan ku qabsoomay caasimada xildhibaanka ay soo doorteen lagaga saaray xubinimadii golaha dhexe ee xisbigaasi UDUB.
Caaqil Aadan Dirir oo wargeyska Haatuf ugu waramayey maalinti shalay caasimada ayaa isago arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxaan halkan kaga hadlayaa marxuum la odhan irey fu’aad Maxamed Ismaaciil oo 2003 dii bishii January uu ku dilay magaalada Ceerigoobo nin gacan ku dhiigle ah oo la yidhaahdo Cawil Cabdilaahi Faarax kaas oo maxkamada gobolka Sanaag iyo maxkamada racfaankaba ay ku xukumeen dil toogasho ah, labada beelood ee ay ka soo kala jeedaane cuqaashoodi ay ku heshiisay in dilkaasi lagu fuliyo, ayaa waxa dhacday in guddoomiyaha baanka Cabdiraxmaaan Ducaale Maxamed oo ninkaa wax dilay adeer u ahi uu farogelin ku hayo fulinta dilkaasi kaas oo maxkamada sare-na ilaa mudadaasi uu xabsiga ku jirey culays ku saaray in aan la saarin xukunka maxkamada sare ee kama dambeysta ah oo ah xukun ka kaliya ee u hadhay sidaa darteed wuxunu masuuliyiinta maxkamada sare iyo masuuliyiinta sare ee xukumadaba u soo jeedinaynaa in si dhakhso ah loo fuliyo xukunka maxkamada sare ee mudada dheer ku rafanayey, haddiise ay xukuumadu arinka u wado guddomiyaha baanku ay tixgeliso ka madaxdhaqameedyadayadana ay tixgelin waydo, waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha in beeshu kalsoonidii ay xisbiga UDUB u haysay ay dib uga fiirsan doonto, taas waliba xildhibaankii ay beeshu ka soo dooratay xisbiga UDUB ee Ibraahim Dhaadheerana laga saaray golaha dhexe ee UDUB lagana reebay ergadi ka qaybgashay shirweyinihii UDUB,
Sidaa darteed waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu dib uga fiirsan doono mawqifka iyo rabitaanka beesha ee ku waajahan xisbiga UDUB”.
Xigasho: Haatuf
Bal hadda qaraminamadii Somaliland halka ay marayso eega?
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 22 Replies
- 2480 Views
-
Last post by Ducaale004
-
- 2 Replies
- 368 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 226 Views
-
Last post by jamols2
-
- 12 Replies
- 730 Views
-
Last post by kambuli
-
- 2 Replies
- 233 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 2 Replies
- 217 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 410 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by Casanova25
-
- 3 Replies
- 589 Views
-
Last post by MaliPirate
-
- 0 Replies
- 278 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka