Jasiirada Sacaada’diin Oo La Sheegay In Laga iibiyay....

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Jasiirada Sacaada’diin Oo La Sheegay In Laga iibiyay....

Post by Adan_1 »

Jasiirada Sacaada’diin Oo La Sheegay In Laga iibiyay Nin Sucuudi Ah.


Image
argeysa (Somalilandfuture) Madaxweynaha mudadiisii dhamaatay ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay in uu iibiyay jasiirada Sacaada’diin ee ku taala xeebta galbeed ee dalkan Somaliland.

Sida ay warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow-dhow qasriga madaxtooyadu noo sheegeen in M/weyne Riyaale uu jasiirada Sacaada’diin dhowaan ka iibiyay nin maal-qabeen ah oo u dhashay dalka boqortooyada Sucuudiga oo aan si rasmi ah loo sheegin magaciisa. Hase-yeeshee, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in uu yahay Ganacsadaha contract-ga ku haysta xoolaha ka dhoofa dalka Jabuuti ee Abu Yasir oo dhawaan booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Madaxweyne Rayaale iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo xukuumada ka soo baxay, hadana waxa la sheegay in M/weyne Riyaale maal-qabeenkaasi Sucuudiga ah Jasiirada Saada’diin kaga iibiyey lacag aad u badan oo aanay suurtogelin aanu qadarkeeda helno.

Jasiirada Sacaada’diin oo ku tulaalla goob istiraaji ah ayaa ka mid ah goobaha ugu habboon ee ku wanaagsan dalxiiska ee u baahan in maal-gashi lagu sameeyo.

Iibka jasiirada Sacaada’diin oo aanu noociisu hore u soo marin, ayaa ah mid khiyaamo Qaran ah, oo aanu ku kici Karin masuul lexe-jeclo iyo mustaqbal ka qaba dalkiisa.

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa muddooyinkan dambe caadeysatay inay si sharci darro ah u iibsato dhulka danta guud ah, waxanay bishan gudaheeda xukuumadu qaabkan oo kale u iibisay dhul istaraaji ah oo ku yaalla xaafada Indian-line ee badhtamaha magaalada Hargeysa iyo dhul ay lahaayeen agoontii uu ka baxay Muj. Maxamed Cali oo ku yaalla agagaarka haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”