Cadami Oo Si Xoog ah Loogu Soo Dhaweeyey London

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Cadami Oo Si Xoog ah Loogu Soo Dhaweeyey London

Post by Adan_1 »

Waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada London, Mudane Axmed Xaaji Cadami, waxaa si qiimo badan oo aan hore u dhici jirin u soo dhaweeyey, jaaliyada Sanaag ee Qurbo joog ah. Waxaa wararku sheegayaan in Axmed Xaaji Cadami uuu uga xog-waramay Jaaliyada duruufaha siyaasadeed ee dalkii Somaliland marayo, himilooyinka Somaliland hiigsanayso iyo dimoqraadiaydii uu ka ahaa odayga oo taabagalaysa, sidoo kale wuxuu tilamaamay doorka weyn ee ay reer Sanaag mar walba ku leeyihiin arrimaha siyaasada Somaliland, midaas oo shacbiga reer Somaliland si aad u balaadhan ugu qiimeeyaan, kana raali yihiin in ay illaa kursiga u sareeya qabtaan, haddii qofku helo cod ku filan.

Wararka aadka ugu dhuun daloola Mudane Cadami ayaa sheegaya in uu kalsooni badan ka helay dadka reer sanaag ee qaarkood ka biyo diidanaa fikrada Somaliland. Wuxuu in badan ku qanciyey sinaanta, cadaalada iyo isu soo wehelyowga yaala Somaliland in aanu oolin Puntland.

Mudane Cadami ayaa la filayaa in uu hawl balaadhan oo qaranka Somaliland oo dhan u dan ah ka wado dalka Ingiriiska, waxaana aad loo danaynayaa in ay arrintaasi u faa’iidayso xisbiga uu ka soo jeedo ee Kulmiye. Welise ma tilmaamayso in ay ku xidhan tahay Xisbiga ololihiisa, waxayse tilmaamaysaa soo bandhiga fikrada Somaliland oo lagala doodo inta aan ku qnacsanayn Somaliland, arrintasina waxaa ka muuqada guul, sida ay sheegeen warar ka ag dhaw Mudane Cadami. Waxaase la tilmaamayaa in uu ku hoos jiro qorshe Xisbigiisa ah, kaas oo uu qofka ku qanca Somaliland ku biirninayo Xisbiga Kulmiye.

somalilandfuture
=================================================================================================



Bide Baarjeex Findhe ayaa maalmahakan dedaal dheeri ah u galay siduu uu usoo heli lahaa koox la sheegay inay yihiin gudi u dhalatay Gobolka Sanaag lana shaqeynayay Cadami oo sidaynu ognahay Silaanyo usoo wakiishay inuu Baaho, Biiro & qaadhaanba ula dhexmaro Beesha Sanaag si Siilaanyo uu ugu soo baxo doorashada maamulka SNM.

Bide Baarjeex ayaa balan qaaday inuu si dhakhso ah usoo gudbin doono dhamaan magacyada gudiga la shaqeynaya Cadami ee ku hawlan sidii Qaadhaan loogu taageeri lahaa Xisbiga Siilaanyo ee Kulmiye, waxaana xubnaha magacyadooda lagu soo daabici doonaa mareegaha Sanaag.
:lol:
http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=4287
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”