Axmed Daaci oo Sheegay Isbaarooyinka u yaala DKMG ah inay ku

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Axmed Daaci oo Sheegay Isbaarooyinka u yaala DKMG ah inay ku

Post by The_Patriot »

Axmed Daaci oo Sheegay Isbaarooyinka u yaala DKMG ah inay ku ogtahey.
Waxaa jira wali dhowr Isbaaro oo Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah u taalada qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo Dadka iyo Gaadiidka Rayidba uga qaadaan Lacago baad ah oo badan.

Meelaha wali Isbaarooyinku ka yaaliin Magaalada Muqdisho, waxaa ka mid ah 3 meelood oo ku kala yaala Degmooyinka Dharkeynlay iyo Wadajir iyo sidoo kale meelo mararka qaarkood Isbaaro kedis Ciidamadu dhigtaan oo ka tirsan Dedmada Waabari.

Basle Isbaarooyinkan dhibaatooyinka badan Dadka iyo Gaadiidka Rayidkaba loogu geysto waxaa si kale arintooda u dhigay oo ka Hadley Axmed Xasan Cadow(Axmed Daaci) oo Maamulka Gobolka Banaadir ee DKMG ah ugu qaabilsan Degmada Wadajir, waxa uuna sheegay in Isbaaroyinkaas Dowladu ku ogtahey, Arimaha Amaanka ay ka shaqeeyaan, lacagaha Dadka iyo Gaadiidka Rayidka ka qaadaana ay tahey mid Nolasha Ciidanka ee shaqeeya lagu daboolo, mar uu arintaa ka hadlayeyna isaga oo u waramayey Idaacada Shabelle ee Muqdisho waxa uu sheegay:“Nabada iyo Xalkuba waxa ay u yaaliin in Amniga Meesha la sugo, Dadka Amniga sugayana wax bartood dhaqaalo looga helo waaye, waad ogtihiin oo Dowladu meelaha ay joogto iyo goobaha Ciidamada lagu xareynayo waa naga danbeeyaan, waxaana ka mid nahey Dadka Shacabka ah ee meesha degan Amnigana u baahan, marka hadii Dowladu naga danbeyso inaan Amniga sii ilaalino, jegboontiyada(Isbaarooyinka) Amniga in lagu sugo ayey u yaaliin meesha’.

Axmed Daaci ayaa qirey inay Jiraan Labo Isbaaro oo u taala Ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir ee uu hogaaminayo, kuwaas oo lacago kale duwan oo baad ah looga qaado Gaadiidka iyo dadka Rayidka.

Ma jiro wax war ah oo dhanka Gudiga Amaanka ee DKMG ah ka soo baxey oo ku aadan hadalka Axmed Daaci, sidoo kale ma jiraan talaabooyin muuqda oo wax looga qabanayo cabashooyinka kale duwan ee Dadka Rayidka ah ka muujinayaan Isbaarooyinka kale ee sii yaala qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir.
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Axmed Daaci oo Sheegay Isbaarooyinka u yaala DKMG ah inay ku

Post by Somaliman50 »

ICU boys need to take action. i hope sh cabduqadir cali cumar does something about these militas that belong to qeybdiid.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”