Xafiiskan iyo xubnaha ka shaqeynayo oo ah kuwo kooban ayaa maanta si toos ah looga hirgaliyay gudaha gobolka ka dib baahi xoogan oo loo qabo arrimaha racfaanka oo ka hore aanu ka jirin degmoouyinka gobolkan waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha gobolka iyo qeybaha garsoorka ee gobolkan.
Munaasabadan lagu furay xafiiskan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha maamulka gobolka hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo shegay in codsiyo badan oo uga yimid dhica maamulka garsoorka iyo qeybaha bulshada ay sababtay in maanta la hirgaliyo xafiiskan oo ku shaqeyn doono cadaalada iyo shareecada islaamka.
Gudoomiye Macow waxaa kaloo uu intaasi ku daray in isbadal xoogan oo dhica garsoorka iyo dacwooyinka uu la imaan doono xafiiskan isagoo kula dardaarmay xubnaha maamuli doono xafiiskan ku shaqanka iyo hirgalinta shareecada islaamka.
Gudoomiyaha Maxkmahada Rafaanka ee Gobolka Hiiraan Max’ed Muxumed Warsame ayaa isna ka hadlay xaflada waxaana uu sheegay in ay isaga iyo xubnaha kale ee la shaqeyn doono ay si cadaalada ah wax ugu qaban doonaan umada islamarkaana aysan dhici dooni wax isdabo arin toona.
Dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay munaasabadan furitaanak xafiiska maxkamada racfaanak ee gobolka hiiraan oo isugu jiray Odayaal dhaqameed,ganacsao, iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay xafiiskan cusub ee Racfaanka.
Qaab dhismeedka xubnaha xafiiska maxkamada Racfaanka oo ay dadkii ka oo qeyb galay ka hor aqriyeen maamulka islaamiga ee gobolka hiiraan ayaa waxaa uu ahaa sidan-tan.
Gudoomiye Max’ed Muxumed Warsame
1.Shiikh Cumar Max’ed Aamin
2.Ibraahim Xasan C/dulle
3.Yuusuf Aadan C/dulle
4.Max’ed C/dulle Cismaan (Itaxyare)

Xafiiska Racfaanka ee laga furay baladweyne

Xaflada Furitaanka Maxkamada Racfaanka

gudoomiyaha maamulka Maxkamadaha islaamka ee gobolka Hiiraan.

gudoomiyaha maamulka maxkamadaha islaamka ee degmada b.weyne

ka qeyb galayaasha Xafladaas

Gudoomiyaha maamulka maxkamadaha islaamka ee degmada beledweyne

Magacyada Xubnaha oo la aqrinayo