Central Somali bank to be rebuilt in Mogadishu
Posted: Fri Mar 06, 2009 7:13 pm
Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ay sida ugu dhaqsaha badan u howlgelin doonto Bankigii dhexe ee Soomaaliya oo aan si rasmi ah u shaqeyn tan iyo burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxamuud oo la hadlay saxaafada kadib kulan ay Khamistii ku qaateen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ajandayaashii ugu waa weeynaa ee lagu lafa guray kulankaasi ay ugu muhiimsanaayeen sidii dhaqaalaha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya loogu aruurin lahaa bankiga dhexe ee Somalia.
Waxaa uu sheegay wasiirka warfaafinta in golaha wasiirada ay isla garteen sidii lacagaha keydka iyo kuwa aan keydka aheyn ee dalka Soomaaliya iyo dhamaan dakhliga soo gala Dowlada lagu shubo bankiga dhexe ee Soomaaliya si loogaga maarmo in lacagaha dowlada la dhigo baankiyo kale oo dibada ah.
"Golaha wasiirada shirki ay shalay yeesheen oo uu shir gudoominayey Ra'isul wasaaraha waxyaabihi lagu lafa guray waxaa ka mid ahaa sidii loo howlgelin lahaa bankiga dhexe ee dalka Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho,Goluhu weey isku raaceen in lacagaha iyo dhamaan dakhliga soo gala Dowlada lagu xareeyo bakiga dhexe ee dalka Somalia"ayuu yiri Farxaan Cali Maxamuud wasiirka warfaafinta
Bankiga dhexe ee Somalia ayaanan si rasmi ah u shaqeyn mudo 20 sano ah, waxaase uu helay dayactir intii ay jirtay Dowladii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yusuf, iyadoona si rasmi ah loo dayactiray bankiga oo ay ku baxday lacago fara badabn dayactirkiisa, balse ma jirin wax shaqa ah oo uu u qabtay dalka.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Dowlada Midnimada Qaran ee Somalia Farxaan Cali Maxamud ayaa u mahad celiyey dadki shalay ku banaanbaxay magaalada Muqdisho ee ku muujiyey dibadbaxooda sida ay u taageersanyihiin Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya ee dhawaan lagu soo dhisay magaalada Jabuuti.
Farxaan waxaa uu sheegay in wasiirada ay kaga hadleen kulanki ay shalay qaateen banaabaxyada ka dhacay shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya isla markaana ay ku tilmaameen waxa ay ugu yeereen dhiiri gelin iyo niyad dhisid, waxaana ay balan qaadeen in ay shacabka si wanaagsan ay wax ugu qaban doonaan kana faa'ideeysan doonaan taageerada shacbiga sida uu hadalka u dhigay
http://www.mareeg.com/fidsan.php?sid=10822&tirsan=2