Wasiirka Maaliyada oo Sheegay inay Xukuumada ka go’antahay qabashada Doorashada Afraad ee Somaliland si ay taariikhda ugu gasho
Hargeysa (Gabileynews)- Telefishanka Madax Banaan ee Horn Cable TV ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan ah si gaar ah ula yeeshay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, Md. Xuseen cali Ducaale (cawil), waraysigaas oo dhinacyo badan taabayay, islamarkaana uu wasiirku kaga jawaabay arimo door ah oo ku saabsan marxalada xiligan ee doorashooyinka inagu soo aadan waxay xukuumad ahaan ka qabaan fikirka qaadacaada xisbiga kulmiye ee dibudhiga doorashada, eedaymaha mucaaradku u jeediyaan ee inay hanti lunsadeen ah iyo xisaabxidhka miisaaniyadihii hore ee ay had iyo jeer golaha wakiiladu ka cawdaan in aan wasiirku soo hordhigin oo uu eedeeda iska leexiyay iyo arimo kale oo badan. Waraysigaas oo ah mid xiiso badan waxa si gaar ah uga qaaday weriye Maxamed Cabdi (Ilig), waraysigii oo dhamaystiranina wuxuu u dhacay sidan: -
S:Md. Wasiir, Sideed ugu jirtaan ololaha doorashada fooda inagu soo haya iyo dareenkaad xukuumad ahaan ka qabtaan muddo-kordhinta?
J:Annagu xukuumad ahaan waxaan kuu cadaynayaa in doorashadani ka dhacdo dalka. Waayo adduunwaynihii ayaa inagu xidhay hadii doorashadaasi si xalaal ah u dhacdo in ictiraafkii miiska inoo saaran yahay, anaguna dedaalkaa dheer ee aanu u soo marnay ictiraaf raadinta, waxa ka mid ah doorashooyinkii hore ee noo qabsoomay iyo sidii ay u qabsoomeen ayay tanina nooga go’an tahay waxaana ay ka mid noqon doontaa waxyaabaha aanu ku faani doono taariikhdana noo geli doonta in aanu nahay dawlada keliya ee Afar doorasho soo qabatay. Kharashkiina waanu u haynaa, 8 Bilyan noogu jira miisaaniyada 2009-ka.
S: Maxaad odhan kartaan waanu qabanay ee aad ku faanaysaan hadaad tihiin xukuumadii talada haysay?
J:Dagaalo adag ayaanu Cabdilaahi Yuusuf la galay, ciidankiina waanu dhisanay, xuduudana waanu adkaynay, oo caydii Kulmiye dhegahaanu ka furaysanay oo ay waxyaabo badan sheegi jireen, oo ay odhan jireen ciidankii wuu kala jabay, waxbaa ka maqan, way niyad-jabeen way iska soo baxayaan. Waxyaabo ay cadawga maqashiinayaan bay nagu odhan jireen. Markaanu Laascaanood galay wajiyaashoodu may cascasayn, Guul waxaan u arkaa inay dawladu keentay oo ay beritana cod ku helayso. Kulmiye umay arkin arrintaas guul umadani gaadhay, umadeenii oo ehligeeniya oo been loo sheegi jiray, beentiina ka soo noqday. Mar dambe oo la qasbay ayay ciidamada ku amaaneen oo ay la habsaameen, maalintii aanu galay Laascaanood iyo maalintii ku xigta waxaad ogtahay inay warbixintay dhiibeen shirkii aanu ku wada jirnay xisbigayagu ma ogola ayay yidhaahdeen diiwaan-gelinta. Diiwaan-gelintaa aynu leenahay umadeena si aan laysu qabqabsan,oo aan doorashada lagu noqnoqon oo bari danbe aaney isu dilin umadeenaasi.
Umada aan dhaxal uga tagno hadii kale umadani dagaal bay geli doontaa 20 sano ka bacdi. Waxaanu anagu rabnay diiwaan-gelinta nabada umada iyo dhaxal inaan uga tagno. Siilaanyo iyo Kulmiye diiwaan-gelintii way is-hor-taageen, Bari Sanaag iyo Sool markii la doonayay in la tago iyagu way diidanaayeen, iyada oo umadu ogolayd diyaarna u ahayd.
Dawladuna waxay gaysay agabkii iyo hawl-wadeenadii oo way diidi kari wayday umadii oo diyaar ah, shacbigeedu waxay doonayeen bay raacday. Kulmiye markaad sidaa u eegto, waxaad arkaysaa in mar walba himilada umadan uu ka soo horjeedo, ilaa doorashadaa maanta ee uu ogyahay culayskeeda iyo miisaanka ay leedahay ee aduunka oo dhani sugayo waakaasoo wuu ka leexleexanayaa, UCID-na way raacday.
Waxaan markaa leeyahay oo aan ka codsanayaa hadii aanay doorashada raali ka ahayn Kulmiye in yidhaahdaan waanu ka baxnay doorashadii, waana iska caadi Axsaabtu mar bay yidhaahdaan doorasho geli mayno.
Hadii kale waxaan ka codsanayaa saaxiibaday Kulmiye tartanku waa Khamaar inay heli kartaan baa suuro-gal ah, anagu inaanu heli karnaa suuro-gal ah, UCID inay heli kartaa suuro-gal ah, Ilaahay baa og cida helaysa, aan tartanka wada galo, heshiiskana ha saxeexeen,
Lacagtaas doorashada loogu talo-galay si aan dib loogu celin deeq-bixiyeyaasha.
S: Md. Wasiir, hadii aynu u soo noqono Wasaarada Maaliyada, miisaaniyada aad hor-gayso Golaha Wakiilada inta badan mudooyinkii u dambaysay waxa jirtay inay kor-u-kacday oo sanadba sanadka ka dambaysa aad heer ka qaaday aad ilaa iminka gaadhsiisay 87 Milyan oo Dollar, arragtiyo kala duwan bay dadku ka bixiyaan arrimahaasi, waxay yidhaahdaan sarifka ayaa maalintiina qiimahaa taagnaa, maantana qiimahan taagan ee miisaaniyadu waxa korodh ah kuma laha dalka, ta labaad xisaab-xidhka Golaha Wakiilada sanad kasta ma soo gudbisid oo Golaha Wakiilada ma hor-gaysid, maxay ku dhacday Wasiir in lacagtii la isticmaalay xisaab-xidhkeedii ay Golihii shacabka ka wakiilka ahaa heli-waayaan?
J: Waa su’aal fiican, distoorka waxa ku qoran xisaab-xidhka Wasaarada Maaliyadu uma soo gudbiso Golaha Wakiilada ee waxay u gudbinaysaa Hanti Dhawrka Qaranka. Inay aniga I waydiiyaan Wasaarada Maaliyada xaqiiqdii maaha, hanti dhawrku hadaad berito u tagto wuxuu kuu sheegayaa inuu intaas sano ee ay sheegayaanba uu u gudbiyay Golaha Wakiilada, waxaanan jeclahay berito inaad u tagto, oo aad tidhaahdo Hanti-dhawr distoorku wuxuu leeyahay adiga ayaa u xilsaaran xisaab-xidhka dawlada inaad u gudbisid Golaha Wakiilada, markaa ma u gudbisay mise umaad gudbin, Document buu ku tusayaa, xisaabiyaha guud baad maraysaa markaa wuxuu ku tusayaa isaguna 2007-kii ugu dambeeyay, anagu markaanu hanti-dhawrka gaadhsiino waanu ka baxnay. Golaha Wakiilada markaa waxa u taala inay hanti dhawrka la xidhiidhaan, xisaabiyaha guud lama hadli karaan, aniga ilama hadli karaan. Waxaad arki doontaa wakhtiga sanadkii 2007 inay haystaan oo loo gudbiyay, waxaad ogaan doontaa inuu xisaab-xidhyada u soo wada diray.
Miisaaniyadaa 79 Bilyan baanu ka soo qaadnay oo Somaliland Shilin ah, maantana Dhawr Boqol iyo Sagaashan bay ku dhaw-dhawdahay, wasiiru-maaliyo badan baa iga horeeyay, wax cashuur ah oo aan sare u qaadayna ma jirto xaqiiq, intii Wasiiradii hore maamulayeen uun baan maamulaa, cid culays ma saarin, umadana dhibaato uma gaysan,wixii Kastankeena soo marayay uun baan adkeeyay oo aan gacmaha ka xidhay, indhihiina waan badiyay oo halkii Kastanku kaligii u xilsaarnaa nidaam baan keenay ah Dekeduna inay iyaduna baadho, markii awoodii kastanka waa lala qaybsaday.
Alaab hadaad doonayso in aanay wax bixinta indhahaa la badiyaa, halkan waxa jooga kastankii alaabtuu tirinayaa, wuu qiimanayaa, dekadii baa sugaysa, iyana way tirnaysaa, way qiimanaysaa, khalad bay ku arkayaanoo way ku celinayaan. Wasaaradu way igaga cabatay, awoodii kastanku lahaa ayaad deked u keentay ayay yidhaahdeen, waxaan ugu jawaabay cashuurta umadaa leh, cid lihi ma jirto, cid gaar ah oo awood u lihi ma jirto. Iska daa Hay’ad dawladeed Imaamka Masjid-jamaca Berbera Sheekhaasi haduu ii yimaado oo uu yidhaahdo Wasiir halkaa cashuur aan leeyahay ayaa lagu qaadaa shaki ayaana igu jira siday u socoto, oo waxaan doonayaa inaan la tirsado waxaan ku idhi walaahi kursi baan u dhigayaa, isna wuu tirsanayaa intuu culimo soo kaxaysto, golaha wakiilada waxaan ku leeyahay, kaalaya oo rag dhigta idinkuna tiraya, bil walba ogaada waxa na soo gala, bil walba ogaada siduu dakhligaasi u baxo, dalkan xaasha’e umaan soo shaqo-tegin.
Markaan halkan imi Hay’adda USAID ayaan la taliye uga ahaa oo lacagtaan qaadan jiray malayn kari maysid, 9 dal ayaan la taliye uga ahaa oo Afrikada Bari iyo Galbeedba ah, Ruwanda, Uganda, Brundi, Kiiniya, Tanzania, Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya, oo mashaariicda ay soo gudbiyaan aanu ka eegi jirnay, oo hadaanu diidno dib loo celin jiray, markaanu aqbalana u gudbin jirnay USAID-ka. Halkaan markaan kaambaynka u imi, ee Wasiir laygu magacaabay way igu adkaatay diid umadu xilkay kuu dhiibtayoo waxaad tidhaahdaa lacag fiican baan qaata, Buug baan qoraa, oo Laba buug oo aan hore u qoray lacag fiican baan ka helay, mid saddexaad baa jiray ii dambeeyay oo waliba lacag taqdiim ah laysiiyay, xasha’e shilin umadaasi leedahay qofkii lunsada wasaaradaha hore waan ugu sheegay anigana ku dhahoo wuu raacayaa, cid alaale cidii doonaysa inay dakhligaa ogaato wixii nagu baxay waanu sheegaynaa oo waxaanu qarsananaa ma jirto.
Ninka doonaya inuu fadhiisto oo uu wax nala tiriyo, waxna nala baadho xataa gunaanu siinaynaa, xasha’e hanti umadaasi leedahay habeen aakhiro in la yidhaahdo waad lunsateen habeen walba waxaan ku ducaystaa ilaahow waxay umadaasi leedahay ha idiin baahin.
S: Md. Wasiir, adiguna sidan baad u hadlaysaa, hadana mucaaradku inta badan waxay idinku eedeeyaan adigu inaad guryo badan ka iibsatay Nayroobi, Madaxweynuhuna Imaaraadka Carabta, dalka Masar uu ka iibsaday oo waliba masuuliyiin waawayni ay sheegaan, siday isku qabanayaan arrinkan aad adigu sheegtay ee ah inaydaan u baahnayn hantida umada iyo eedaasi?
J: horta waxa weeye, habeen dhawayd nin masuul ah ayaa hadlayay, waxyaabaha qaar baa laga xishoodaa, qof been lagama sheego, waxaan xusuustaa Marxuum Cigaal ninkaas masuulka ah ee habeenka dhawayd hadlayay wuxuu odhan jiray lacag buu banaanka dhigtay, beeruu leeyahay, meel heblaaya wax u yaalaan, markuu dhintay Marxuum Cigaal Boqol kun oo Shilin Somaliland ah kamuu tegin, diyaaradii lagu qaaday Daynteedii aniga ayaa bixiyay oo Wasiiru-Maaliye ahaa markii lay magacaabay, Cisbitaalkii la dhigay dayntiisii anigaa bixiyay, waa ninkii ninkaa masuulka ahaa odhan jiray lacag buu qaatay, lama yaabayo oo dad baa daalacan dhashay, markaan Safiirka ka ahaa Nayroobi, nin golihii sare ee kacaanka ka tirsanaa dawladii M. Siyaad Bare raga ugu cul-culus ahaa ayaa wuxuu igu yidhi Safiir waxaan maqlay inaad 3 guri Nayroobi ka iibsatay, wuxuu eegayay inaan difaaco waan yaabay oo waxaan ku idhi maya’ee waad khaldantee Shan baan ka dhistay, wuu yaabay waanu iska dhaqaaqay.
Waxaan uga jeedaa, dee waxaan ku odhan lahaa Safiir baan ahay waxaan qaataa 1000 Dollar, kunka Dollarna Raashinkii guriga kuma fila, markaa xageen ka keenaa.wasiiru-maaliyahaa guri kiiniya ka iibsaday wax ka jiraa ma jiraan. Waxyaabaha dadkeenu iska jecel yihiin hebel baa daaro dhistay, Daaro aan ku leeyahay Nayroobi ma jirto, Madaxweynuhuna sidoo kale.
S: Md. Wasiir waxa la yidhaahdaa adiga oo Cawil ah iyo Madaxweynuhu aad baad isugu dhowdihiin, oo talada dalka muhiimad balaadhan iyo qayb wayn buu ku leeyahay Wasiirku, waxaanay dadku ka eegaan taas, 5-tii Wasiir ee la magacaabay xukuumadii u horeysay ee uu Madaxweynuhu dhisay markii uu doorashada helay oo aad adigu ka mid ahayd iyo Maxamed Xaashi, Edna, Gees iyo Ismaaciil Boos intiiba meesha way ka baxeen oo adigu meesha waad ku hadhay markaa miyaanay arrinta dadka sheegayaan ee isu-dhawaanshahaasi aanay run ahayn?
J: Horta waxaan qabaa aduunka oo dhan waa layska yidhaahdaa Madaxweynaha hebel bay saaxiib yihiin iyo hebel bay isku dhaw yihiin, runtii markaan kuu sheego Madaxweynaha Wasiirada oo dhan way isku dhaw yihiin, wax aan ku idhaahdo Madaxweynaha waan uga dhawahay Wasiirada kale ma jiraan. Tan dadku sawirka iska qaadanayo waxa weeye 3 wasaaradood adduunka oo dhan Madaxweynaha access bay u leeyihiin waxa weeye Gaashaandhiga, Arrimaha Dibada iyo Maaliyada, waana inay madaxweynaha mar walba warbixin siiyaan oo ay isla eegaan hawlaha.
Taliyaha bilayska ayaa soo raaca, waxa kale oo ka mid ah Taliyaha ciidanka Qaranka iyo ka Asluubta, taasina maaha xidhiidh iyo saaxiibtinimo, balse hawlaha ay hayaan ayaa ka culus ta wasaaradaha kale marka loo geeyo.Gaashaandhigu Madaxweynaha haduu arki waayo wax badan oo halis ah ayaa iman kara.
Dawlad wasiiro way galaan, waanay ka baxaaan, intaan wasiirka ahay waxa weeye inaan umadaa daacad ugu shaqeeyo. Laakiin, Madaxweynaha awooda distoorka uu siiyay ayay ka mid tahay inuu xilka ka qaado, oo uu mid kale magacaabo, Madaxweynahana Wasiirada oo dhan waa saaxiib. Maaha hebel baa kaga dhaw hebel, waana sheekada Marfishyada laga sameeyo oo la odhan doono Berito Ilig (Weriyaha Horn Cable TV) iyo Wasiirku waa saaxiib, hawl uun baa isku keen-keentay. Markaa waxa weeye xaqiiqdii taasi waxba kama jiraan.
S: Wasiir ugu dambayntii, buugaag baad qortaa, qoraalo kala duwan baad samaysaa, aad baad laguugu tiriyaa dhinacaa qoraalada. Maxay tahay hadiiba dalka maanta xukuumada talada haysa ee aad ka mid tahay ay xukunka waydo amaba sii qabto, dhinaca qoraalka maxaa kaaga meel yaala?
J: Xaqiiqdii, Wasiirnimadan aan qabtay ee aan is idhi dadka u shaqee, wax badan oo qoraaladii ah ayaa iga hakaday, shaqadaan ugu jeclaa waxa weeye qoraalada. Labada buug ee aan hore u qoray, waxaan ku dedaalayay qadiyadeena in la fahmo, oo ninka ajnebiga ahi uu fahmo waxay tahay. buug ayaan nus marayay intii aan lay magacaabin oo aan dhamayn kari waayay, dadka wax qoraana way inagu yar yihiin. Koonfurtuna wax badan bay qoraan, oo inta badan qadiyadeena ay dhaawacayaan, waxaan jeclahay had iyo jeer aniguna inaan qoraalka badiyo oo hadii dawlada nalaga helo aan qoraalkaygii ku noqdo, Bugag badan oo arrinteena wax ka sheegaya inaan qoro, waxaanay noqonaysaa taariikh ii qorantay oo ah in aniga oo dhalinyaro ah aan is idhi dalkan naftaada u hur in dalkani xoroobo, oo iminka heer qiimayn ah joogo, waxay noqonaysaa taariikh qofku uu ku faano markay tiisii noqoto.
Interview Finance Minster Mr. Cawil
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 752 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 13 Replies
- 616 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 8205 Views
-
Last post by labo22
-
- 4 Replies
- 701 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 0 Replies
- 631 Views
-
Last post by Meseret
-
- 11 Replies
- 781 Views
-
Last post by Wareer
-
- 1 Replies
- 439 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 4 Replies
- 583 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 11 Replies
- 2178 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 394 Views
-
Last post by X.Playa