Juxa ayaa dameer uu laha suuqa keenay sii uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, dabadeetoayuu haraati ku jiiday, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsanaya ayaa yiri juxow cidna dameerkan kaama gadaneyso, juxa ayaa u jawaabay oo yiri in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga
Juxa ayaa malin nin dariskiisa ka codsaday inuu dameerkiisa amaahiyo si uu u safro, Juxa ayaa wuxuu sameeyo garan waayay, markaasuu ku yiri, dameerkeeyga shaley ayaan gaday, ninkii asagoo iska sii baxaayo, ayaa wuxuu maqlay dameerkii juxa oo ka qaylinaayo guriga gadaashiis, markaasuu soo laabtay oo yiri, soo kaa dameerkaaga qeylinaayo, markaasuu juxa inuu xanaaqay ku yiray, "nacas yahoow ma dameerbaad rumeynaysaa mise aniga"
Maalin maal maha ka mid ah baa Juxa aadey duurka si uu geed isoo jaro, markasuu geedka fuulay oo laantii ujarayay ku fariistay, nin baa soo maray, oo yiri, war laanta aad ku fadhido maxaad u jaraysaa Juxa? ma ineey kula jabtaa rabtaa?
Juxa howshiisuu iska sii watay, markuu cabaar jarayay, ayay laantii la go'day, markaasuu dhulka ku soo dhacay, Juxa intuu ninkii layaabay, ayaa ka daba orday, oo ku yiri, walaal nin owliyaa tahay ee isheeg, goormaan dhimanayaa, maxaa ayuu ninkii yiri? Juxa wuxuu yiri, dhulkaa ku soo dhacaysaa aa itiri, wanaan ku soo dhacay, ee isheeg!
ninkii baa yiri, markuu dameerkaaga yeero ayaad dhimanaysaa!
Juxa, maanta dhan suu usugayay, ayaa markii dameerkiisa yeeray, intuu mara isku duudubay ii geedka hoostiisa jiiftay!
cabaar ka dib aa dad kale soo mareen jidka, markaseey layaabeen ninka wada qarkeeda jiifo, oo weydiiyeen, magaalo heblaayo intee loo maraa, Juxa ayaa yiri markaan noolaa, jidkaas aa loo mari jiray, intuu dhankaa farta ku fiiqay, dadkii ayaa intey ninka layaabeen, iskaga tagay
Juxxa ayaa maalin maal maha ka midha sab aaday, markaasuu ku arkay cayaal badan oo sabta ku cariirinaayo, markaasuu jar u dagay, wuxuu u tilmaamay sab kale oo ka jirto xaafad kale, mar kaaseey cayaalkii orad is dhigeen, markaasuu intuu Juxa layaabay siday cayaalka u ordayaan uu shakiyay oo u maleeyay inay bo dhabtahay --markaasoo orod is daba dhigay.
Sheekooyinkii Juxxa!
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
Re: Sheekooyinkii Juxxa!
Juxa ayaa maalin maalaha ka mid ah isaga oo jooga suuqa nin uu san garanay baa dhirbaaxo wajiga oo ka dhuftay, juxa ayaa ninkii dhirbaaxada ku dhuftay waydiiye why uu o ku dhuftay. ninkii baa yiri waan kugu qaldamay oo waxaaan ku mooday nin aan raadinay. Juxa waa uu xanaaqay waxuuna ninkii ku dacweeyey maxkamad. Juxa markuu maxkamada tagtay ayuu u sheegay judge wixii dhacay. judege ayaa ku xukumay ninkee dhirbaaxada ku dhuftay inuu hal dinaar siiyo juxa. juxa waa u rumaysan waayey in dhirbaaxadii wajiga luga dhuftay lugu guday ahl dinaar. Juxa ayaa intii judge u tagay oo wajiga dhirbaaxo oo ku dhuftay ku yiri yo keep the dinaar since aad ko aamisay
- IRONm@N
- SomaliNet Super
- Posts: 5122
- Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
- Location: Jannatul-Fardowsa
- Contact:
Re: Sheekooyinkii Juxxa!
Good one sxb! we need more Juxa stories!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 561 Views
-
Last post by Kramer
-
- 2 Replies
- 633 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 10029 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 1 Replies
- 15297 Views
-
Last post by Kramer
-
- 4 Replies
- 1595 Views
-
Last post by somaliscarface
-
- 2 Replies
- 1682 Views
-
Last post by somaliscarface