Sh.Barre Qooje calls for everyone to attend shir!
Posted: Sun Mar 08, 2009 3:20 pm
Xoogaga inta badan degmooyinka gobolka Gedo gacanta ku hayo ayaa taageero badan u muujiyey shirka arrimaha beesha Sade looga hadlayo ee la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaasoo sheegay in ay so weyn u taagaeersan yihiin shirkaas.
Barre Maxamed faarax (Qooje) oo kamid ah saraakiisha Islaamiyiinta gobolka Gedo oo shalay ka hadlayey kulan ballaaran oo isaga iyo xubno kale ay la yeesheen wakiilka Ugaaska beesha Sade ee deegaanada Daawo ayaa ka sheegay kulankaas in ay si weyn oo hagar la'aaneed u taageersan yihiin shirka qaban-qaabadiisa laga wado garbahaarey.
Barre Qooje waxaa uu xusay in wax kasta oo ay awoodaan ay shirkaas ku saacidi doonaan, isagoo dadka ka qeybagalayo ku baraarujiyey in hirgalinta Shareecada Islaamka ay dhaqan galiyaan, dadkana ay u horseedaan.
Waa markii ugu horeysay oo xoogaga gobolkan Gedo maamula badankiis ay taageeradan u fidiyaan shirka ammuuraha beesha Sade ajandihiisu yahay ee ka dhacayo magaalada Garbahaarey.
Maxamed Qani Xuseen
Beledxaawo/Gedo.