illegal building work to be banned in beledweyne
Posted: Sun Mar 08, 2009 5:04 pm
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo dhisashada dhulalka aan sharciga aheeyn ee magaalada Baladweyne.
Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay si aad ah looga dareemayay Magaalada Baladweyne isqab qabsiga la xiriira dhulka isla markaana dacwadda arrimahaasi ku saabsan ay mashquulisay maxkamadda degmada Baladweyne ayaa maanta amar kasoo baxay xafiiska arrimaha bulshada ee degmada Baladweyne waxaa gebi ahaanba lagu mamnuucay inaysan jirin karin cid dhisan karta boos banaan ama goob Ganacsi taasoo wax warqad ah aan ka heysan xafiiska Arrimaha bulshada ee degmada Baladweyne sida uu sheegay C/raxmaan Cilmi Cabdi (C/raxmaan Buruuki) oo ah madaxa arrimaha Bulshada oo saxaafadda kula hadlayay Xafiiskiisa.
"Maanta wixii ka dambeeya qof dhisi kara dhul banaan ama halahaado sharci ha ahaado ama sharci darro qof dhisi kara majiro illaa warqad uu ka helo degmada Baladweyne, mana jiro qof dhisi dhisi kara, qofkii lagu helo isagoo xittaa gurigiisa dhisanaya isagoon warqad ogolaanshiyo ah aan heysan oo fasax ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah si aan u xaqiijino isqabsi dambe si uusan ku dhicin" ayuu yiri C/raxmaan Cilmi Cabdi (C/raxmaan Buruuki) oo ah madaxa arrimaha Bulshada.
Sidoo kale C/raxmaan Buruuki wuxuu amar ku bixiyay inay isa soo diiwaan geliyaan dadka deeganka ka dhigtay xarumihii hore ee dowladda sida xafiisyadii, wasaaradihii hore, wakaaladihii iyo xerooyinkii hore ee Ciidamada dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.
Amarkani kasoo baxay Maamulka Degmada Baladweyne ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay muran ka dhashay isqabsi dhul oo ay kudhaawacmeen dhowr ruux kadib rasaas ay isweydaarsadeen, waxaana la ogeyn sida ay kudhaqan geli doonaan amarada kasoo baxay maamulka degmada Baladweyne walow amarada kasoo baxa saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee Hiiraan Gacanta ku haya ay dhaqan galaan hase ahaatee amarkani ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee kasoo baxay maamulka degmada Baladweyne.
Shabelle.net