Togdheer: Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga gaadhay
Burco (Jam)- Laba Beelood oo mudo 42 sanadood ah ay u dhexaysay Colaadi ayaa lagu guulaystay in Maalintii Shalay la soo afjaro, Ka dib markii Guddi iskeed isku xilqaanatay ay ku guulaysatay in markii u horeysay ay isa-soo horfadhiisiyaan labada dhinac ee colaadu u dhaxay mudada dheer.
Shir ballaadhan oo lagu qabtay Huteel Barwaaqo ee magaalada Burco 25 Feberweri ayaa laba iyo soddon xubnood oo isugu jira cuqaal, culimo, waxgarad iyo dhallinyaro oo ka kala socda labada beelood laysku soo horfadhiisiyay si fool-ka fool ah markii horraysay, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen Salaadiin, Culama-diin , Masuuliyiinta Gobolka iyo gudigii dhexdhexaadinta.
Shirkan oo socday muddo tobon maalmood ah ayaa7/3/09, waxa layska gaadhay go’aan ka kooban saddex Qodob, kuwaa soo lagu soo gunaanadayo Colaadii muddo dheer dhex taalay beelaha walaalaha ah.
labada dhinac ee colaadu u dhexay oo ka tirsan degaanka Togdheer, ayaa ka soo kala jeeda beelaha Guutaale Caynaashe (H/Yoonis) iyo Khaalid (Dhulbahante), waxayna labada dhinacba soo dhoweeyay go’aanada laga soo saaray shirka kuwaa soo kala ah.
1-Dhacdada Koowaad: Ninkii Gaadhigu jiidhay 1966-kii ee dhibaatadu ka bilaabantay waxaa lagaga heshiiyay, oo laga xukumay 50 geel ah oo hashiiba ku qiimaysan tahay $150 dollar, 35 halaad oo ka mid ah waxa qaaday guddigii dhexdhexaadka ahayd si hawsha loo fududeeyo, 15 halaad ee soo hadhayna waxa bixinaya ardaaga reer Guutaale, waxaanay ku bixinayaan mudo sadex bilood ah oo ku eg 31 May 2009.
2-Dhacada labaad: Marxuun la dilay oo ninkii dilay dawladu ay qisaastay waa la isku tuuray oo waxba lagama soo qaadin.
3-Dhacdada Saddexaad: Nin lagu dilay magaalada Burco sanadkii 1999kii, waxayna Reer Guutaale balan qaadeen inay bixinayaan Magtii ninkaa oo ah Boqol Halaad oo dhogorleh, kuna bixinayaan mudo afar bilood ah oo ka bilaabmaya 1-3-09, kuna eg 1-7-09.
Go’aankan oo ay saxeexeen 32-Xubnood ee ka kala socday labada dhinac ayaa waxay balan adag iyo Axdiba ku qaadeen in colaadii muddada dheer u dhaxaysay ay halkaas ku dhammaatay oo wax dambe ka soo noqonayn, waanna ballan Ilaahay hortiisa lagu sameeyay, ciddii wax dambe ka soo celisaa ayaa qabta wixii ka yimaada oo masuul ka noqon doonta, Ilaahay hortiisana waa lagula xisaabtamaya.
Magacyada u saxeexay Beesha Khaalid:
Chief-caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye, Xaaji Axmed Cali Sacad, Maxamed X. Diiriye, Cali Maxamed Diiriye, Cabdi Axmed Diiriye, Muxuyadiin Cismaan Xaaji Diiriye, Shaafici Cabdiraxmaan Axmed, Qorane Yuusuf Diiriye, Cabdillaahi Axmed Diiriye, Xaaji Macow Axmed Cali Sacad, Cismaan Aadan Aar iyo Xubno kale.
Magcyada u saxeexay Beesha Reer Guutaale:
Caaqil Axmed Iidaan Yuusuf, Sh.Yuusuf Maxamed Cige,Cismaan Ismaaciil Yuusuf, Cali Dhawaaq Cabdi Xuseen, Maxamuud Cabdillaahi Axmed (Hugur),maxamed jaamac maxamuud xayd,c/naasir Cabdilaahi Faroole,J aamac Shawr Cilmi Cigaal, Mahad Muxumed Ducaale Maxamed, Cali Faarax Maxamed Xayd, Axmed Caydiid Warsame (Nabadshe) iyo Xubno kale.
Xubnaha Gudiga Dhexdhexaadinta:
Ciise Garaad Soofe, Xaaji Xasan Xaaji Maxamuud Guuleed, Cabdirashiid Cumar Cabdiillaahi Cismaan Ibraahin Faarax iyo Xubno kale.
Tallaabadan lagu soo afjaray colaadan mudada dheer soo taxnayd ee u dhaxaysa Beelahaas ayaa ka dambaysay, sida uu xaqiijiyay Xaaji Xasan Xaaji Maxamuud Guuleed in markii bishii April ee sannadkii tegay, Gudi iskeed isku xilqaantay oo uu ka mid ahaa ay bilaabeen Arintan,Islamarkaana u kala dabqaadeen dhinacyadu colaadu dhextiilay, dadaalbana u galeen, balse ku guulaysteen inay soo afjaraan colaadii dheerayd ee sahayatay dadbadan oo ka soo jeeda dhinacyadaas, waxa uu Xaaji Xasan u mahad celiayay Garaad Soofe, Cabdirashiid Cumar Cabdilaahi iyo Cabdillaahi Shariif oo hadda ku sugan Cariga Maraykanka oo iyagu kaalin weyn ka qaatay dhammaynta colaadan, waxa uu Xaaji Xasan ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay hor ilaahay u heshiisiiyaan cidii ama beelihii ay dhibaato kala dhextaal taasoo khayrka iyo wanaaguba ku jiro.
Sidoo kale waxa heshiisiintan labada beelood goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah salaadiinta reer Togdheer oo ay ka mid yihiin Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Cabdiraxmaan Qodax, Sheekh Mustafe Aadan, Sheekh Faysla Cali Faarax, Cuqaal, waxgarad iyo masuuliyiinta Gobolka Togdheer.
Sannadkii 2006-kii ayaa iayana lagu guulaystay in la soo afjaro colaad muddo Lixdan sanadood ah u dhaxaysay laba beelood oo ka mid ah beelaha degaanka gobolka tgdheer, taasoo iyana ay horsed ka ahaayeen xuno iskood isku xilqaamay, islamarkaana aanay wax gacan ah ka gaysan Heshiintan Beelahan xukuumada Somaliland.
Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga
Moderator: Moderators
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga
^Is that what you got out of the whole article




- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga
reer caynaasha verssus dhulbahante ma dhameyeen sheekadii
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga
i can read somali you knowCali_Gaab wrote:^Is that what you got out of the whole article![]()
![]()

i am just surprised 2 clans can beef for 42 years
Re: Colaad 42 sannadood u Dhexaysay Laba Beelood oo Heshiis laga
still sub clans of eidagale vs. ogaden sub clan of rer isakh hold the record. Their olaad concluded after a century. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 372 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 27 Replies
- 1567 Views
-
Last post by vangandi
-
- 1 Replies
- 503 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 421 Views
-
Last post by kambuli
-
- 0 Replies
- 392 Views
-
Last post by SanaagLion
-
- 0 Replies
- 413 Views
-
Last post by mahadalla
-
- 3 Replies
- 548 Views
-
Last post by Executive
-
- 1 Replies
- 437 Views
-
Last post by rich-boy
-
- 24 Replies
- 3377 Views
-
Last post by TarTar