




Waxa kale oo iyaduna xafladan hadal ka jeedisay caasha Xuseen Aadan oo ku hadlaysay magaca hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Luul Xasan Mataan oo ka tirsan Komishanka Xuquuqda Aadamiga ee Somaliland waxayna labaduba ku dheeraadeen taariikhda munaasibadan iyagoo isla markaana haweenka u soo jeediyey hadal talo iyo tusaalooyin ah.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada Md Axmed Xassan Cali(Casoowe) oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay xuska maalinta sideeda maarso ayaa ku hanbalyeeyay haweenka xuska maalintan[Maanta waa maalin dunida oo dhan laga xusayo oo lays xusuuinayo xuquuqda haweenka sababata loo yidhi xuquuqda haweenka oo caalamkuna isugu raacay waxa weeye waxbaa ka dhiman,Wadamada qaar ayaa jira weli aanay haweenku cod bixin karin,Marka wadamada qaarna xuquuqo gaara ayay leeyihiin iyo kuwo caalamku wadaago,Inagu dal islaama baynu nahay waxa jira xuquuqo gaara oo loo jideeyay haday hooyo tahay iyo haday xaas tahay haday habar yar tahay iyo haday taad dhashay tahayba intaba xuquuqo islaamku u jideeyay baa jira oo laynaga rabo inaynu fulino] ayuu yidhi Wasiirku
Ugu danbayntii waxa xafladan soo khatintay soona gunaanaday Wasiirka Wasaarada Qoyska Murwo Faadumo Suudi Xassan waxayna ugu horayn mahadnaq u soo jeedisay marti sharaftii ka soo qayb gasha xaflada iyadoo si gaarana u hambalyaysay haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan[Haweenka Somaliland hambalyo gaara ayaan u dirayaa Gobolada,Degmooyinka iyo meel kastoo ay joogaan,Waxan leeyahay nasiib wanaag inagoo maanta fursad u helay inaynu kala qayb galo haweemka aduunka maalinta loo qoondeeyay xuquuqda haweenka oo ay taasna inoo saamaxday nabad gelyada iyo dawladnimada aynu haysano,Waxa jira khalad laga fahmay maalinta dhaqankeena iyo diinteena cidna inaga kaxaynmayso dad islaam ah baynu nahay oo diintooda aad ugu adag,Diinteenu dumarka xuquuq aad u balaadhan ayay siisay maaha in aynu wax diinta ka baxsan doonayno,Dumarka yaan loo tarjumin in si khaladn wax loo wado waxaynu wax u wadnaa marka aynu wasaarada ama dawlada nahayn in dumarka aqoontooda kor loo qaado waayo iyagaa maanta mujtamaca ugu badan isla markaana ah lafdhabrtii xaqa dhaqaalah guriga aad iyo aad bay u halgamaan dumarka Somaliland maanta,waxan leenahay haweenku kaalinta ay taagan yihiin ha ka sii badiyaan oo xuquuqda ay diintooda iyo dhaqankoodu u ogol yihiin ha raadsadaan] ayay tidhi Wasiirku.
Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News News – Hargeysa