Beelo Hawiye ka tirsan oo Muqdisho ku yeeshay kulan ay isu calool xaarteen iyo baaq wadajir ah oo ay soo saareen
Mogadishu Monday, 09 March 2009 SMC
Qabiilka Hawiye ee dega inta badan Koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya, beelaha ku abtirsada waxaa dhex maray dagaallo qasaare baaxad leh u geystay dhinacyada dagaalamaya, shacabka labada beelood iyo dadka ka soo jeeda beelaha kale ee aan Hawiyaha ahayn.
Meelaha ay ka dhaceen dagaaladii ugu xoogga badnaa waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, oo beelaha walaalaha ahi ku dagaalamayeen muddo shan sano ka badan, inkasta oo dagaaladaasi intooda badan ay ahaayeen kuwo siyaasad iyo gacan ku heynta magaalada ay la xiriirtay, ayaa hadana waxay dagaaladaasi ay ku reebeen ma hadho beelaha ka wada tirsan Hawiyaha taasi oo ay ka mid ahayd dhibaatadii ka dhalatay is baheysiyo u dhaxeeyay jilibyada beelaha.
Haddaba tan iyo markii ay dhalatay dowladda wadaagga ah ee Madaxweynaha uu ka yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo ay yeelanayeen beelaha Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonada beelahaasi ay kulamo fara badan la yeesheen Madaxweynaha Dowladda midnimada Qaran Sheekh Shariif Axmed.
Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen waxgarad ka tirsan beelaha Abgaal iyo Karinle (Murusade) oo ka wada tirsan beel weynta Hawiye, waxaana kulankaasi labada dhinac ay uga wadahadleen waxyaabihii dhex maray ee xumaan ahaa iyo dagaaladii sokeeye ee horay u dhex maray.
Beelaha Karinle iyo Abgaal Cusmaan waxgaradka ka wada tirsan waxay kulankooda uga heshiiyeen isla markaasina ku calool xaarteen inay xalay ka noqdaan wixii hurgumo iyo xumaan ahaa ee dhex maray.
Laba afhayeen oo ka soo kala jeeda beelaha Abgaal Cusmaan iyo Karinle ayaa Warbaahinta ka sheegay in kulanka labada beelood ay ku gaareen heshiis taariikhi ah, iyagoona soo saaray baaq ku wajahan arrimaha nabadda iyo heshiisiinta beelaha.
Sidoo kale baaqa ay soo saareen labada beelood waxay ku baaqeen in beelaha Soomaaliyeed ay dhexdooda ka heshiiyaan, lana taageero Dowladda cusub ee wadaagga ah.
“Xoogagga dagaalada ka wada gudaha dalka, waxaan ugu baaqeynaa in dagaalka ay ku bedelaan wadahadal miiska dushiisa, anagoo aaminsan inay helayaan wixii ay doonayeen” ayaa lagu yiri baaqa labada beelood.
Sidoo kale beelaha ka wada tirsan qabiilka Hawiyaha ee maanta heshiiska ku gaaray magaalada Muqdisho waxay sheegeen in wixii ka dambeeya heshiiskan maanta ay ku dhaqmi doonaan ShareecadaIslaamka, iyagoona ugu baaqay beelaha kale ee Soomaaliyeed inay iyaguna sidaas oo kale ay isku xukumaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- abgaalKING
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2910
- Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
- Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
If that's true, then that's good. Theres been several sub clan negotiations going on the past few months.
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
Abgaal ayaa godka igu jira ee i keena (garweynta) a type of axe
it was a war song (shirib) that murusade use to sing. If HG was not present in xamar during the civil war these clans would have finished
each other. But thats the past Hawiye is now united more than ever


each other. But thats the past Hawiye is now united more than ever


- Warsan_Star_Muslimah
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4574
- Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
- Location: ''A Malyuun Bucks''
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
Subeir; Why did we start fighting each other.
I was going to say something regarding the killings done by those respective tribes, but there is not point. The past is finished and buried, along with the innoncent. AUN somalis.
Salaam


I was going to say something regarding the killings done by those respective tribes, but there is not point. The past is finished and buried, along with the innoncent. AUN somalis.
Salaam

Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
Murusade waligiis lama dagaalamin abgaal oo dhan,they just fight against abgaal subclans mostly those who live in galgaduud such as waceesle.subeir123 wrote:Abgaal ayaa godka igu jira ee i keena (garweynta) a type of axeit was a war song (shirib) that murusade use to sing. If HG was not present in xamar during the civil war these clans would have finished
each other. But thats the past Hawiye is now united more than ever![]()
- Warsan_Star_Muslimah
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4574
- Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
- Location: ''A Malyuun Bucks''
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
Why are they fighting with wacaysle?Addoow wrote:
Murusade waligiis lama dagaalamin abgaal oo dhan,they just fight against abgaal subclans mostly those who live in galgaduud such as waceesle.
Salaam
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
well,Somali inter clan fighting basically is about domination and over grazing lands and water wells.Warsan_Star_Muslimah wrote:Why are they fighting with wacaysle?Addoow wrote:
Murusade waligiis lama dagaalamin abgaal oo dhan,they just fight against abgaal subclans mostly those who live in galgaduud such as waceesle.
Salaam
Re: abgaal iyo Murusade oo gaaray Heshiis Taariikhi ah.
[quote="Warsan_Star_Muslimah"]Subeir; Why did we start fighting each other.
Probaly like addow said over water wells and lands nothing political most of somalia is a peasant society,
stealing another tribes camel can cause a 5 years old war actually
but that happends
in dhulka baadiyaha.

Probaly like addow said over water wells and lands nothing political most of somalia is a peasant society,
stealing another tribes camel can cause a 5 years old war actually



in dhulka baadiyaha.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 373 Views
-
Last post by snoop12
-
- 3 Replies
- 542 Views
-
Last post by Executive
-
- 24 Replies
- 3352 Views
-
Last post by TarTar
-
- 12 Replies
- 1986 Views
-
Last post by zulfiqir23
-
- 7 Replies
- 54 Views
-
Last post by king of kismayo
-
- 1 Replies
- 1182 Views
-
Last post by Strategic
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by Rebelxx222
-
- 2 Replies
- 327 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 6 Replies
- 992 Views
-
Last post by ina aadan