Page 1 of 1

Breaking News:Somali Parliament

Posted: Tue Mar 10, 2009 9:13 am
by Addoow
Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Somalia ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayey arimo kala duwan waxaana shir gudoominayey ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke)

Kulankan oo ahaa mid albaabadu ay u xiran yihiin ayaa waxaa warbixin looga dhegeystay guddi gaar ah oo dhowaan xukumaadu ay u xilsaartay qaabka ugu haboon ee dalka looga dhaqan gelin karo shareecada Islaamka kaasoo soo jeediyey illaa 3 qodob oo kala ahaa in xukuumadu ay ogolaato in si buuxda dalka loogu dhaqo shareecada Islaamka, isla markaana ay xukuumadu ay markaa ka dib u gudbiso baarlamanka Somalia si uu qodobkaasi u meel mariyo.

Sidoo kale, waxaana guddigaasi ay soo jeediyeen in la saaro Guddi isku dhaf ah oo ka kooban DF iyo heyadda culimada Somaliyed si ay u soo diyaariyaan dastuur ku saleysan shareecada Islaamka oo dalka lagu maamulo mustaqbalka.

Sida u sheegay wasiirka warfaafinta Farxaan Cali Maxamed oo kulankasai ka dib saxaafada la hadkayey ayaa sheegay in soo jeedinta gudugaasi ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si buuxda iskugu raaceen in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka waxaana talaabada golaha wasiirada uu ku ogolaaday arintaasi oo si weyn u soo dhoweeyey dhamaanba shacanbka Somaliyeed oo mar kaliya ku taami jiray iney arkaan xukuumad dalka ku maamaleysa shareecada Islaamka.

Re: Breaking News:Somali Parliament

Posted: Tue Mar 10, 2009 10:35 am
by subeir123
MASHALLAH MASHALLAH :som: :up:

Hada maxii dihi donaan nacalada Al -shabab ileen diinta iyo shareecada islamka wa la qatay taas ayaa la
suga. Inii xukun doon yahiin ayaa so baxeeyso WALLE :down:

Re: Breaking News:Somali Parliament

Posted: Tue Mar 10, 2009 11:22 am
by Somaliman50
Hold on, the cabinet and the parliament and the president himself have all agreed Sharia Law, but when and how will it be implemented?

Re: Breaking News:Somali Parliament

Posted: Tue Mar 10, 2009 11:23 am
by sheekh-Farax-zero
Masha-allaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah

Re: Breaking News:Somali Parliament

Posted: Tue Mar 10, 2009 11:38 am
by Grant
abakar20 wrote:Hold on, the cabinet and the parliament and the president himself have all agreed Sharia Law, but when and how will it be implemented?
What Shariica are we talking about? Get it codified before you start celebrating. Hell, get it codified before they vote on it. Talibannimo wa Somalinimo ma'aha. :!: