Page 1 of 1

balcad clan conflict reignites

Posted: Wed Mar 11, 2009 5:22 pm
by Somaliman50
Dagaal Beeleed ay dadi ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay deegaanka Xawaadleey oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Gabaldhicii galabta ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Xawaadleey ee gobolka Sh/dhexe Labo beelood oo halkaasi wada daga kuwaasi oo la sheegay in ay qasaare geysteen.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku nafwaayay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qeyb ka ahaa sida la sheegay kooxihii galabta deegaanka Xawaadleey ku dagaalamayay.

Maleeshiyaadka Labada beelood ee galabta halkaasi ku diriray ayaa waxa ay wararku xusayaan in ay isku haystaan maamulka deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe taasi oo sababtay in dhow jeer ay halkaasi dagaalo ka qarxaan.

Caawa ayaa waxaa kacsan Xaaladda deegaanka Xawaadleey ee gobolka Sh/dhexe waxaan durbaba dadka deegaanku ay bilaabeen in ay isaga cararaan guryahooda kuwaasi oo ka baqdin qaba dhibaatada ka dhalan karta daagaalada galabta dib uga soo cusboonaaday deegaanka ay ku noolyihiin maadaama dhinacyadii dagaalamay ay wali is horfadhiyaan.

Maalmo ka hor ayey aheeyd markii dagaalk nuucaani oo kale ah uu maleeshiyaadka labadaasi beelood ku dhexmaray deegaanka ay galabta ku dagaalameen ee Xawaadleey taasoo ay markii dambe soo kala dhex galeen saraakiil ka tirsan maxkamadaha Islaamiga kuwaasi oo halkaasi mamul ka dhisay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid soo isku xilsaartay in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo beelood ee halkaasi ku dagaalamay,waxaana ay dagaaladaani daba socdaan dagaalo maalmihii la soo dhaafay deegaankaasi ku dhexmaray labadaani maleeshiyo oo ay horay u heshiisiiyeen maxkamadaha Islaamiga.

Re: balcad clan conflict reignites

Posted: Wed Mar 11, 2009 5:52 pm
by Somaliman50
waryaa adoow tell those hartis in balcad they need to respect the agreements made two months ago.

Re: balcad clan conflict reignites

Posted: Wed Mar 11, 2009 6:12 pm
by Addoow
harti doesnt live in balcad,these groups are fighting over grazing lands ,nothing more,waa dad xoolo dhaqato ah,there is a scarce resouce in Middle shabelle,that is why alot of people are migrating to down south further ilaa sh.hoose dhamadkiisa.

Re: balcad clan conflict reignites

Posted: Wed Mar 11, 2009 7:01 pm
by Somaliman50
Addoow wrote:harti doesnt live in balcad,these groups are fighting over grazing lands ,nothing more,waa dad xoolo dhaqato ah,there is a scarce resouce in Middle shabelle,that is why alot of people are migrating to down south further ilaa sh.hoose dhamadkiisa.
they are making life difficult for the ICU admin. these groups in balcad waa xawadle iyo cid kale oo mudulood ah, weyna heshiiyeen, marka in dhib loo noqdo dagaal looma baahna,

Re: balcad clan conflict reignites

Posted: Wed Mar 11, 2009 7:10 pm
by Addoow
abakar20 wrote:
Addoow wrote:harti doesnt live in balcad,these groups are fighting over grazing lands ,nothing more,waa dad xoolo dhaqato ah,there is a scarce resouce in Middle shabelle,that is why alot of people are migrating to down south further ilaa sh.hoose dhamadkiisa.
they are making life difficult for the ICU admin. these groups in balcad waa xawadle iyo cid kale oo mudulood ah, weyna heshiiyeen, marka in dhib loo noqdo dagaal looma baahna,
again,hawaadle does not live in middle shabelle.I know the name xawaadle might suggest a presence of xawaadles there :lol: ,laakin xawaadlaha xuduuda hiiraan iyo middle shabelle ayey joogan...the non mudulood clans who live in middle shabele waa jareerta iyo xooga gaaljecel ah..
the groups who are fighting are daaud wacbuudhan i think..they mostly live in xawaadle,balcad and surrouding areas.