Ahlu Sade Wal Jama karbash Shabab in Elbur
Posted: Sun Mar 15, 2009 5:45 am
Dagaal Khasaare Badan Geystey Oo Saaka Ilaa Shalay Ka Socdey Degaanka Ceelbuur
Mar 15,2009
by Galguduud-Gedo-News
wararka saaka naga soo gaadhaya degmadda ceelbuur ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in shalay galinkii dambe ilaa saaka waberigii uu ka socdey dagaal aad uu kulul oo laysu adeegsaneyey hubka noocyadiisa kala gedisan sida ay sheegayaan dadka ku sugan goobta dagaalku ka dhacayey.
Dagaalada oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada ururka Ahlu Sunna ayaa galinkii dambe ee shalay ka qarxaday tuulada Wabxo oo ku taal duleedka degmada Ceelbuur,dagaalkaas oo sida la sheegey ku bilaabmeysi lama filaan ah,dadka degaanka ku dhaqan ayaa la sheegey in ay qaxeen meelaha dagaalka ka socdo si ay uga badbaadaan in dhibaato soo gaadho.
Dagaalka oo muddo socday ayaa geystay khasaare naf iyo maal leh, waxaana wararka laga helayo tuulada Wabxo ay sheegayaan in dagaalkii shalay ay ku dhinteen inka badan 9-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay,balse ay ku jiraan dad shacab ahi walow aan la garaneyn inta khasaraha dhabta ahi yahay.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa ku waramaya in seddax kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Ahlu Sunna ay dagaalka ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab kadib markii ay wadada u galeen,sidaas darteedna ay u suurto gashay in kooxda Al-shabaab gacanta ku dhigaan gadiidkaas dagaal,sida ay sheegeen dad ku sugan degaanka wabxo.
Dagaalka oo xalay fiidkii hakaday ayaa haddana saaka mar kale ka qarxay meel qiyaastii 12-KM u jira degmada Ceelbuur, mana cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka oo weli soconaya,walow dadka qaar sheegayaan in Culimada Ehlu-suna ay heleen gurmad lixaad leh kaas oo ka soo gadhay degmooyin ka tirsan gobolka galguduud.
Degmooyin badan oo katirsan gobolka Galgaduud ayaa laga dareemayaa abaabulo dagaal oo ay labada dhinac wadaan, sida Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado iyo Ceeldheer oo ay labada ciidan kala joogaan,waxaana u muuqataa in xisadahaas dagaal ee u dhexeyaa labadda garab Al-shabaab iyo Ehlu-suna in ay cirka isku siis shareereyso madama aysan muuqan xiligan cid ku hawlan in ay kla dhex galaan.
Labada ciidan ee hadda dagaalamaya ayaa horey ugu dagaalamay degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxanaa dagaaladaan soo laablaabanaya ay salka ku hayaan gacan ku heynta gobolka Galgaduud,oo hada ka hor lagaga awood roonadey kooxda al-shabaab.
Ahmed
Galgudud-Gedo-News