http://www.shabelle.net/
In kismaayo you must keep the speed limit

BAARDHEERE
civilian line up to register their firearms.
Dadweynaha degmada Baardheere oo bilaabay in ay diiwan galiyaan hubkooda kadib markii maamulka degmadaasi uu dhawaan ku amaray
Dadweynaha degmada Baardheere oo bilaabay in ay diiwan galiyaan hubkooda kadib markii maamulka degmadaasi uu dhawaan ku amaray.
Posted: 3/15/2009 2:45:00 PM
Shabelle: BAARDHEERE
Dadweynaha degmada Baardheere ayaa bilaabay in ay diiwan galiyaan hubkooda kadib markii maamulka degmadaasi uu dhawaan ku amaray si loogu sharciyeeyo.
Masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab ee ka howlgala Magaalada Baardheere ayaa waxaa ay daboolka ka qaadeen in lagu guuleystay amar deg deg ah oo maalintii shalay aheeyd ay ku soo rogeen gudaha magaalada kaasoo farayay in la diiwaan galiyo qoryaha iyo hubka kala gedisan ee yaala gudaha Magaalada Baardheere iyagoo sheegay in shacabka ay u hogaansameen amarkii la siiyay.
Arintaani ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii maalintii Jimcaha amar ka soo baxay maamulak Islaamiga ee xarakada Ururka Al Shabaab ay kaga dalbadeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Baardheere in 48-saac gudahood ay hubka ku keenaan saldhiga degmadasi si loo sharciyeeyo.
Madaxa amaanka maamulka Al Shabaab ee degmada Baardheere Faarax Xiish oo maanta la hadlayay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in masuuliyiintooda go’aankaasi ay soo saareen islamarkaana uu u dhaqan galay,isagoo sidoo kalena sheegay in cidii aan u hogaansanim awaamiirtaasi ay ka qaadayaan talaabo deg deg ah.
Sheekh Faarax ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in hubka la diiwaan galiyay ay dhanyihiin ku dhawaad 250-qori,waxaana uu tilmaamay in maanta oo ku ekeed maalintii ugu dambeysay ee hubka lagu soo xaraynayay ay ku kordhiyeen labo maalin oo kale si dadka hubka uu ku maqanyahay ay u soo xareyaan.
Saakay ayaa saldhiga booliska ee magaalada Baardheere waxaa la arkayay dad ka badan ilaa 20-qofood oo sita hub islamarkaana danaynaya in ay loo sharciyeeyo hubkooda,waxaana arimahaani oo dhan si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo u arka in ay arintaani horseedi karto talaabo loo qaado dhanka Ammaanka.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
MASHALLAH IT SEEMS THE SOUTH IS GETTING IN ORDER
