Somali teenage girl committed suicide
Posted: Sun Mar 15, 2009 7:40 pm
Somali teenage girl committed suicide in Garowe
http://www.hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=18590
hadhwanaag 2009-03-14 (Hadhwanaagnews) Laascaanood-(HWN)-Alalha u naxariistee Xaliimo Maxamed oo 20jir aheyd ayaa Waxaa ay gelinkii dambe shalay waxay isku daldashay duleedka Magaalada Garowe meel u jirta 3Km, ka dibmarkii geed magaalada ka baxsan ay ku soo xiratay Garbasaar ay sidatay taas oo ay surka isaga xirtay ka dibna ay ku nafweyday halkaasi .
Dadweyne aad u tirabadan iyo ciidamada Amaanka Magaalada Garowe oo halkaasi gaaray si ay arintaasi baaritaan ugu sameeyaan ayaa waxy cadeeyeen ciidanku in haweyneydaan 20jirka aheyd oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed In ay ayadu naf ahaanteedu isdaldashay islamarkaana aan cidna lug ku laheyn gerideeda .
Ciidanku ayaa sidookale sheegay in ay arintani ku wadaan Baaritaan xoogan qaabka ay haweyneydani isku daldashay iyo waxa keenay in ay isdaldhasho,balse dadkii u soo daawasho tagay goobta gabadhu isku dishay ayaa waxaa ay sheegeen in haweenaydan ay ku kaliftay nolol xumo la soo daristay walow ciidanka oo baadhitaan kuwada ay sheegeen inaysan cadayn wali.
Dadkii halkaasi ugu tagay daawashada si ay u arkaan ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen amuurtani ku cusub Magaalada Garowe, waxayna arintani noqoneysaa Markii ugu horeysay ee arimahan oo kale lagu arko Magaalada Garowe marka laga reebo dad horay iyagu isku gubay gudaha Magaalada .
dad badan ayaa waxaa ay aad uga walaacsan yihin inay dhacaan falal kale oo noocan oo kale ah maadaama oo ay jiran dad badan oo noloshu ka adagtahay.
Kala Soco Hadhwanaagnews Saacad walba Warar Xaqiiq ah oo isdaba joog ah