Milicda iga daahiyo
Dayr adag ayaad tahoo
Dhaxan iga dugsiyayoo
Durdurada biyaha iyo
Dirir hoorey baad tahey
Markii aad deeqdeen
Quruxdaada daawado
Indhahaa ku dararoo
Qalbigaa kugu doogsada e
Kuma Dayn karayoo
Dadkaan kuugu jecele
Kuu Daacad baan ee
Yaan la igu kaa dirin

