
Cute girl she is wariye for madaxtooyada




Aniguna wakhti ii kordhiya ma aan odhan duruuf baa keentay, shacbiga Somaliland-na kiis iima haystaan.
Xeerarka dalka u yaalla ayaa la raacayaa, anigu haddii aan joogo iyo dabaday haddii ay qaar kale yimaadaan oo doorasho qabsoomi weydo, nidaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ayaa la marayaa.
S: Mudane madaxweyne in badan baad safaro dibada ah aad ka timaadeen waxaad hore u sheegteen in aqoonsigii Somaliland inuu in yar soo jiro markaa halka uu marayo bal faahfaahin naga sii?
J: Horta aqoonsigii wax gidaaryaala oo laga soo qaadayo ma aha, dadaal weeye wuu socdaa dadaalku, waxaan sheegayaa maalintii aan bilaabay iyo maanta inuu maalinba maalinta ka dambaysa uu ka soo dhow yahay ayaan kuu sheegayaa.
S: Xisbiga Kulmiye wuxuu ku doodayaa in marka la gaadho 6-da bisha April 2009, haddii doorasho ku qabsoomi weydo in golayaasha baarlamaanka loo gudbiyo oo wada tashi la iskugu yimaado arrintaas sideed u aragtaa?
J: Xaggee ayay ku qoran tahay, anigu xeerka in la raaco ayuun aan aamisan nahay Kulmiye waa inuu xeerka raacaa, xeerarka waxaynu u samaysanay in aynaan murmin oo nin waliba ku qasbanaado inuu xeerka raaco.
Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa