Donations for masjid Nasrudiin reconstruction received

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Donations for masjid Nasrudiin reconstruction received

Post by Somaliman50 »

Golaha Abwaanada ayaa maanta deeq lacageed oo la soo marsiiyay waxaa ay gaarsiiyeen Masaajida Nasrudiin iyo Sheekh Lakari oo ay ka socadaan howlo dhismo ah.



Deeqdaan lacageed oo gaaraysa $4900-doolarka Maraykanka oo ay Soo Dhiibeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa maanta golaha Abwaanada waxaa ay kala gudoonsiiyeen maamulada Masjidyada Nasrudiin iyo Lakari ee ku kala yaala degmooyinka Wardhiigley iyo Hodan.



Sedax Kun iyo Sagaal boqol oo doolarka Maraykanka oo ka mid ah lacagtaan ayaa waxaa la gudoonsiiyay maamulka Masjida Nasrudiin oo uu Dhismihiisu marayo heerka sare ee Shubka.

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ah gudoomiyaha golaha Abwaanada ayaa gudoonsiiyay deeqdaan maamulka Masjidkaasi,isagoo sheegay in loo soo wakiishay gudbinta deeqda lacageed.

Sidoo kale Abwaan Abshir Nuur Faarax bacad ayaa $1000-ka mid ah lacagtaasi waxaa uu gudoonsiiyay qadiibka masjidka sheikh Lakari oo ay bur bur u geysteen ciidamada Ethiopia intii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya,iyadoo deeqdaasi uu ka mahad naqay qadiibka masjidkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Afhayeenka golaha Abwaanada Soomaaliyeed Cusmaan C/laahi Guure isagoo ku booriyay Soomaalida inteeda kale in ay ka qeyb qaataan sadaqooyinka nuucani oo kale ah.

Ugu dambeyntii ayaa maamulada Masjidyadaasi waxaa ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qaadashada dhismayaasha maasjidaasi iyadoona golaha Abwaanada ay dhowr jeer gaarsiiyeen deeqo Masjidka Nasrudiin,waxaana dadka deeqdaasi soo dhiibay Magacyadoodu ay kala yihii Sidaan.



Bashiir C/laahi Sheekh Cali $100
Ardo Faarax $100
Beelo Kiin Shandiinle $100
Xaaji Axmed Aadan $200
Axmed Warsame Xersi $500
Sheekh Max’ed Max’uud $100
C/Casiis Cali Axmed $500
Batuulo Faarax Qaasin $1000
Aweys Xasan C/raxmaan $200
C/kariin Daahir Xasan $300
Salaado Axmed Xaashi $200
Xaliimo Xasan Max’ed $1000
Xabiibo Aadan $242
Xabiibo Xaashi $150
Isnaaciil Xaashi $100
Fartuun Faarax Geedi $250
Haweeyo Axmed $150
Farxiyo Cabdi iyo C/qaadir Dhoore $200
Faadumo Nuur $97
Cusmaan Sheekh Axmed $50
Xaliimo Xasan Ibraahim $100
Gahabo Max’uud Dhakoor $200
Foos Xersi Max’uud $150
Axmed Max’ed Faarax $1100
Axmed Max’ed Cusmaan $200
Liibaan Axmed Nuur $385 iyo $189.

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
Warsan_Star_Muslimah
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4574
Joined: Mon Apr 21, 2008 3:19 pm
Location: ''A Malyuun Bucks''

Re: Donations for masjid Nasrudiin reconstruction received

Post by Warsan_Star_Muslimah »

Oh masha-allah,

Horta aren't you from Wardhiigley?

Salaam
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Donations for masjid Nasrudiin reconstruction received

Post by Somaliman50 »

Of course. :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”