He warns Puntland for abducting and arresting young Maakhirians in Bosaso. This warning comes after the Security minister vowed to exclusively hunt and jail the Maakhir youth following the kidnapping of a mine worker.
The colonel warned to deploy his army and release the detained if they are not released immediately.

------------------
PRESS RELEASE:
Dubai:-Sheekha si aadka loo doondoono ee Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa War saxaafadeed uu soo saaray Maanta waxa uu ku Cadeeyay inuu digiiniin Kama danbaysa ah u dirayo, Maamulka C/raxmaan Faroole.
SHeekh oo aan sheegin Halka uu ku sugan yahay ayaa sheegay in Maamulkaasi uu Caadaystay Xadhiga dadka Reer Sanaag isaga oo Afka ku dhuftay in ilaa haatan ay Jiraan 5- DHalinyaro ah oo Reer Sanaag kuwaasi oo Xabsiyada Magaalada Bosaaso ku Jira. Sheekh Atam ayaa Hadalkiisa ku sheegay in Maamulka Puntland hadii aanu si deg deg ah u soo dayn Wiilashada dhalin yarada ah ee Xadgudbka lagu Haysto ay Qaadayaan Talaabo Cad oo lama Ilaawaan ah.
SHeekh Maxamed Siciid ayaa si Kulul u Weeraray Wasiirka AMiniga ee Puntland C/laahi Siciid Samatar oo uu ku Tilmaamay inuu yahay nin dadka Iska Hor keena isla markaana Jecel in dagaalo dhacaan.
Waxa uu ugu Baaqay Wasiirka AMniga in ay Ciidamada Mujaahindiinta ee Bariga Sanaag Qaadayaan Talaabo Cad oo ay ku soo Furanayaan dadka ka xidhan Reer Sanaag. Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa xusay inay ka Guurayaan Wixii maanta ka danbaysa Hanaankii Darsi Wanaaga ee Puntland ka dib markii ay Puntland Garan Wayday Danta Darsi Wanaaga iyo waliba Xaq dhawrka Beelaha Walaalaha.
Waxa uu aad ugu Cel Celiyay inay Ciidamadiisu soo Furandoonaan dhamaan dadka Reer Sanaag ee Kaga xidhan Jeelasha Puntland.
Atam ayaa dhanka kale Cadeeyay in Ururkiisa Mujaahidiinta Bari iyo Sanaag ay dhawaan Qaadidoonaan Talaabooyin Badan oo ay ku sugayaan Amaanka Gobolkaasi isla markaana ku xidhanayaan Xudoodaha, isaga oo uga digay Kuwa Gobolka ka soo Jeeda ka Tirsan Maamulka Puntland inaanay Marnaba Isku dayin inay u soo Jeensadaan dhankooda.
Hadalka Sheekha ayaa ku soo aadaya xili Maamulka Puntland ay dhalin yaro Reer Sanaag suuqayada Bosaaso ka qabteen kuwaasi oo warar qaar sheegayaan in looo Gudbin doono Dawlada Ethiopia, Hadii ay taasi dhabawdo ayaa waxa laga Cabsi qabaa inay Meesha Timaado Kacdoon Shacab oo aad u xoogan. SHeekh Maxamed Siciid Atam ayaa Maamulka Puntland dhawor Jeer ku eedeeyeen inuu Log wayn ku Leeyahay Afduubyada Bosaaso ka dhaca isaga oo Arinkaasi isana Beeniyay kuna Tilmaamay War aan sal iyo Raatoona Lahayn.
SHeekh ayaa sidoo kale Dawlada Mareykaynku waxay ku dartay dadka dhaq dhaqaaqa Xoogan ka Wada G/ Puntland in kastoo uu Warkaasi isana ku Tilmaamay mid ay Faa Fiyeen kuwa aan laysku Halayn Karin.
Dubai LaasqorayNET