Meydadkaani oo ay tiradoodu gaarayaan ilaa 5-meyd oo bilo ka hor ay dileen ciidamada Ethiopia ee fasriisinka ku lahaa xeradii hore ee ciidanka Asluubta ayaa maanta waxaa laga soo saaray Xabaal wadareed ay ku Aaseen ciidamada Ethiopia xiligii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.
Ehelada qaar ee meydadka ayaa waxaa u suura gashay in ay ka kasoo bixiyaan halka ay ciidamada Ethiopia ku aaseen kadib markii ay ku wargaliyeen in ay ku aasan yihiin goobtaasi dad degan Agagaarka Asluubta,waxaana mid ka mid ah ehelada dadka ay dileen ciidamada Ethiopia mudo ka hor oo maanta kula hadlay saxaafadda halka laga soo saaray meydadka uu sheegay in 5-taan ruux ay 4-ka mid ah ahaayeen dhalinyaro kuwaasi oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen,isagoo arintaasi ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay dhibaatadii ciidamada Ethiopia ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed.
Dhalinyarada meydadkooda maanta laga helay xeradii hore ee Asluubta ayaa inta aysan dilin ciidamada Ethiopia waxaa ay wateen gaari nuuca Homayga loo yaqaan oo ay ku wadeen nin dhaawac ah kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ethiopia xili ay marayeen Albaabka hore ee Asluubta,iyadoo xiligaasi kadibna ay dileen ciidamada Ethiopia,waxaana darawalkii gaariga oo lagu magacaabayay Tahliil la saarnaa gaarigaasi dhalinyaro kale oo iyana lagu kala magacaabo Nuur Cumar Fareey,Cabdi Xaashi Gacal,C/laahi Max’ed Rooble iyo Nuur Cabdi Xaashi,kuwaasi oo dhamaantood la sheegay in ay ahaayeen ehelo isku dhow.
Afhayeenka dhanka howlgalada ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Cadoow oo maanta ka hadlayay goobta laga soo saaray meydadkaani ay bilo ka hor dileen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in arintaani ay qeyb ka tahay gumaadkii ay ciidamada Ethiopia u gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed waqtigiii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya.
Meydadkaani maanta laga soo Saaray xeradii Asluubta oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamadii Ethiopia ee joogay Soomaaliya ayaa 4-ka mid ah waxaa ay ku aasnaayeen hal god kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo.
Intii ay gacanta ugu jireen dhalinyarada maanta meydadkooda la helay ciidamada Ethiopia ayaa waxaa xiriiro kala duwan la sameeyay madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia ehelada dhalinyaradaani kuwaasi oo ku guuldaraystay in ay ka bad baadiyaan gacanta ciidamada Ethiopia,waxaana markii dambe lagu wargaliyay ehelada in la dilay dhalinyaradaani.
Bishaan gudaheeda ayey aheeyd markii xoogaga Ururka Al Shabaab ay 11-meyd oo la sheegay in ay dileen ciidamada Ethiopia ka soo saareen warshada Xaseey ee ku taala Magaalada Baydhabo halkaasi oo xili fariisin u aheeyd ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Magaalada Baydhabo,waxaana arintaani ay cedeyn u tahay xasuuqa muuqda ee ciidamada Ethiopia ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed xiligii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya.
