PUNTLAND WAA SELLED NINBA MAALIN SUUQ GEEYO

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

PUNTLAND WAA SELLED NINBA MAALIN SUUQ GEEYO

Post by oldenglish »

PUNTLAND WAA SELLED NINBA MAALIN SUUQ GEEYO
Selled ama Dambiil, ayaa qoyskii Soomaaliyeed ee meel dagan wax weyn ugu fadhiday, sida lawada xasuustana waxa subaxdii loosii walwaali jiray suuqa, iyadoo laga soo buuxin jiray quutulyoonka maalintaas la quudan jiray, Waxa kale oo dhici jirtay in mar mar si kale loo adeegsan jiray, halkii wax lagu soo qaadi jirayna inta la joojiyo, marka horeba lagu sii walwaali jiray alaab suuqgeyn ah oo qooska Soomaaliyeed maciishadooda ka soo saari jiray


Hadaba Selledda ama dambiishaas ayaan waxan oran karnay meel weyn ayay waxa ay ka joogtay nolasha qoyska Soomaaliyeed, kaalinteeduna ma aheyn mid la dhayalsan karo.




Ruuxa had iyo jeer Selledda u walwaali jiray suuqa ayaa waxa ay ahayd hooyada Soomaaliyeed, inagoo wada qireyna waxa hogaanka u ahaa aqalka Soomaaliyeed in hooyooyinka ahaayeen.




Aan u soo laabano Kaftan Dhablahayagan ku qotoma Selledda ama Dambiisha iyo sida aysan u aheyn wax laga maarmi karo, xataa hadii ay timaado magaca Dowladnimada, oo runtii aanba sheekadayadaan maanta kusoo ururinayno Salladda Puntland. Selleddan Puntland ayaa waxaan ka bilaabaynaa markii Cade Muuse iyo Xertiisii ku Wareejinayeen Madaxweyne Faroole iyo xulufadiisa.







***************************************************
Afqurac: Cade iyo Gaagaabow Waar Hurgufa inta seledu ayan gacantayada ka bixin, waqee dhururuqna uusan ka heline!







Gaagaab: Dhururuq? aa !!! waar Cadaa dhinac walba uga baxay, ayadoo isku dhacsan oo dhinac iyo dheg wax celisa aan laheyna waatan, ninkii Faroole ahaa oo Salladdan u dhankin jirayse muxuu ka dheefi?







Cadde: Mar la arkaba Yaa in u wax ku dheefo ugu talagalay?, Gaagaabowse, waxa Selleddan ka dhigay weel dhex furan, oo aan waxba celin, sida Qumbe daloolshihiina uga dhex baxay, saw adiga maaheyn?







M/faroole: Dhex furnaantaas Cadow Mar, Hade waa Mar Cadow, Hade waa Mar Cadow, Hade waa Mar Cadow, dhinacayga ku keen?







Gaagaab: Fiiri, Fiiri, Fiiri waaba fara baxsi, Walee Waliyo in naloo ku yeero, ninkii waaya sii noolaadow waad arki doontaa, sansaan aan hore u gees galinay weeye waxa muuqda!







Afqurac: Waar anagu Dibiyo Daankooda uba shaqeysta ayaa aheyn ee Waxa Muuqdaa Gaagaaboow waxan u fahmay in aad u Jeedid Dhurwaa Hilbo ku raro?







Cadde: Oo Selledii u gacangalinaya Faroole ayaa yiri????







Dhegteeda Qabo , waxbadan baa dhareerku kaaga da?ay Salladdan?e, ?







Shacabkii: Oo goobta Selleda lagu kala qaadanayo ka agdhawaa ayaa yiri







?Dhurwaayo marka dhurwaa wax ku hor cunaan dhareer in uu daadin su?aali kuma jirto taas.?







M/Faroole: Jawaabtiisii waxa ay noqotay ????.







?Dhareeri kuu fiicnaa, Dhidid iyo Dhiig in uu iigaba Dhamaaday, miyaa wax dahsoon aheyd??







Nuuradiin: Oo ka naxsan Foolxumada Selledan Faroole loo soo gacangashay ayaa yiri ????







?Waar Faroolow tani waa talaftay?e (Selledda) ee inta aananba suuq la aadin, aan karkarno dhego adag iyo sal aan dhexda mar dabe ka dhicin aan u sameyno??







Saleebaan: oo aan ka aragti fogeyn Nuuradiin ayaa yiri?..







Dee Waa Run?e hadii aanan la wada badeli Karin, kabkabku ka dari mahayo, inta mid kale lasoo gadi doono? waxanse la yaabay raggii Gaabgaabnaa ma dhulkay ku jiidi jireen Selledda, maxaa salka ka riday?







M/Faroole: Oo Gaabnaanshaha ka gubanaya ayaa u jawaabay Saleebaan, yirina ?..







Hadii Dherari Selleddan badbaadinayo Afqurac dhankuu ka hayay ayaad ka arki laheyd in ay samabaxdo, Gaabnaansho kuma xirna Saleebaanow, Dherarna waa kaas Afqurac hadii aad faa?iido ka raadinaysid.







Saleebaan: Oo gadaal ka ogaaday in Ninkani Gaabnida la wadaago ragii hore ayaa yiri ????.







Waar ileen adaaba Gaaabow kale ahaa, Wagar !!!!!!!!!, Walee Selleddani in aysan Salkadhac ka badbaadeyn inta rag Gaabani jiidahayaan?







Nuuradiin: Oo Quustay markuu ogaday in Seleda aan waxba laga badaleyn ayaa yiri ?..







U maleynmaayo in Selleddan Dheg iyo sal wax cesha aan laheyn, kula walwaalayo M/Faroolow!.







Saleebaan: Oo mar walba la aragti ahaa Nuuradiin ayaa yiri?.







Anna Sidoo kale M/Faroolow, ee Foostadaan salka go’an Cidii kula dhaamin laheyd u Habar Waco!







M/Faroole: Oo qaadan waayay in loola yimaado in Sallada uu kabkabo ayaa isna yiri?..







Sangeyaal Selleddan iyo Suuqgeynteeda aan la socon, uguma horeysaane, ina kala weydaariya,







M/Faroole oo isla sii Nuunaasaya??..







Waxey yiraahdeen Dheg u samee, ????.







see ugu sameeyaa Cadeba u sameyn waayee,??.







teeda kale Suuqyadii Cade la aadi jiray Salladdan hadii aan badalo amase kabkabo,


miyaa wax looga soo helayaa,???..







dheg gonaanta iyo salka isku furan waaba waxa ay caanka ku aheyd Selleddani,??.







suuqyadana markii la arko xageedaa loosoo wada jeedsadaa,??..







in ay I wanjalaan ayay damceen Sangayadan aan wali indhofuran??.?







Xulufadii Faroole: Waa su’aalle, Selleddan maxaa lagu qaadi Jiray, oo dheg iyo dhinac tiray?







M/Faroole: War baydun hayn, alla war moogidinaa!!!!!!!!!! wax alla oo lagu qaadi jiray horta marka hore waa sadexjibaareynaa, marka xigtana wax aan waligeed lagu qaadin ayaan la damacsanahay in aan saaro, Eebe iyo Aniga ayaa is og waxan damacsanahay.







C/samad iyo Siciid Samatar: Anagaa ogooynoo dhagax iyo Ciidbaa ugu weynaa wixii Selleddan salka u riday!!!!







Ilka Jiir iyo Faarax Cali: Malahayaga wax kasii daran ayaa ayaa Selleddan Helay, marka aad eegtig sida lisan iyo Rifanku ugu dhacay?







M/Faroole: Miyaan idiin waramay wali? Warkayguse idinma galin miyaa?







War wax walba oo dheg jaray ama dhinac furay, aniga meel bay iigu dhigan yihiin,







Risanka iyo lifankana waxa keenay Dholowaa idinkagama waramin miyaa?,







Selledda dhuun Saliid ah ayaa ku fatahday!!!!!!!!!!!!







waxa talfiyayna waataas,







una maleyn mahayo, in ay dib danbe wax u ceshen karto,







idinna ha walwalina wax la idin weydiinayo majirtee,







Xisaab xirna selleddani in aysan laheyn waa in aad ogaataan.







Shacabkii: Waa Run oo Salladdani in ka badan 10 SANNO ayay sal la’ayd,







Dhururuq iyo taanona waligeed ma ceshan,







maantana Ceshan mayso,







balse waxanoo dan ah in suuqyada subaxna aysan ka maqnaan, haba sal furnaatee!!!!!!!!!! Cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib.







Xanta Suuqa:1 ?Waa Selled ninba maalin Suuqa la aado?







Xanta Suuqa2 : Maxaa Madaxweynuhu sadex jibaarayay hadiiba wali sal go’an tahay?







Maxaase kasii weyn Ciidii iyo Dhagxaantii Cadde ku salgooyay Selleddan?







M/Faroole: Wali Selleda salkeeda Go’an iyo sababteeda ayaa laga dhamaan waayay?







Waar Hadii Cadde Dhagax Selleda ku Suuqgeyn jiray, Annigu Buuraha ayaan ku suuqgeyndoonaa!!







Hadii Ciid iyo Batrool ku suuqgeyn jirayna, Badd iyo Berigaba waan ku suuqgeynayaa,







Kuna seexda in Selledani subaxna Suuqyada Caalamka ayan ka maqnaaneyn,







wax ay ahaatabana wax lagu suuqgeyndoono,







Balanse waxa ah in DADKA NOOL, aan Suuqgeynta ugu danbeysa ee Selledan lagu walwaalayo kaba dhigi Doono!!!!!!!!!!...........




Tixo isbarid ah oo shacabka ugu khudbeeyay M/Faroole




Warka ma sariigo sidii Cadee, Saafi ma u sheegay




Ma sifeeyay arartaydiyo, Halkay saarantahay seeftu




Sir iyo saaq Sasab iyo salaax, Sarbeeb waqtiga lagu suusho




Ama Sooyaal iyo aduun laga warmoo, Laga saxiix qaato




Ama seeriwale iyo xeer dabar ahoo, Saanta laga qaadin




Intaba in ayan ii sugnaan, Duul allow saafi ma u sheegay




Sal furan In aan laygu iman, Duul allow saafi ma u sheegay







Xanta Suuqa3:


Sito iyo sal baa go’an hada,


Adna saableyda iyo sararaha weeye,


Waxaan kaa sugeyno in sarsarataa.







Shacakii: Oo iyagu mar walba ku caanbaxay in sacabka iska tumaan, iyaga oo aadan garaneyn, waxa ay xeerinayaan, ayaa dhinac walba kuwo dan lihi ka bilaabeen sacab tunkoodii,







AYAGOO KU HADAAQAYA


Gudaha: Sacab, Kow, Labo, Sadex, SII WALWAAL, SOO WALWAAL, SAL FURAN SAA DOONTO KA YEEL




Dibada: Sacab, Kow, Labo, Sadex



SII WALWAAL






SOO WALWAAL




SAL FURAN SAA DOONTO KA YEEL




M/Faroole: Oo aan shifeysaneyn sacabka Shacabka, ayaa waxa uu yiri, Waligiinba waa laydiin yaqaanaa, oo ninka wax xeeriya uma sacabtuntaan, Sacabkiinan maantana, iima ahan wax aan ka aheyn SAMIR, aad ka qadeen Selledan, Markay ina Shiikh Maxamed u soo gacangashay,,,,,, oo sarwaantiisa surgooyadeeda laga wado baqo,,,, saas baan rabaaa, hayskaayo seejinina.







Shacakii: Sacabkoodii ayay iska sii wadaan, ayagoo hadalkii Madaxweyne Faroolena, runta ugu sheegay, si cad uwada maqlayay


Gudaha: Sacab, Kow, Labo, Sadex, SII WALWAAL, SOO WALWAAL, SAL FURAN SAA DOONTO KA YEEL







Dibada: Sacab, Kow, Labo, Sadex




SII WALWAAL, SOO WALWAAL ,SAL FURAN SAA DOONTO KA YEEL









Selledii: AYAA HADAL GOCOTAY IYADA OO RABTA DAREENKEEDA IYO SIDA AY WAX U ARAGTO IN AY MUUJISO, WAXA AYNA KU CABIRTAY TIXAHAN







Selledii:




Sawaabka I sitaa, Waxayga sii daran




Kuwa sacabkiyo, Salowga u tumoo



Midkii silciyaba, Sareeye u yahoo




Aan kala saarikareyn, Sax iyo qalad,







Xanta Suuqa4:


looga samiryay, laga samiryay, lagaa samiryay


looga samiryay, laga samiryay, lagaa samiryay


looga samiryay, laga samiryay, lagaa samiryay


Xanta Suuqa:1 ?Waa Selled ninba maalin Suuqa la aado?


Xanta Suuqa:6 Waxaan La aqoon Cida Samatabixnta ay ka sugeyso Selledan deegta maalinba nin u RIDANAHAYO.


Xanta Suuqa4:


looga samiryay, laga samiryay, lagaa samiryay Selled yahay


Xanta Suuqa:1 ?Waa Selled ninba maalin Suuqa la aado?


Muxyadiin X Ciid
Alcarab1"yahoo.co.uk






Sanaagpost News Desk
Sanaagpost.com kama masuul aha fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.




Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama Webmaster@sanaagpost.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”