ONLF erects large base's in jarar and doolo province's

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

ONLF erects large base's in jarar and doolo province's

Post by hanqadh »

2 LABO SALDHIG OO WAAWEYN AYEY URURKA ONLF KA SAMAYSTEEN JARAR & DOLLO.

Tuesday, 24 March 2009
DUF:Jig-jiga_Wararka naga soo gaadhaya gobolada hoose ee Ogadenya,ayaa waxay sheegayaan in mudo hada laga joogo,2 week ay saldhigyo maguuraan ah,ay jabhada wadaniga xoreynta Ogadenya ONLF,ay ka sameysteen gobolka Jarar &gobolka Dollo saldhigyadaas oo aann hada qarsoodi ahayn.


Waxaa kalifey in sidaas cad loo ogaado,dagaaladii mudooyinka socdey waxay ahaayeen tijaabo,tijaabadiina laguma guuleysanin,waxay ciidamadii Ethoipia dib ugu gurteen magaalooyinkii waaweynaa,taas ayna xeryahooda ka soobixin,baabuurtii ganacsiga iskood ayey uga kala gooshaan magaalooyinka qaarkood,Maleeshiyaadkii hubkoodii 40% wuxuu gacanta ugaley ururka ONLF,sidaa darteed waala joojiyey in maleeshiyaadka la hubeeyo,taas oo ay ka yaaben in 60%ka hadhey ay gacanta u gasho ururka ONLF.Wararka Jig-jiga soo gaadha waa wax cad,talaabo la qaadana majiraan,xataa maleeshiyaadkii bixitaankoodii ayaa isgoostey,dhamaan jidka isku xidha Dhagaxbuur iyo wardheer ee xaga Ciida mara,waxaa dhulkas ka taliya xoogaga Onlf,oo sidii waayadii hore lagu arkaa dariiqyada iyaga oo taagan,warbixna siiya shacabka gaadiidka saaran,waxaa farxad u ah shacabka somaalida Ogadenya in dariiqyadii lagu dhibhi jirey ayna maanta goobo badan ka jirinMales Zenawi oo aduun weynaha waji gabax ka haysto,jagada uu hadan hayo ay mudo kooban uga hadhey,cid qabana aan la garaneynin,ayaa waxuu qalqaalo ugu jiraa sidii uu shaqooyin kale uga heli lahaa AU ama UN.Gabo-gabadii,waxaa soo cadaatey in wakhtigii madaxda afrikaanka lagadhey oo uu qaangaadhey,xabsi ama geeri uu hada joogo.

Dufaan.com

Jig-jiga

cant be bothered translating!!!
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”