Page 1 of 1

Funny jacbur Gabay from HOL forumers

Posted: Fri Mar 27, 2009 1:11 pm
by C O S T A
Illeen Hawiyuhu ma guuro,
Ileen guurtiba ma yeesho,
Illeen maba kala gar qaato,
Illeen gobannimo ma eego,
Illeen xumo kama gaboobo,
Illeen gabadh kama xishoodo,
Illeen gaban uma tudhaayo,
Illeen guri hooyadii iyo,
wuxuu gubayaa rugtiisa.

Illeen Hawiyuhu ma guulo,
Illeen gole kuma heshiiyo,
Illeen galdigiyo kitaabku,
Xitaa kala geyn ba maayo,
Illeen gawraca ragiisu,
Isaga guul bay u tahay,
Illeen gawraca miskiin,
Mashaa'iikh la gaabiyaa,
Jannayba ku gaadhayaan!!!

Illeen Hawiyuhu ma gaadho,
Dhiggisa galbeed ka xiga,
Gadaaliga bari ka jira,
Gob weynta qabiiladaa,
Gumuca araa ka biday,
Gobolkooda ka baajey hoog,
Ka guuray isbaaradii,
Geddiyin diintiyo sharciga,
Gumuca aayado ku qorin.

Maxay guul darro ku faantay,
Maxay gardarrada ciseysey,
Maxay mooryaan gan dheer leh,
Intii gadh yar loo sameeyey,
Cimaamado lagu garaaray,
Aayado gaa-gaab la baray,
Janaad gelaysaa la yidhi,
Gantaalana loo xambaarshey,
Dad ay gaajoba dilootay,
Garnaylka ku tuur la yidhi!!!

Re: Funny jacbur Gabay from HOL forumers

Posted: Fri Mar 27, 2009 1:53 pm
by Maria*
Waryaa Costa, still around huuh? waiting for some crazy Xalimo to fall in love with u...Im sorry to disappoint u but that will never happen :roll: :lol: :lol: :lol: ......

Vi skal til stokholm i pÄsken, dritt og dratt og har det moro :lol: :lol: :lol: :lol: