Mar 25, 2009 By:Jidbaale.com
Gal-Gal(Jidbaale.com):-Kadib markii dagaal xooggani shalay galinkii danbe ku dhex-maray deegaanka Gal-Gal Beelaha halkaasi daga iyo beelaha dhulboobka ku jira ee usoo duullaan tagay hanashada deegaanka SSC, ayaa Warbaahinta caalamiga ah ee ka hawl gasha magaalada Buuhoodle Qaarkeed waxaa usuurto gashay inay isla shalayto Booqato Deegaanka Galgal.
Saacaddu waa 2dii duhurnimo xilliga ay Qoraxdu ugu kulushahy Geeska afrika, Wardhiillo leh ayaa dhammaan wada Gaadhay Magaalada Buuhoodle, Waxaa lasoo sheegay inay Galgal Xabbadu ka soconayso, Gaadiidka ayaa lagu yaacay, waxaana anigu C/raxman ahaan Guudka uga baxay gaadhi yar oo nooca loo yaqaan Xaajiyada ah, waxaanu Galgal tagnay iyadoo lagu sugan yahay jawi qurux badan Ciidan xooganina gacanta Ku hayo, oo Ceelashii Beesha Dhulboobka u socotay ay qodeen oo dhan Cagta lawada mariyay, oo la aasay.
Gal-Gal waxaa la asaasaasay taariikh dheer ka hor waxaana hadda ay doonayaan inay dadka ku soo duulay ay deegaameeyaan, isla markaana ay sidaasi ku mulkiyaan, waxayna hadda ka qodeen 36 Ceel biyood oo cusub iyo 3 Barkadood, kuwaas oo dhammaantood laga wada aasay maalinimadii shalayto.
Deegaanka Galgal sidoo kale waa deegaan ku habboon beerashada iyo Xoolo dhaqashadaba, taasi oo sababtay inay ka Samri waayaan beelaha dhulboobka ku jira oo deegaamo fara badan oo dhanka Waqooyi ka saaraan deegaanka Galgal horay ugu Mulkiyay qaab noocaasi oo kale ah.
Culimada iyo wax-garadka deegaanka Buuhoodle ayaa saaka soo gaadhay deegaanka Galgal, iyagoo galabta galinkii danbe u amba baxay Tuulada Qori-lugud oo hilaaddii 3km dhanka waqooyi ka saaran Galgal, iyagoo halkaasi u aaday inay odayaasha beesha Qorilugud ay ugu baaqaan nabad, waxaanu gaadhnay tuulada Qori-Lugud goor danbe oo galabta ah Buuq, Shoobbare iyo Rasaasayn fara badan kadib waxaanu la kulanay Odayaashii Qori-lugud waxayna ka aqbaleen Isimadii, Cuqaashii iyo Culimo Awdiinkii ka anba baxay Buuhoodle Nabaddii ay ugu baaqeen, waxaana kulan ballaadahan loo ballamay maalinta Berrito ah.
Intaasi kadib waxaanu usoo anba baxnay deegaanka Galgal annagoo wax-garadkii halkaasi joogay uga warranay wixii aanu kala soo kulanay Qori-lugud, isla markaana ku wargalinay in Guddi layska qabto berritana loo diyaar garoobo wada xaajoodka iyo geedka nabadda, isla markaana waxaanu usoo anba baxnay magaalada Buuhoodle, waxaanuna magaalada Buuhoodle soo gaadhnay saacado ka hor.
Markii aanu soo gaadhnay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa Bulshada ku nool magaalada Buuhoodle oo u dhag taagayay warka deegaanka Galgal oo colaadi ka aloosnayd maalmahan, Masjidul Jaamaca wayna kala hadlay, oo uga warramay wixii ay kala kulmeen nabadayntii labada beelood ee ay galabta u baxeen Sh.Cumar Soodaani, isagoo dadwaynaha usheegay inay jawi wacan maanta kaga soo noqdeen.
Ciddii u baahan Warbixin dheeraad ah hala soo xidhiidho Xafiisyada Allcayn iyo Jidbaale.com ee Buuhoodle
Allcayn Tell= 0013203217141
Jidbaale Tell= +15672564165
Saacado kadib ka daawo xaalada deeganka Gal-gal kaasoo muuqaal ah iyo ceelashii la aasay http://www.youtube.com/user/koronto143
Xaar baa ii soo uraayaa tolay yaa isku xaaray

Dhulwasku tolay xagu ku soo socdaa dhoohnidiisa ma caynabo mise Yuroowe

Dhulbahantee casharkuu dhigay labaataan sanuu ku caano maalayaa.