Post
by Adan_1 »
Mucjisooyinka kale ee fadhiga golaha ka dhacay waxa ka mid ahaa, kadib markii Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah xubinta ugu da’da weyn ee golaha, si adagna u taageersanaa muddo-kordhinta Madaxweynaa uu si lama filaan ah uga kacay kursigii uu ku fadhiyey, una dhaqaaqay isaga oo gacanta la hayo dhinaca haweennayda keliya eek u jirta Guurtida oo fadhiday mid ka mid ah kuraasta ugu dambeeya ee mudanayaasha, isaga oo ujeeddada qasdigiisu ahaa sidii uu ugu qancin lahaa inay codkeeda siiso meel-marinta muddo-kordhinta Madaxweynaha. Hase ahaatee, Xildhibaan Faadumo Jaamac Illeeye oo ay ka muuqatay isku kalsooni buuxda ayaa genefka ku dhuftay dalabka Xaajiga, kuna adkaystay mowqifkeedii diidmada kordhinta, waxaannu Xaaji Cabdi-waraabe oo la kulmay guuldarro siyaasadeed iyo canaan uu u jeediyey Guddoomiye Saleebaan oo ka biyo diiday ololaha uu Xaajigu horseedka noqday dib ugu laabtay kursigii uu fadhiyey.
http://www.jamhuuriya.info/index.php?ar ... article.tp