Udub party against 6 month extension.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Udub party against 6 month extension.

Post by The_Emperior5 »

Garabka Dimoqraadiga UDUB Uk oo cambaareeyay Go,aanka Guurtida
Sunday, 29 March 2009
UK(Togdhnews)- waxaanuna uga tacsiyadaynaynaa shacbiga Jabka ku dhacay Dimoqraadiyadii iyo Horu socodkii Jamhuuriyada Somaliland Jabkaasi oo ay
horseed ka yihiin Kooxda Riyaale uu horkacayo ee UDUBTA dulmi ku noolka ah iyagoo adeegsadey Koox ka tirsan Golaha Guurtida oo ay u qaybiyeen Jawaano lacag ah oo ah Hantidii dadweynaha ee laga soo ururiyey Islaamaha Bacadka fadhiya ee lagu sheegay Cashuurta.

Waxaanu shacabka dulqaadka badan ee reer Somaliland ku guubaabinaynaa in ayna ka daalin u dagaalanka Dimoqraadiyada isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan kooxda Dulmi doonka ah ee shacabka maatida ah dhiigoodii iyo hantidoodu u isticmaalaya siday maalin walba u heli lahayd habkii ay ku sii hayn lahaayeen xukunka si ay ugu suuro gasho inay sii wadaan Boobka Hantida umada.

Waxaa muwaadin kasta waajib ku ah inuu ka dhiidhiyo kana soo hor jeesto kooxda isku bahaysatay Boobka iyo dulmiga ee aynu aragnay inayna meelna inoo wadin ee ay keliya ka shaqaynayaan siday u abuuri lahayd iska horkeenka shacbiga iyo dhaca hantida umada.

Waxaanu si toosa u canbaaraynaynaa Kooxda Guurtida ah ee noqotay Shaabuug Umada lala dhoco oo aan ka damqan Cadaalad darada, musuqmaasuqa, cabudhinta iyo daryeel la,aanta lagu hayo Umada Somaliland waxaanuna leenahay waa in lagala xisaabtamaa Ciqaabta ay u geysteen Shacbigii ay metelayeen ee ay ka doorteen inay la boobaan kooxdaas xukuumada ee Dhaca isku bahaystey, waxaanu sido kale Halkan Hambalyo uga diraynaa Muwaadiniinta Guurtida ah ee Ka damqaday Dulmiga lagu hayo shacbiga isla markaana sutida u qabtay siday isu hor taagi lahaayeen Kordhintaa Xaraanta ah.

Ugu Danbayntiina Markaanu Wada tashi badan samaynay waxaanu isla qaadanay in aan marna la aqoonsan Mudo kordhintaas xaaraanta ah ee laga mudaharaado, Xukuumadana waxaanu kula talinaynaa in ayna u hanqal taagin Mudo kordhintaa aan sharciga ku salaysnay ee horseedi karta isku dhac iyo xaalad qalafsan isla markaana waa in Doorashada Madaxtooyada ay ku qabato sida ugu dhakhso badan, Hantida Badan ee ay u isticmaalayaan Mudo kordhin iyo isku dirka shacbigana ay u adeegsato siday ku qaban lahayd Doorasho xalaal ah, dhinaca kalena ay isku daydo inay shacbigeeda kalsooni ka hesho ee aanay Karaahiyo ka shaqaysan.

Xidhiidhiyaha UDUB UK iyo Xafiiska Hargeysa, ahna Afhayeenka UDUBTa Dimoqraadiga UK

Dr.Abdirahman Ali Ubaxle
Birmingham Uk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”