Arin ku dayasho mudan,,reer Hiiraan

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Diyeeshaha_Tolka
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3524
Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
Location: webiga jowhar jiinkiisa

Arin ku dayasho mudan,,reer Hiiraan

Post by Diyeeshaha_Tolka »

Ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gaaray degmada Buula-burte wada hadalna la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada.

Talaado, March 31, 2009(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafnay Goballka Hiiraan qeybo ka mid ah waxaa ka jiray warar leysla dhexmarayay oo sheegaya in Ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gudaha Goballka, taasoo dad badan ku abuurtay dareen cabsi xanbaarsan maadaama Ciidamada Maamulka Goballku iyaguna bilaabeen dhaq dhaqaaq ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Warar ay heshay HOL ayaa sheegaya in degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan galinkii danbe ee shalay gaaraan Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka kana tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana warku intaa ku darayaa in Saraakiishii la socotay Ciidamada iyo Odayasha degmadu ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida Maamul Shabaabku sheegay in ay ka dhisayaan degmada Buula-burte.

Laakiin waxaa arrinta is hortaagay Odayaasha iyo Waxgaradka degmada oo ku wargeliyay Saraakiisha Al-shabaab in Goballka Hiiraan uu ka jiro Maamul mideysan, isla markaana qorshaha dhismaha Maamul kale uu wax u dhimi karo arrimaha Nabad-galyada
.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga halka Ciidamadu ku wajahan yihiin gaar ahaan in ay sii joogi doonaan degmada Buula-burte iyo in ay u gudbayaan dhinaca Goballada dhexe oo warar aan si rasmi ah loo ogeyn tilmaamayaan in Ciidamadu ku sii jeedaan.

Dhinaca kale waxaa soo gaaray deegaanno ka tirsan Goballka Hiiraan Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ee Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo la filayo in saacadaha ina soo aadan uu tago degmada Buula-burte, waxaana uu Guddoomiyuhu maalmihii ugu danbeeyay ku maqnaa Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Arin ku dayasho mudan,,reer Hiiraan

Post by AhlulbaytSoldier »

If alshaytiin do not move out from Hiiraan let the sword and strenght decide weither alxaaram will establish its new maamul in Buula-burte. They came there for nothing else but to create fitnah and bloodshed.
:down:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Arin ku dayasho mudan,,reer Hiiraan

Post by Somaliman50 »

bal fiiriya waxa dhici doono. amxaaro ayaa ka dhaba soconaysa kooxahaan waxayna keenaysa dagaal aan loo baahneyn :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”