M/weyne Faroole oo shir wadatashi ah la yeeshay indheergaradka Bossaso.
Bossaso, Mar 31 - M/weynaha Puntland C/raxmaan M. Faroole oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Bossaso ayaa shir wadatashi ah la yeeshay Issimada, ganacsatada, odayaasha iyo qaybaha bulshada rayadka ah ee gobolka Bari.
Nuxurka kulanka ayaa ahaa in laga arrinsado falal dambiyeedyada liddiga ku ah amniga ee ka dhacay Bossaso, iyo meelo kale oo ka mid ah Puntland maalmihii la soo dhaafay.
Bilawgii ayaa M/weyne Faroole uu warbixin guud ka bixiyey safaradii uu kaga soo laabtya dalalka Ethiopia iyo Jabuuti, oo sida uu sheegay uu aad u faraxsan yahay la kulamadii madaxda dalalka uu booqday, xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya.
Md. Faroole oo ka hadlay qorshaha xukuumadiisa ee adkaynta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaa uu xusay in mudadii uu hayey xilka ay xukuumadiisu ku mashquulsanayd dib u soo celinta haykalkii ciidan ee Puntland, xoogana la saaray ciidamada Daraawiishta iyo bilayska.
Dhinaca dhaqaalaha, waxaa uu sheegay in ay xooga saareen maaraynta dhaqaalaha, joojinta daabacaada lacagaha faalsada ah, iyo xoojinta qiimaha shillinka Somaliga ah.
Qaar ka mid ah indheergaradka oo fadhiga ka hadlay ayaa isugu daray canaan iyo cambaarayn dawlada Puntland, kuna tilmaamay in ay ku fashilmeen himilooyinkii aasaasiga ahaa ee Puntland loo aasaasay.
M/weyne Faroole ayaa garowsaday cabashooyinka iyo canaanka indheergaradka, ballanna qaaday in xukuumadiisu ay culayska saari doonto adkaynta amniga, loona baahan yahay taageerada indheergaradka.
kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dawlada Puntland, madaxda gobolka bari, Bossaso iyo xubno ka mid ah dadweynaha Bossaso.
Waa shirkii ugu horeeyey ee kulan baaxadaa le'eg uu M/weyne Faroole la yeesho indheergaradka gobolka. Bishii Febraayo ayuu M/weyne Faroole safaro halweed oo nuxurkoodu ahaa la tashi uu la sameeyo indheergaradka gobollada uu ku kala bixiyey gobollada Koonfureed ee Puntland.
Puntland ayaa todobaadadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay falal dambiyeedyo sababay dhimasho iyo dhaawac, lalana xiriirinayo xariga wadaado la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Islaamiyiinta ka dagaalamaya gobollada Koonfureed ee Somaliya.
Waxaan shaki ku jirin in marka la eego dhacdooyinkii Puntland ka dhacay todobaadadii la soo dhaafay ay Puntland soo wajaheen duruufo adag oo u baahan hoggaan adag oo aragti dheer iyo maamul wanaag ku furdaamiya arrimaha Puntland.
Kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada Bossaso.
Puntland Admin Meets With Top Religious Leaders:
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 218 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 1 Replies
- 527 Views
-
Last post by Shirib
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by Mureedi
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 3 Replies
- 697 Views
-
Last post by Casanova25
-
- 10 Replies
- 823 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 6 Replies
- 696 Views
-
Last post by mahoka
-
- 1 Replies
- 584 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 13 Replies
- 1013 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 3 Replies
- 784 Views
-
Last post by FBISOMALIA