Page 1 of 2

Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:15 pm
by Galool09
Ma aqaan wax i qaaday, laakiin sida saaxiibkay abdiwahab oo kale ayaa anigana Jacayl maalmahan oo dhan i hayey. Bal adba sheeg nacasnimda intan le'eg ee ihaysa meel alaale iyo meel ay igala qaaday. Waa wax lala yaabo runtii sababtoo ah sidaad ogtihiinba hadda almost 50 jir baan ahay, horene waxaan usoo qabey ilaa 5 naagood, dhowr ciyaal ah na addunka meel walwalba ku dhalay. Waxba yaanan hadal idinku daalinin ee anigoo dumar iyo howshoodaba iska illaawey oo maalintii iska shaqeysta, fiidkii beer kayga iska cabba, habeenkiina iska seexda ayaan mucjiso yar oo aan ku qiyaasay inay 25 jirto maalin dhoweyd anigoo bus saaran indhaha qac isku siinay. Inkaar qabtadu meeshay iga jeesan lahayd bay indhaha ila sii raacday anna buug aan akhrisanayey baan deg deg isgu laabay, oon ku bilaabay:


Galool: Bal iska warran walaal?

Inanta: Nabad wallaahi adeer

Galool: Maanigaad adeer I leedahay?

Inanta: Oo hadaa yaa kale oo meesha jooga?

Galool: Naa waad ashi xuntahay e aniga mar dambe adeer ha iigu yeedhin

Inanta: Iga raali noqo adeer

Galool: Miyaanan ku odhan adeer ha iigu yeedhin??

Inanta: waan is illaawey adeer, sorry

Galool: waar yaa islaama! Oo magacaa adeer?

Inanta: Farxiya adeer

Galool: Malagu qabaa farxiya?

Farxiya: Mayee waxbaan bartaa adeer

Galool: Oo goormaad isleedahay guurso markaa??

Farxiya: Markuu ilaahay ka dhigu insha’allah

Galool: Gartay. Kawarran haddaan waxbarashada kaa caawiyo? Barafasoor baan ahay oo jaamacadda ayaan wax ka dhigaaye?

Farxiya: Maxaad dhigtaa?

Galool: Social science

Farxiya: Waan kaa faa’iidaysankaraa kaddaad qoraalka iga caawinaysid

Galool: Numbarkayga ayaan kuu qorayaa ila soo xidhiidh markaad wax u baahantahay

Farxiya: Waad mahadsantahay adeer.


Sidii baanu ku kala tagnay qalladii yarayd. Way isoo wacday inkastoo aanan waxba ka caawin laakiin sheekadu meel fiican bay maraysaa. Mushkiladda meeshii tagan haddaba waxa weeyaan aniguna jacal baan bestay ahay iyaduna wakhtiga ayay isku kay dhaafisaa. Marka waxaan idinka codsanayaa bal inaad wixii talo ah ee aad haysaan ilaa soo gaadhaan sababtoo ah way iga taallaa oo waxaan ka baqayaa sidii cilmi boodhari inaan jacayl iyo nacasnimo u dhinto. Waxan ku jeclaaday yartan markay qososho ee aan cirrideekada iyo afkeeda yare e quruxda badan xasuustoba waan jidhidhocoodaa. Maxay idinla tahay marka idinka oo aan sameeyaa?? Sidani si maaha, Hadda muddo laga joogo 5 maalmood bariis iyo baasto toona ma cunin, oo marna cuntadad khafiifka ah ee ciyaalka lasiiyo ayaan cunaa marna faleebbo ayaa laygu rakibaa.In the meantime bal A/wahab baan 6pm caawa makhaayad fadhiga lagu diriro ballan ku leenahay oo intaan laba beer ah ku dhufano baan sheekooyinkan na haysta ka wada sheekeysan doonaa.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:19 pm
by peace-
could you summarise the story love, it is too long

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:20 pm
by Babygirl-
U r too old for her ma uu shegtaay ina Qamro cabdtiid? o muslim aheyn that's what I heard.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:26 pm
by FAH1223
so farxiya = LionHeart ?

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:30 pm
by Galool09
Babygirl- wrote:U r too old for her ma uu shegtaay ina Qamro cabdtiid? o muslim aheyn that's what I heard.

Haa, gallnimada iyo khamrigaba way igu ogtahay, laakiin the age difference causes abit of a problem. Lakiin intaa waan isu heesnaa oo "jacaylkeenaa ka wayn" isla qaadnaa 8-)


Peace,

Maandhoow intaad niicda iga daysid wax talo ah ma haysaa??


Fah, lion heart marbuu accidental khaniis iga dhigi gaadhey laakiin cirkaan u fiiriyey isga.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:35 pm
by peace-
ok horta talatu haa suugtee, i have heard few things about this galool character. so clarify few things first
are that bilaa eedbad, bilaa dhaqaan, bilaa akhlaaq, bila diin ee uraayso la dhaho
or are that atheist, alcoholic that i have heard of which of the two are

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:40 pm
by Galool09
No, urayso is one of my ex-wives, and no I'm not alcoholic you moron. Sure I like my casiir, but that does not make me alcoholic.

Hadda yartan sheekadeeda maxaan ku xalliyaa peace? Waar meesha miyaan dad muslim ah joogin naxiiriistii meeday?

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:42 pm
by peace-
sug hadaba ii sheekada akhriyee.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:47 pm
by Kramer
That isn't close to a love story!
that more like two strangers arguing and having a misunderstanding!

:down: :arrow:

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:47 pm
by Cawar
:lol: :lol:

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:48 pm
by peace-
Galool having read your so call love story, sxb you case is beyond me, ee orod ii ilahaay iska bari jacalka ku hayaa waa loo dhintaa :|, waa kii boodhari dhilay baroobiya oo an biyo is marin

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:49 pm
by Galool09
Kramer wrote:That isn't close to a love story!
that more like two strangers arguing and having a misunderstanding!

:down: :arrow:

Yaa bado jacayl baray, war bestay baan ahay xayawaanyohow.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:51 pm
by Galool09
Cawar wrote::lol: :lol:

:lol: Cawar adna meel lagu jabay uun baad qososhaa, war baas haku dhabo waa halkii reer xamarkee.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:52 pm
by Galool09
peace- wrote:Galool having read your so call love story, sxb you case is beyond me, ee orod ii ilahaay iska bari jacalka ku hayaa waa loo dhintaa :|, waa kii boodhari dhilay baroobiya oo an biyo is marin

Oo ilaahay maxaan ku idhaahdaa? Ilaahayayoo yarta beerkeeda iyo kayga malab dhanaan isu mari. Aamiin. Bal waynu eegi ducadaasna waxa ka soo baxa.

Re: Jacayl baa i haya

Posted: Thu Apr 02, 2009 10:57 pm
by Kramer
Hadda muddo laga joogo 5 maalmood bariis iyo baasto toona ma cunin, oo marna cuntadad khafiifka ah ee ciyaalka lasiiyo ayaan cunaa marna faleebbo ayaa laygu rakibaa.In the meantime bal A/wahab baan 6pm caawa makhaayad fadhiga lagu diriro ballan ku leenahay oo intaan laba beer ah ku dhufano baan sheekooyinkan na haysta ka wada sheekeysan doonaa.
:lol: :lol: :lol:
I didn't see that! you are beyond help! :down: