Tuulooyin hoos yimaada degmada Walanweyn ee Gobalka shabeelada hoose ayaa ka mid ah goobaha la gaarsiiyay gurmadka caafimaadka, halkaas oo uu ka dilaacay shuban biyoodka sida ay nooxaqiijiyeen Saraakiisha Ambalassyada.
Waxaa la gaarsiiyay dadkaas daawooyin kala duwan oo u badan kuwa lagula tacaalo fuuqbaxa ama shubanka waxaana halkaas lagu bad baadiyay dad badan oo y badan Caruur oo uu soo ritay shubanka.
Dhalinyaro u tababaran gar gaarka Caafimaadka oo la socday ambalaasyada ayaa faleenbooyinka ku durayay dadka la liita cudurka si ay u bab baadiyaan dadkaas, islamarkaana ay intooda badan ku diirsadeen daawooyinkaas.
Maalmihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Cudurka shubanka uu ka dilaacay deegaano farabadan oo ka tirsan Gobalka Shabeelada Hoose waxaana ku dhintay dad isugu jira caruur iyo waayeel.