Intaan ka xasuusto nabadayntii Ceerigaabo iyo beelaha Somaliland
Maxamed Siciid Gees oo ka mid ahaa golaha wasiirada ee Somaliand, ahna siyaasi ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa dib u eegaya nabadayntii beelaha wada dega gobolkaas iyo guud ahaanba Somaliand,iyo qiimaha ay nabadu leedahayba.Qoraalkan uu gacantiisa ku qoray Mr Gees ayaa waxa uu ka kooban yahay qaybo badan,markaas qaybta ugu horeysa oo ka hadlaysa sidii ay ugu guntadeen nabadaynta beelaha soomaaliyeed,iyo shirarkii dhacay oo dhan.
Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago oo hadhyare Qudhac hablo diirtaan oo Higlada Bari libaaxu hadhgalo, adaa hoogeye xagaad hadh u Dayan
Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool Waxaa hadaba is waydiin leh Xukuumadda iyo Asxaabtu xog intee le’eg ayey ka hayaan wadada dheer ee loo soo maray nabadaynta iyo dib-u dhiska Soomaaliland gaar ahaan goballadda bariga.
Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, Habarjeclo,Dhulbahanteiyo Warsangeli)
Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3).
Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin. hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado.
Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah.
Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman. Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn xaajaddu.
Waxay u baahan tahay in la derso xaalada maanta iyo waxii loo qaban karo oo meeshi baahi jirto si cilmi ah wax looga qabto taas oo noqota mid joogta ah oo aan wax yeelayn wixii hore u jiray haddii aan xusuusta dib ugu noqono 10 sano mudo laga joogo taas oo ahayd dib u yagleelkii nabada shirwaynihii beelaha reer Sanaag ee lagu qabtay Ceerigaaabo. Waxaa shirkaas ka horeeyey shirar doceedyo ka soo bilaabmay 1991 markii dawladiii Maxamed Siyaad burburtay iyo dagaaladii sokeeye ee dadkii wada degana ku kale qaxeen magaaladi Ceerigaaabo oo ay beel waliba ku noqotay tuulooyinkii u gaarka ahaa ee aan soo sheegay.
Shir doceedyadaas waxaa ka mid ahaa Yubbe1, Yubbe 2 iyo Jiidali ooo dhex maray Warsangeli iyo Habaryoonis bari.Ceelqooxle, Shinbiraale oo dhaxmaray Warsangeli iyo Habarjeclo. Darar weyne oo dhex maray Dhulbahante iyo Habar yoonis. Garadag oo dhexmaray Warsangeli, Habarjeclo iyo Dhulbahante.
Shirar kale oo dhawr ah oo dhexmaray Dhulbahante iyo Habarjeclo. Shirar beeleedyadaas ay isugu imanayeen laba beelood ama saddex waxaa laga wada hadli jiray xabad joojin iyo wixii danta ah sida daaqa waxa danbe ee dhaca wixii laga yeelli lahaa iyo biyaha. Marwalba tuulada lagu qabanayo beesha taal ayaa marti gelin jirtay, hase yeeshe shirarku waxay ahaan jireen shirar nabad –dagaal oo qollo walbaa ciidankeeda iyo tignikadeeda way la iman jirtay.
Inkastoo shirar bilaabmeen oo lawa hadlay oo xabad joojin jirtay hadana waa lakala yaalay oo isu socod caadi ahi ma jirin oo xad ayaa lakala lahaa, waxaa jirtay gooba laysugu iman jiray oo ay ugu weynaayeen labada goobood oo ganacsigu ka socday oo baabuurtu rarka iyo rakaabka ku kala wereejin jireen oo mid walbaa dib uga noqan jiray wxay ahaayen goobahaasi xagga sare oo ahayd Higlo kala noqod oo u dhaxaysa Yubbe iyo Jiidali. Xagga hoosena waxay ahayd Ceel qooxlle. Laysuma gudbi jirin oo qola walbaa halkas ayey ka noqon jirtay, xaaladu halkaas ayey joogtay intaan laysugu iman shirwaynihii beelaha sanaag ee Ceerigaaabo.
MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari inkastoo Habarjeclona cidi ka joogtay waxayna la mid noqotay tuulooyinkii aan soo sheegay ee ay deganaayeen beesha keliyi.
Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo ka mid ah beelaha degan Sanaag ayaa jeclaa in arrintu sidaas noqoto oo aan laysku soo noqon oo sidaas loo kala xidhnaado, dadkaasina ilaa maanta way jiraan ha jogeen soomaliland ama meel kale fikirkoodina isma bedelin.
Waxaa xusuus mudan markii shirwaynaha loo balamay july 1993 waxay Habaryoonis bari ergo u soo diray Warsangeli sidii ay balantu ahayd oo ka koobnaa 7-10 nin oo ay dhamaantood warsengeli dhaleen intooda badanina ay xidid la ahaayeen Warsangeli, waxay soo gaadheen tuulada Yubbe halkaas oo lagu nageeyey iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan Hadaftimo oo ka socday shirweyne Warsangeli Waxay shirweynihii Hadaaftimo u soo direen ergadii koox odayaal ah waxaanna la soo dhexgeliyey oo lagu soo daray niman xag-jirayaal ah oo doonayey in dadku sidii hore u kala xidhnaado oo aan lays ku soo noqon shirkuna burburo kuwaas oo ugu yimi ergadii yubbe.
Markii aan arrintaas ogaanay qolyahayagii doonayey in la nabdo oo shirka la qabto dadku isku soo noqdo, ayaa waxaannu soo raacay gaadhi tikniko ah (Baroon) niman ay ka mid yihiin Aniga Maxamed Saciid, Axmed Cadami, Maxamuud Cabdi Xaamud, Saciid Bidaar, soo raacista baroonka waxaa nagu kaliftay anagoo ka baqayna in ay xagg-jirayaasha beeshayadu na dilaan , sidaas ayaanu ku inimi Yubbe, iyadoo ergadii ay habeenkii hore is maan dhaafeen qolyahii laga soo diray Hadaftimo oo shirka burburinayey , habeenkii labaad ayaan la kulanay ergaddi oo aan u sheegnay in balantii sidii hore tahay oo aan shirka imanayno .
Waxaa dhacday markii ay nimankaas ergada ahi ka soo anbabaxayeen Ceerigaaabo sida uu ii sheegay ninkii soo raacay ee Warsangeli (Siciid Bidaar) in la geeyey darista Ceerigaaabo oo la dhaariyey oo lagu yidhi wax laydin faro mooye wax kale ha sheegina, markii la dhaarinayey ayaa waxa soo booday ninkaas Warsangeli oo yidhi war mid xanta noo sheega dhaarta nooga reeba, markaas ayaa lagu yidhi Hebel ayaan waxba qarin ee isaga hala reebo.
Dhulbahantahana sidaas oo kale ayaa waxa loogu diray ergo ay wada dhaleen dhulbahante kana qabay waxaan ku heshiinay ergadii in aan soo dirno shan qof oo ka mid noqda gudiga qaban qaabadda shirweynaha beelaha sanaag.
Markii aan ku noqonay shirkii Warsangeli ee Hadaaftimo waa laysku khilaafay oo waxaa loo kala jabay laba garab, oo loo badan yahay garabka ka soo horjeeda shirka iyo nabada o leh sidaa ha loo kala xidhnaado xadkuna ha jiro iyo garab leh shirka hala tago nabadana hala qaato waanna shirkii horeeyey ee Warsangeli isku khilaafo kaas oo lagu kala qaybsamay Odayaal, Siyaasiyiin, ciidan iyo tignikadii.
Anagoo fulinayna balantii iyo heshiiskii aan la soo galnay ergadii Yubbe waxaan hoos ahaan u dirnay oo si qarsoodi ah uga baxay hadaaftimo habeenimo shantii nin ee aan ugu talagalnay in ay ka mid noqdaan qabanqaabiyaasha shirka Ceerigaaabo kuwaas oo ahaa:
1.Axmed xaaji Cali (Cadami)
2.Marxuun Cabdi Shire Diiriye
3.Marxuun Ciise Sharmaake Caamir
4.Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidaar)
5.Ismaciil Maxamed Maxamuud (Jarafle)
6.Iyo direewalkii gaadhiga Marxuun Maxamuud Xussen Cismaan oo markii uu soo noqday lagu dilay Laas-qoray iyadoo u jiray go’aan hoose oo ay gaadheen garabkii naga soo horjeeday, oo ahaa ciddii Ceerigaaabo tagta in la dilo.
Nimankaasi waxay gaadheen Ceerigaaabo si lama filaan ah iyagoo ay isugu yimaadeen shantii nin ee qabanqabada u socotay beesha Dhulbahante oo ka soo anbabaxay Fiqifuliye oo kala ahaa:
1.Maxamuud Foolmadoobe
2.Xuseen Axmed Cabdileh
3.Maxamed Xasan Ilaalo
4.Cabdi Xuseen Mataan
5.Nin aan hada xusuusan magaciisi
Nimankaas si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey Ceerigaaabo iyadoo lagu dejiyey qolo walba ciday qaraabada ahaayeen.
Waxaa ku soo biiray oo xagga Jabuuti ka soo raacay diyaarad oo siday raashinkii shirka iyo agabkii loogu talagalay shirka, oo ay bixinaysay hay'adda wadaniga ee SDR oo Warsangeligu laha. Taas oo bixisay wixii shirka looga baahna iyadoo qaar soo saartay doon uu lahaa Cali Ducaale, oo ahayd doontii Warsangeli ee ugu horaysay ee soo gasha Maydh. Diyaaradda waxa la soconay, aniga, Maxamed Saciid, Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud.
Wixii raashin iyo agab shirku u baahna sida qalabka hurdada, ka wax lagu cuno weelka biyaha iyo laydh anagaa keenay beelahu waxay iska bixinayeen khusaarta iyo iidaanka.
Markii ay kulmeen gudigii qabanqaabada shirku waxay soo jeediyeen hab dhaxal gal ah oo ka duwan hababkii loo qaban jiray shirarkii hore waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran oo ay soo diyaariyeen habka fikirkan Aniga Gees, Beyr iyo Saciid Jaamac Cali oo ay gudigii intiisi kalena nagu raaceen oo la gudoonsaday in lagu dhaqmo
1.Habkii nabad-dagaalka oo laga baxo oo aan tigniko iyo ciidan aan magaalada lala soo gelin
2.Beelaha jooga Ceerigaaabo in ay ka saaraan magaalada ciidankooda iyo tignikadooda marka laga reebo wixii looga maarmi waayo nabadgelyada
3.Nabada shirka ay ka masuul yihiin beelaha Habaryoonis bari iyo Habarjeclo, halkii awal beel walba shirarki hore iyadu iska masuul ahayd nabadeeda
Qodobka kowaad waxa ka biyo diiday beesha Dhulbahante oo ay ka maqnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay tuhmayeen. Markii aan anagu gooni ula shirnay oo u damaanad qaadnay iyaguna way nagu raaceen oo way gudoonmeen
4.Waxaa loo qaybiyey nabadda shirka in ay ilaaliyaan 200 nin oo calaamad gaar ah leh raashin gaar ahna la siiyo
5.Waxaa lagu heshiiyey in shirgudoon la sameeyo ka kooban 9nin oo beel walba 2qof laga soo doorto marka laga reebo beesha habaryoonis oo 3qof laga soo doortay
6.Waxa la qorsheeyey in laba qolaba ay mar shirto oo ay darista tagaan shirgudoonkuna ku daro xoghayn wax u qorta , waxay ku heshiiyaana shirwaynaha laga ansixiyo sidaa awgeed ayu shirka intiisa badani dibada ku soo dhamaan jirtay
7.In la sameeyo gole Salaadiin Iyo garaado ah oo wixii laga maarmi waayo lagala tashado salaadiinta timi waxaa ka mid ahaa
a) Marxuun Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac
b) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
c) Garaad Ismaciil Ducaale
d) Suldaan C/laahi Suldaan Cali
e) Marxuun Suldaan Ciise Xirsi Qani
f) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir
g) Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale (wakiil)
Waxaa halkaa xusid mudan in aan beesha Warsangeli aanu iman suldaankeedi isagoo Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud uu xanuunsanayey oo uu soo wakiishay Ismaciil Suldaan Maxamuud, amarna ku siiyey in uu shirka tago oo magaciisa kaga qayb galo.
Ismaciil shirkii ma uu iman, wuxuu raacay garabkii shirka diidanaa wuunna ka dhego adaygay amarkii Suldaan C/salaan, sidaas awgeed waa la saluugay ergadii beesha Warsangeli ee shirka timi iyadoo ka koobnaa 3 ardaa caaqiladoodii iyo niman siyaasiyiin iyo odayaal ah.
Markii uu xaalku halka marayey ayaa waxaa soo dhexgalay Marxuun jiif Caaqil Ismaaciil Muuse oo jiray da’ ka badan 120 sano oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka shirku ku socday ayaa isagoo dhiiri geliya waxaa uu yidhi halhays cajiib ah oo ku tusaya hido samidii nabad jacaylka soomaaliyeed kaas oo ahaa, “ Ergo nabadeed haddii uu yahay xitaa hal qof waa la aqbalaa, colaadse qof qudha laguma colaad qaato”, sidaa ayuu ku hirgalay qabashadii shirku.
_________________________________________________________
Intaan ka xasuusto nabadayntii Ceerigaabo iyo beelaha Somaliland-Maxamed Siciid Gees.Qaybtii 2-aad
Aniga iyo Bayr markii aan diyaarada ka soo degnay waxa lana dejiyey guri uu ku jiray Mayarka maanta ee Ceerigaaabo Ismaciil Xaaji Nuur.Gurigaas oo ka koobna laba qol oo isu furan qol aniga iyo beyr ayaa seexan jirnay qolka kale oo u furan oo xigay dhanka albaabkana nin qori sita oo anaga na ilaaliya taas oo ku tusaysa khatarta ay u soo badheedheen dadka shirka yimi ee dhinac walba leh.
Waxa jirta in magaalada Ceerigaaabo dhaxan badan tahay marka dadka waaweyni ay qayilaana kaadidu ku badato sida la wada yaqaan sidaa awgeed guriga oo ahaa guryihii hore ee musqushu dibada ku taalay oo markasta oo aan u baahano godka ay khasab nagu noqotay in uu ninkii na raaco sidaa darteedna ay nagu kaliftay in aan kaadidii isku celino ilaa subaxii si aan u ixtiraamno ninkaas.
Waxaa kale oo dhacay mudadaas aan ahayn gudiga qabanqaabada intii aan shirka lawada iman arrimo xiiso badan marka dib loo eego, ninkii fekerayana uu wax ku qaadan karo waxaa ka mid ahaa
I. Waxaa beelaha Hartiga magaalada ka joogay gudigaa ka hor laba nin oo keliya oo iyagu aan marna ka bixin oo ahaa Warsangeli
Kan hore wuxuu ahaa nin la yiraahdo Magan oo ahaa doobiile ahna nin bulshaawi ah markii aan la kaftanay oo nidhi maxaa kugu reebay meesha waxuu noogu jawaabay anigu mar walba dhar ayan dhaqaa oo ciddi ii dhiibata yaan u dhaqaa ee dharku ima kala xigo, waxa uu iigu daray intii aad iga maqnaydeen jaadkayga bilaash ayaa meeshayda laygu keeni jiray oo maalin ma waayi jirin hada markaad timaadeen ayaa layga jaray oo la yidhi tolkaa ayaa yimi ee jaad isiiya. Kan labaadna wuxuu ahaa Cadami oo ahaa nijaar ahna wadaad ninkaas oo markii dagaaladii socdeen ee ciidankii Siyaad joogay dad badan oo dhaawac ahaa oo isaaq ahaa qaaday oo gurigiisa ku daweeyey oo markii ay bogsadeen magaalada dhuumasho kaga saaray isna cidna godob kama filayn
II. Waxaa dhacday maalin in qolyahaygii qabanqaabada ee Warsangeli iyo qolyihii hayada SDR u baahanay meel aan ahayn guryihii aanu deganayn oo aanu gooni isugu xan qarsano dabadeedna waxaa dhacday in laba gabdhood oo Warsangeli ahi ay yiraahdeen guri qol nooga kiraysan yahay yaan idin geynaynaa. Markii aan gurigii galnay aya waxa naga helay laba arimood oo yaab leh anagoo ka koobnayn afar nin Aniga, Beyr,Cadami iyo Xaamud
* Guriga markii aan soo galnay ayaa anigu is bedelay oo dareen I galay marki ay saaxiibaday I waydiiyeen waxa igu soo kordhay ayan u sheegay guriga gabdhuhu inagu martiqaadeen ee laga kireeyey in uu yahay gurigii awoowgay Maxamed Gees ee aan ku soo koray
* Anagoo qayilayna hawshayadiina ku guda jira ayaa waxaa gurigii isa soo hortaagay gaadhi tigniko ah (suug) oo ciidan habaas lihi saran yihiin markii ay soo degeen ayey gabdhihii albabkii ku soo jebiyeen oo qolkii aan fadhinay soo galeen iyagoo sita qoryahoodi, nimankaas oo aanay garanayn anaga iyo gabdhaha tooni. Anagoo yaaban oo fajac iyo amakaag ku jirna maskaxdayaduna arrimo badani ku soo dhaceen oo garan la wax socda ayaa nimankii mid ka mid ahi na salaamay (salaama calaykum), waan ka qaadnay salantii (calaykuna salaam) markaas ayuu yidhi mee Maxamuud Cabdi Xaamud markaas ayey su’ashii naga sii nixisay nina wuu tilmaami kari wayey isna wuu aamusay anagoo ka baqnay haddi aan sheegno in xabad la raacsho.
Markay halkaa maraysay ayaa mid naga mid ahi yidhi miyaad garanaysaan, markaas ayey yidhaahdeen maya, midkale oo naga mid ah ayaa yidhi maxaad ka doonaysaan haddii aydaan garanayn. Waxay yiraahdeen xigtaan nahay, markaas ayuu yidhi waa aniga waa laysa salaamay oo lays waraystay waxay noqdeen niman Habaryoonis ah (Urursuge), oo ay xidid yihiin, oo markay maqleen in uu yimi, ka yimi Jiidali si ay ugu ciidamiyaan waxna uga doontaan
III. Magaalo Ceerigaaabo u jirta 40km oo Warsangeligu dego (Carmale) ayaa nin gabadhi kaga foolatay ayna hore u umuli wayday markii uu maqlay Ceerigaaabo ayaa laysugu tegay ayuu gabadhii soo qaaday oo ku soo dhiiraday isbitaalkii Ceerigaaabo. Nasiib darro gabadhii iyo ilmihiiiba way isku dhinteen. Waxaa na qabsaday aaskii anagoo yar una badan odayaal, xabaalaha Ceerigaabana gacantaa lagu qotaa wayna adagyihiin. Waxaa dhacday goor casar gaaban ah anagoo weli wadna xabashi aan saka bilownay, in magaaladii lays ka kaayo waydiiyey oo la yidhi nimankii Warsangeli ilaa saaka lama arag ee maxaa helay markaas ayaa la ogaaday in aan aas jirno. Maqribkii ayaa waxaa noo yimi iskarogo rag ah oo buuxda oo uu hor kacayo Dacar Aadan Cade, oo sita tiriigyo iyo qalabkii wax lagu qodayey, markay na soo gaadheen ayey yidhaahdeen ka soo baxa xabaasha oo iska nasta anagaa dhamaynaynee.
IV. Habeenkii aan magaaladda nimi ee diyaarada ka soo degnay waxaa dib u dhacay qaadkii magaalada oo Burco uga iman jiray, inta badan qaadka Ceerigaaabo dhexdaa lagu dhici jiray oo jidkaa loo geli jiray, waxaa lakala garan waayey in la dhacay iyo in si kale wax u dhaceen. Markii qoraxdii dhacday ee la waayey ayaa gaadhi waxaa kaxaystay koox dhalinyaro ah oo yidhi meelahas ayaan ka soo eegaynaa in gaadhigii qaadku ku xumaaday, dhalinyaradaas qaadka raadisay waxaa sii raacay Marxuun Ciise Sharmaake oo ka mid ayaa gudigii qabanqaabada ee Warsangeli. Alle ha naxariistee Ciise oo in badani taqaanay oo ka mid noqday Golaha Wakiiladda Soomaaliland wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo kaftan badan. Waxaa dhacday nasiib wanaag in gaadhigii qaad laga helay isagoo ku xumaaday meel u dhaw Yufle, waxay isla goobtaas ku wada kulmeen gaadhi ka yimi Burco oo ay wataan Marxuun Cali warsame Dheere iyo Aadan Baxnaan. Markii ay is garteen oo ay isa salaameen ayaa Ciise u tagay Cali Warsame oo ku yidhi caawa dhalintii Sanaag way dhantahay oo ana waan la socdaa Cali intuu qoslay ayuu ku yidhi warkii aan u jeclaa ee dhegtaydu maqasho ayaad ii sheegtay waadna ii bushaaraysay (labadoodaba Alle ha un raxariistee) ii waran ayuu ku yidhi. Yaa joogay magaaladdi markii uu magacyadayadii u sheegay Gees, Bayr, Cadami iyo Xaamud ayuu ku yidhi waan ka balansanayne I geeya guriga ay joogaan, sidaas ayey anagoo war hayn noogu soo dul dhaceen gurigayagii Cali iyo Aadan oo sita joonyad qaad ah. Halkaas ayaan habeenkii oo dhan isku waraysanay oo war bixin ku siinay halkuu marayo shirka iyo wixii aan ka soo gudubnay oo ilaa subaxdii fadhinay.
Ku soo biiridda shirka ee Cali Warsame wax weyn ayuu shirka u taray, wuuna dardar geliyey shirki wuxuu ahaa nin maalqabeen ah, waayo arag ah siyaasi ah dad iyo dal aqoon ah oo fahansan waxtarka nabada iyo waxay faa’iido leedahay, wuxuu ahaa ninrayigiisu dhaafsiisan yahay ceshiimada yar ee laysku haysto run ahaan markii uu noo yimi shirkii wuu noo furfurmay gaar ahaan dhinaca beeshiisa wuxuu ahaa nin ay afarta beeloodba ku kalsoon yihin taas oo wax badan noo fududaysay
Cali waxa uu ka mid ahaa niman dhawr ah oo aanu ka wada hadalnay anagoo xamar joogna sidii aan beelaha Somaliland u nabdayn lahayn. Hawshaas gaar ahan Cali Warsame waxanu ku sii qorshaynay magaaladda Nayroobi Kenya waxan raggii kale ee nagula jiray qorshahaa ka xusuustaa Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah golaha Wakiiladda iyo Cabdiqaadir jirde Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada iyo nin la yiraahdo Cabdilaahi Xaaji Jaamac (talaata xajaar) oo aanan hada garanayn meel uu joogo.
Qalinkii: Maxamed Siciid Gees
La soco qaybaha danbe, haddii Eebbe idmo, aan idiin soo tebin doono maalmaha inagusoo foolka leh.
________________________________________________________
Intaan ka xasuusto nabadayntii Ceerigaabo iyo beelaha Somaliland- Qaybtii 3-aad
Dhacdooyin uu ku sigtay inuu shirku burburo:Maalin maalmaha shirku socday ka mid ah, ayaa dhalinyaro hubaysan oo habaryoonis ahi waxay yimaadeen huteelkii ay degganayd ergada Warsangeli, waxay albaabka kula kulmeen dhawr ka mid ah ergada oo uu ku jiro Maxamuud Warsame Xagar oo curyaan ah, waxay ku yiraahdeen magaalada deg-deg ugaga baxa mudo saacado ah haddii kale waxa idin gaara waad arki doontaan, intay ku soo jeesteen curyaankii ayey ku yidhaahdeen “adigu saacad kaga bax”.
* Curyaanki intuu qoslay ayuu yidhi ninkaygii gurguuranayey waxaad u qabateen saacad nimankii lugaha qabayn dhawr saacadood, sidaasi ma cadaaladbaa. Dadkii meesha joogay ayaa wada qoslay ooo ay ku jiraan dhalintii qoryaha sidatay. Sidaas ayaa arrintii qasnayd si yar ugu dhamaatay.
* Waxaa jirtay in meesha shirka loo qorsheeyey in lagu qabtaa ay ahaan jirtay hanuunin xaafadeed oo ay dhistay dawladdii Siyaad oo la fadhataystay waxaa loo baahday in dib-udhis iyo dib u habayn lagu sameeyo hoolka iyo xafiisyadda si hawsha shirka loogu qabto, hawshaas waxaa loo xilsaaray nin la yidhaahdo Siciid Maxamed Nuux.
* Waxaa dhacday maalin in aan soo kormeernay meeshii xafiisyadda ahayd ee la dhisayey Aniga, Cadami iyo Siciid ninkii hawsha waday waxaannu furnay albaabka mid ah dhismaha waxaa naga soo baxay arrin naxdin iyo amakaag ah waxaan ku aragnay lafo dad iyo dharkii ay gashnaayeen taas oo noo cadaysay in meesha dad lagu xasuuqay, taas oo ay nagu soo dhacday haddii dadku ogaadaan waxa dhici karta in shirka dhexdiisa laysku laayo oo shirku burburo iyadoo aan garan waynay waxaan samayno oo diidayna in dad kale arkaan, ayaa nasiib wanaag ninkii Siciid na dejiyey oo ku xidhay albaabkeedii oo isku awday meeshii iyo wixii ku jiray oo yidhi inta shirku socdo sidaas ha inaga ahaado markuu dhamaado ayeynu aasi doonaa. Taas waxay ahayd arrin shirku ku burburi gaadhay.
* Markii hoolkii shirka la isugu yimid oo uu maalmo socday ayaa dadkii ka hadlayay waxaa ka mid noqday nin madaxdii SNM ahaa oo layidhaahdo Siciid Maxamed Nuur, ninkaas oo hadalkiisii dhawr jeer ku celceliyey kalmada ah (Allaahu akbar). Taas oo dadka badidiisu waxgaar ah ama xumaana aanay u arkayn. Waxaa si lama filaana u kacay ninka layidhaahdo Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa ergadii Beesha Dhulbahante hadana ah Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo deegaanka, isagoo ku dhawaaqay dhawr jeerna ku celceliyey kalmada (jaalle) kadibna hoolkii ayaa isla kacay iyadoo aad moodo indadkii u kalabaxeen kooxihii dagaalami jiray laguna sigtay in gacanta laysa saaro, dadka badankiisii albaabaday boobeen shirkiina waa laxidhay.
Olole danbe ayaa dib loo galay shirkiina afar maalmood ayaa la fasaxay oo la bilaabay shirar gooni–gooni ah, oo turxaanbixin ah.Taasina waxay ahayd maalin uu ku sigtay in kalmadaas shirku ku burburo.
Qalinkii: Maxamed Siciid Gees
La soco qaybaha danbe, haddii Eebbe idmo, aan idiin soo tebin doono maalmaha inagusoo foolka leh.
Intaan ka xaasuusto nabadayntii Somaliland-Shirarkii Boorame & Hargeysa-Qaybtii 5-aad
Derbi luga weyn darka loo dhigay waa wax doqono deysanmayse way iska dumisaa. Shirkii Boorame wuxuu ahaa shir taariikhi ah oo la odhan karo wuxuu ahaa kii seeska loogu dhigay Qaranimadda Soomaaliland. Waxaa lagu saxeeexay axdi nabadeed ay dhamaan beelaha Soomaaliland wada saxeexeen iyo axdi Qarameed maamulka dawladnimo iyo awood qaybsiga lagu qeexayey.
Waxaana loo doortay Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaanna lagu dhisay golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada. Waxaanna lagu soo gabagabeeyey shirkaas dawladdii SNM ee fadhiidka noqotay ee mudadii lagu siiyey shirka Burco ee labada sano ahayd ay dhamaatay.
Shirkaas beelaha Soomaaliland si lixaad leh ayey uga soo wada qayb galeen beelna kama ay maqnaynW axaan halkan ku xusayaa sidii ay beesha Warsangeli uga soo qayb gashay shirkaas arrintaas oo aanay dad badani ka war hayn sida ay ugu suurta gashay in ergadu Boorame timaado, arrintaas oo xitaa xubnaha weftigu aanay ka war hayn.
Aniga iyo Cadami waxaan joognay Jabuuti mudadaas loo diyaar garoobayey shirka boorame waxaa noo yimi oo in muda ah na raadinayey ninla yiraahdo Maxamed Xaaji Xuseeen (Berberaawi) wuxuu noo sheegay in laba diyaaradood oo ay leedahay Daallo loo kala diray Laas canood & Boosaaso si ay u soo qaadaan ergooyinkii Warsangeli & Dhulbahante, waqtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari jirin meelaha dhaw-dhaw mooye sidaa awgeed ayaa loogu diray diyaaradaha. Waxaa kale oo la yaab noqon kara maxaa ergada Warsangeli looga doonay Boosaaso sababtu waxay ahayd Ceerigaaabo weli laguma heshiin oo shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekaynay ma qabsoomin Magaalooyinka wersangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu fadhiisan karaan.
Sidaa awgeed Madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Warsangelin waxay joogeen Boosaaso oo ahayd magaalo leh dekad, wado iyo ganacsi sidaas ayaa Boosaso u joogeen. Boosaaso weligeed waxay ahayd deegaan Warsangeli oo mar walba wersangeli waa joogay oo ardaaayo Warsangeli ah ayaa markii Talyanigu xukumi jiray deganaa. Kow iyo toban (11) tuullo oo Warsangeli leeyihiin ayaa laga xukuma Boosaso ka mid ahaa degmadaas ilaa waqtigii talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Soomaaliland xadka Itoobiya & Jabuuti uga talaabsan yihiin ayaa anaguna xadkaas uga talaabsanahay.
Wuxuu noo sheegay ninkii Maxamed Xuseen in diyaaradii Laascanood soo qaaday ergadii beesha Dhulbahante ee shirka Boorame, hase yeeshe diyaaradii Boosaso ee loo diray ergadii Warsangeli waxay ku soo noqotay Jabuuti iyadoo faaruq ah. Shirkii Boorame ee beelaha Soomaaliland iyaguu u xidhan yahay cid lala xidhiidhana la la’ yhay, waxaan ku nidhi anaga naga war sug, markaas ayaan wardoon tagnay ayaan la xidhiidhnay dhulkiiwaxaanna lanoo sheegay in shir lagu qabtay magaaladda Ceelaayo oo laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin, shirkaa Ceelaayo wuxuu ahaa shir mu’amaradaysan. Markii aan ogaanay ayaan la xidhiidhnay kooxdayadii iyo ragii aan isku aragtida ahayn. Markaas ayaa shir kale lagu qabtay magaalada Badhan oo lagu baabi’iyey baaqii shirkii Ceelaayo oo lagu go’aansadayin la tago shirkii Boorame.
Waxaa xusud mudan markii la qabanayey shirka Badhan ayuu Marxuun Cabdi Shire Diiriye wuxuu yidhi Ceelaayo waxaa jooga xamaaliin ee ma aha meel aayaha Warsangeli looga taliyo isagoo durayey nimankii shirka hore ka qayb galay.
Markii aan ogaanay go’aanka danbe ayaan la xidhiidhnay Aniga iyo Cadami ninkii Maxamed Xuseen oo ku nidhi diyaaradii mar labad u dir, markaas ayuu shakiyey oo yidhi khasaare labaad looma taag hayee ma inaga hubtaan, waxaan u adkaynay in an hubno oo diyaarinay sidaas ayaa lagu diray diyaaraddii oo la soo qaaday weftigii oo dhan oo ardaayadii Warsangeli ku dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diiday ay soo raaceen oo ay ku yimaadeen Boorame oo ka qayb galeen shirkii. Hadaba dad badani ma garanayn sida ay arrintu u fushay oo xitaa aanay ogeyn weftiga Boorame yimi.
Waxay ahayd arrin sir ah oo rag yari ogaayeen laakiin maanta halkan ayaan ku qorayaa waxaa jirtay in badhtamihii 1992 in magaalada Laasqoray iyo nawaaxigeeda ilaa buurta ay qabsadeen niman ahaa Al-itixaad oo Boosaso laga soo eryaday oo Cabdilaahi Yusuf kula dagaalamay halkaas oo ciidamadii Cabdilaahi Yusuf marki ay hubsadeen in xero majeertaan ka saareen oo ay u gudben xerro Warsangeli ay iskaga hadheen. Warsangelim meel uu joogaba wuu is abaabulay dibad iyo gudaba sidii uu magaaladaas qadiimiga ah ee Laasqoray uga saari lahaayeen nimankaas, waxaa la ururiyey lacag, ciidan xoogan ayaa la sameeyey , waxaa loo yeedhay Saraakiishii dalka iyo dibadaba joogtay, waxaa la sameeyey hay’ad wadani ah SDR oo Jabuuti fadhigeeedu ahaa si ay kaalmada caalamiga ah ee dibada u soo gudbiso.
Suldaanka beesha ee waqtigaas Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud wuxuu awoodi iyo taladii mandaqada Warsangeli u dhiibay ooisagu wakiil ka dhigtay inta nimankaas dhulka laga saarayo Col: Cabdilaahi Axmed Jaamac Matan (Ilko-jiir), waqtigaa shirka boorame loo diyaar garoobayey waxaa socday weli dagaalkii Al-itixaad iyo Warsangeliga sidaas awgeed ninkaas ayaa mandaqadda ka madax ahaa isla waqtigaasna waxa safaaradda Maraykanka ee Jabuuti safiir ka ahaa nin ahaa maraykanka madow oo hada magaciisi iga maqan yahay, ninkaasi nasiib wanaag sanadadii lixdamaadkii (1960-) waxa uu ka mid ahaa macalimintii Maraykanka ahaa ee la odhan jiray (peace corps), wuxuunna macalin ka noqday dugsigii dhexe ee Dayaxa (Dayaxa School), ninkaasi wuxuu aha nin aad u yaqaanay soomaalida waqooyi wuxuuna aad u dhiirigelin jiray in shirka boorame, shirkii Ceerigaaabo ee aan ka soo sheekeeyeyna wuu noogu yimi isagoo uu la socdo safiirkii fadhiyey Nayroobi oo soomaaliya uga wakiilka ahaa maraykan isagoo tusaya habhka ay soomaalidu wax u dhamaysan karto (waxay ahayd intaan maydkii askarta maraykan wadooyinka xamar la jiidin).
Hadaba ninkaa safiirka ah waxay isku macalimiin Dayaxa ka ahaayeen Maxamuud Cabdi Xaamud oo madaxdii SDR ka mid ahaa oo markaas ku sugnaa Jabuuti, COL: Ilko isna wuxuu ahaa ardaygiisi oo waqtigaa ku jiray Dayaxa school sidaas ayuu isugu xidhay labadaas nin si uu dagaalka Al-itixaadka uga caawiyo wuunna ka caawiyey oo dad is yaqaana ayey ahaayeen.
Anagoo arintaas ogsoon Aniga iyo Cadami lana soconay in diyaaradii hore hungo ku soo noqotay kana cabsoonayna in aanay beesha Warsangeli ka soo qayb geli waydo shirkaa taariikhiga ah ayaan la xidhiidhnay Xaamud oo isna haysta jinsiyad maraykan ah oo aan ka codsanay in uu la xidhiidho safiirkii Maraykanka oo awalba dhiiri gelin jiray shirka boorame una sheego in aanay beeshii Warsangeli weli ka soo qayb gelin shirka sidaas awgeedna uu warqad u qoro saaxiibkii Col: Ilkojiir si uu u soo diro ergadii Warsangeli. Safiirkii wuu aqbalay codsigii oo warqad ayuu u qoray sidata shaanbadii safaarada Maraykanka ee Jabuuti oo uu ku farayo in uu si deg-deg ah u soo diro ergadii.
Sidaas ayey ergadii beesha Warsangeli ku timi Boorame oo ay shirkii uga qayb gashay. Waxaa xusid mudan markii ay noo timi warqaddii safiirka waxaan u dhiibnay nin oday ah oo la yidhaahdo Cali Maxamuud Xabaw oo aan tigidhkii diyaradda iyo sahayba sii siinay oo kula balanay, in aanu u dhiibin, una sheegin cid aan ahayn Col Cabdilaahi (ilko). Isna sidii ayuu yeelay oo sidii uu u sii siday ayuu farta ka saaray iyadoo aanay cidina ogayn. Shirkii boorame sidaas ayuu ku furmay kuna dhamaaday iyadoo lagu saxeexay, Axdi nabadeedkii iyo Axdi qarameedkii iyo awood qaybsigii.
Markii shirka Boorame dhamaaday, beesha Warsangeli kama qayb gelin dawladdii la dhisay ee madaxweynaha ka ahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ma aysan soo magacaabin xubnihii uga qayb geli laha golayaasha Guurtiga Iyo Wakiiladda sababtuna waxay ahayd waxaa u cuntami weeyday in ay dawelada Hargeysa ka qayb galaan iyadoo aanu dhamaan nabadii gobalka Sanaag.
Sidaas darted markay ka soo noqdeen shirkii boorame waxay dardar geliyeen shirkii Ceerigaaabo ee aan hore uga soo sheekeeyey. Markii uun shirkii dhamaaday oo nabadii hirgashay ayaa beeshii Warsangeli wefti ka socdaa u soo baqooleen Hargeysa halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynihii Marxuun Cigaal iyo Shirgudoonadii Golaaya Guurtiga iyo Wakiiladda iyagoo markaas hal sano ka maqnaa dawlada iyo golayaasha waxay yimaadeen June 1994 waxaa uu Marxuunkii Cigaal ka siiyey dawladii 4(afar) xubnood oo kale ahaa 1) Wasiirka Caafimaadka Axmed Xaaji Cali Cadami 2) Wasiiirka Gadiidka cirka & dhulka Cali Faarax Dhahar 3) Wasiirku xigeenka Xanaanadda xoolaha Cawl Garaad Maxamuud 4) wasiirku xigeenka Dalxiiska iyo suugaanta Axmed Yacquub Cismaan.
Siduu ahaa heshiiskii Boorame waxay beeshu soo magacday xubnihiika mid noqon lahaa golaayasha Guurtiga iyo Wakiiladda oo dhamaa 12 xubnood oo isku jira waxaa xusid mudan in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku markii boorame la joogay ay balan qadeen laba kursi in loo celiyo Warsangeli, kursigii uu balan qaaday madaxweyne Cigaal waxaa dhacday in markii ay beeshu timi ay bixisay beesha ciise muuse oo ninkii fadhiyey laga kiciyey iyadoo balantii Madaxweynaha ay fulinayeen waxaa nasiib darro noqotay kursii Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan aw Cali aan fulin iyadoo dhawr jeer beesha Samaroon lagala kulmayoo ay ka dhego adagday oo weli kursigii ku maqan yahay waxaase nasiib wanaag ah maanta oo Madaxweyne Daahir Rayaale taladii hayo oo ka dhashay beesha Samaroon, Warsangeli waxay ka sugayaan kursigii in uu ku soo celiyo oo sidii Marxuunkii Cigaal balanta buuxiyo waxayna ku rajo weyn yihiin inarrintaas.
Anigu Kama aan qayb gelin Dawladii oo wasiirada kama mid noqon kabana qayb gelin Xildhibaanaddii labada Gole guurti iyo wakiiloba.
Waxay kale oo ay beeshu keentay ciidankii qaranka guutadii 1aad oo markaas la aasaasayey qaybtii kaga soo aaday oo ahayd 35 askari Mudane Jibriil Cali Salaad oo ka tirsan Golaha wakiiladda aya ka soo kaxeeyey ciidankaas Ceerigaaabo gaadhina u soo kireeyey oo soo dhexmariyey 1000km oo ah xero Isaaq ilaa Hargeysa, iyagoo qoryahoodi sita sida la wada ogsoon yahay waqtigaa dhulka waxaa uu ahaa meel kasta kaantarool ay dayday haystaan socodka dhulku wuu adkaa, hadaba Jibriil iyo inamadii askarta ahaa waxay u soo badheedheen khatartaas muuqata si ay uga qayb qaataan dhismaha dawladnimo ee Soomaaliland .
Dadka kale waxay soo marayeen 100-200km oo laami ah, inamadaasi waxay ka mid noqdeen guutadii u horaysay ee ciidanka qaranka, ayaan darro markii uuu dagaalkii sokeeyuhu ka bilawday Hargeysa qaar ka mid ah dhalintaasi waxay ku geeriyoodeen Hargeysa oo lagu aasay iyagoo calanka Soomaaliland huwan.
Jibriil iyo ragayagii isku fikirka ahayn markaan tagno dhulkii waxaa dhacda in ay odayaashi wiilasha dhalay na qabsadaan oo ay marar badan qaarkood magtii na waydiistaan iyo xaqii inamadooda.
Waqtigii weftiga Warsangeli Hargeysa yimaadeen oo diyaarad uu u diray madaxweyne Cigaal Ceerigaaabo ka soo qaaday waxaa lagu dejiyey huteel Ubax. Waxaa noogu darnayd meel aan fadhiisano oo aan isku waraysano in aan waynay inkastoo beesha Warsangeli magaalada Hargeysa ku leedahay 400 guri iyo in ka badan oo isugu jira Fooqaq, Bakhaaro iyo guryo waawayn oo badankoodu ku yaalaan badhtamaha magaalada guryahaas dhamaan markaas waa la wada haystay.
Waxaa meel weftigu galabtii fadhiisto noo soo qalqaaliyey ninka la yidhaahdo Muuse Inji oo na fadhiisiyey guri uu leeyahay taliye ku xigeenka Booliska ee waqtigaa oo ahaa “Jidhif”.
Mahad Ilaahay maanta guryahaasi oo dhami waxay ku soo noqdeen gacantii beesha dadkii lahaa ayaa ku jira ama kiraystay. Qaarna waa meherado furan sida huteelo, bakhaaro iyo dukaano.
Beeshu maanta waxay magaalada Hargeysa ku soo kordhisay oo ay bilawday wershado casri ah sida: Ila-taango, Hargeysa spring water iyo kuwa kale sida tan nacnaca waxy ku jirtaa shirkadaha ganacsiga ugu waaweyn sida isgaadhsiinta iyo xawaaladaha, iyadoo gurya danbe oo cusubna ay ka dhisteen, qaarna iibsadeen magaalada Hargeysa.
Inkastoo Hargaysi xero Warsangeli u jirto 1000km. waxaannu kaga hanti badanahay beelo badan oo nooga dhaw.
Waxaa xusid mudan maalintii weftiga odayaasha Hargeysa yimaadeen markii aan fadhiga dhamaysanay ayaan laba oday oo aan hore u arag Hargeysa soo kaxeeyey oo geeyey sandaqad u dhawayd Cajab oo lagu iibin jiray caanaha, sandaqadda waxaa haystay laba wiil markii an caanihii ka dalbanay oo ay na siiyeen, ayaan wiilashii waraystay oo idhi yaad tihiin. Waxay iigu jawaabeen, waxaannu nahay Warsangeli. Labadii oday ayaa is eegay oo ka yaabay. Markaas ayaan ku idhi caanaha xagee ka keenteen. Waxy yidhaahdeen geelayagii oo daaqaya Geed balaadh. Markaas ayaan odayaashi u sheegay in aanay Hargeysa Warsangeli qariib ku ahayn mar haddii geeloodi uu daaqayo degmada Hargeysa gudaheeda.
Qalinkii:M.S.Gees
[size=150]Wuxu kalo sheegay Prof. Gees In Ciidaan Daarood ahii Maryo;aloolkii ku jireen lagunaa xansuuqay dagaal aynaa jab iyo hoog kalaa kulmeen sooma jeestayaasha dhirbaaxadaa kulul ee Habar Yoonis[/size]
Maxamed Saciid Gees iyo Heshiiskii Sanaag ee beelaha
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Maxamed Saciid Gees iyo Heshiiskii Sanaag ee beelaha
Last edited by Bohol iyo karaman on Sat Apr 04, 2009 11:26 am, edited 1 time in total.
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Maxamed Saciid Gees iyo Heshiiskii Sanaag ee beelaha
Dhacdooyin uu ku sigtay inuu shirku burburo:Maalin maalmaha shirku socday ka mid ah, ayaa dhalinyaro hubaysan oo habaryoonis ahi waxay yimaadeen huteelkii ay degganayd ergada Warsangeli, waxay albaabka kula kulmeen dhawr ka mid ah ergada oo uu ku jiro Maxamuud Warsame Xagar oo curyaan ah, waxay ku yiraahdeen magaalada deg-deg ugaga baxa mudo saacado ah haddii kale waxa idin gaara waad arki doontaan
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Maxamed Saciid Gees iyo Heshiiskii Sanaag ee beelaha
MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari.
way soogeli jirtee badaanu kaa qaadii jirey
way soogeli jirtee badaanu kaa qaadii jirey
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Maxamed Saciid Gees iyo Heshiiskii Sanaag ee beelaha
Dadka kale waxay soo marayeen 100-200km oo laami ah, inamadaasi waxay ka mid noqdeen guutadii u horaysay ee ciidanka qaranka, ayaan darro markii uuu dagaalkii sokeeyuhu ka bilawday Hargeysa qaar ka mid ah dhalintaasi waxay ku geeriyoodeen Hargeysa oo lagu aasay iyagoo calanka Soomaaliland huwan.
nacalaa walidkiinku yaal waxay kaa mid noqdeen maryo alool, maxay burco iyo Hargeysa kaa soo dooneen maa caanaa laysku siinayaa.
waxa kalo maryo aloolka ku jirey 1000 askari oo lagaa soo qoray dhulbahantee iyanaa sido haadaa kaa dheregtey
nacalaa walidkiinku yaal waxay kaa mid noqdeen maryo alool, maxay burco iyo Hargeysa kaa soo dooneen maa caanaa laysku siinayaa.
waxa kalo maryo aloolka ku jirey 1000 askari oo lagaa soo qoray dhulbahantee iyanaa sido haadaa kaa dheregtey
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1029 Views
-
Last post by RIIGHAYE
-
- 33 Replies
- 1927 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 10 Replies
- 1841 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 587 Views
-
Last post by Ron
-
- 4 Replies
- 649 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 7 Replies
- 2192 Views
-
Last post by Voltage
-
- 71 Replies
- 4563 Views
-
Last post by Mr_Alfaas