Riyaale orders the CID to lock down the major kulmiye leaders after april 6.
Riyaale Oo Ku Amray Hay’ada Sirdoonka Ee CID’ da Iyo Ciidanka SPU In Guryahooda Ku Xidhaan Madaxda Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE Wixii Ka Danbeeya Bisha April 6 deeda.
April 2nd, 2009
Madaxweynaha Mudadiisu Dhamaanayso Ee Riyaale Oo Ku Amray Hay’ada Sirdoonka Ee CID’ da Iyo Ciidanka SPU (Special Protection Unit) In Lagu Xakameeyo Dhaqdhaqaaqa Madaxda Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE Wixii Ka Danbeeya Bisha April 6 deeda.
Waxaa maanta shabakada Somaliland.Org soo gaadhay war daah furaya in Madaxweynaha muddadiisu dhamaanayso bishan April 6-deeda, uu ku amray Wasiirka Arimaha Gudaha Cabidlahi Cirro iyo Madaxa Ha’yada Sirdoona CID Maxamed Nuur in ay gabi ahaanba is hortaagaan dhaqdhaqaaqa, isla markaana guryahooda ku xidhaan dhamaan madaxda hoggaanka Sare ee Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE.
Tallaabadan ayaa la filayaa in ay ka danbaysay baqdin aad u weyn oo la soo daristay xukuumadda Riyaale, baqdintaas oo ay ka dhalatay, ka dib markii dhawaanahan soo shaacbaxeen dhaqdhaqaaqyo abaabul mudaharaadyo oo dhawaan la filayo in ay ka dhacaan qaar kamid ah gobolada dalka Somaliland. Abaabulka mudahaaradyadan ayaa xukuumadu isu tustay in ay ka danbeeyaan hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE. Riyaale ayaa isugu yeedhay Wasiirka Arimaha gudaha Cabdilahi Ciro, Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Mr. Maxamed Nuur. Shirkaas oo la sheegay in uu ka dhacay madaxtooyada ayaa ahaa mid aan lago qayb galin Golaha Wasiirada ee kale. Waxaana halkaa Riyaale ku siiyay go’aan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilahi Ciro Iyo Taliyaha Sirdoonka Maxamed Nuur in la xakameenayo dhammaan dhaqdhaqaaqa iyo socodka hoggaanka siyaasiyiinta mucaaridka ee Somaliland wixii ka danbeeya April 6 2009. Waxaa Siyaasiyiintaa ka mid ah, madaxda hoggaanka siyaasadeed ee KULMIYE, oo uu ku jiro Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ahmed Silanyo. Waxaa hirgalinta qodobkan loo xilsaaray Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilaahi Cirro, isaga oo markaa adeegsanaya ciidanka SPU, oo iyagu ahaa ciidankii loo sameeyay ilaalada hay’adaha samafalka, shaqadooduna ahayd ka hortagga argagaxisada.
Waxa kale oo Riyaale ku amray wasiirkiisa warfaafinta in uu hirgaliyo qorshe lagu baqo galinayo shacabka Hargeysa. Iyada oo la adeegsanayo saxaafadda qaranka iyo kuwa maxaliga labadaba. Qorshahaas ayaa waxa ka mid ah hirgalinta soo qabqabashada dhalinyaro lagu suntayo in ay mucaaridku ka danbeeyaan, kuwaas oo xukuumadu kasii dayn doonto TV-ga iyaga oo markaa sita hubkoodii dagaalka. Waxaa kale oo barbar socda arrintaas, abaabul lagu keenayo odayaasha reeraha iyo dad maato ah, oo la isku soo ururshay. Kuwaas oo dhamaantood loo dhiibi doono fariimo ay ku dhalliilayaan Xisbiga KULMIYE, oo markaa loo dhigi doono mid isagu ka danbeeyay rabshadahaas iyo qasaskaas xukuumaddu soo abaabushay. Qorshahan oo aan ahayn farsamo cusub, ayaa markasta oo Riyaale dalka gasho khalkhal siyaasadeed, wuxuu u adeegsadaa saxaafada qaranka, oo markaa uu ku fushado qorshihiisa siyaasadeed.
War saxaafadeedkii maanta ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee uu ku saxeexnaa afayeenka Madaxtooyada, Mr Siciid Cadaani ayaa waxa uu hordhac u yahay qorshehaas ballaadhan ee Riyaale ku doonayo inuu mijaha ugu xaadho Xisbiga KULMIYE. Masuul ka tirsan Xisbiga UDUB, oo arrintan aanu wax ka waydiinay ayaa sheegay in “cid alle iyo cidii ay uga baqayaan inay dalkan khalkhal galin karaanba ay tallaabo ka qaadi doonaan”. “Ahmed Silanyo iyo ragga kale ee fidnada la ordayana” aanay sharciga ka sarayn, sidaas darteed xukuumaddu “ka waaban mayso in ay sharciga mariso, cidii markaa sharciga ku xadgudubta”.
Xukumada oo hore u xabsiga Mandheera ugu xidhay xubno iyo siyaasiyiin dalka Somaliland magac weyn ku leh, oo badankoodu ka mid ahaa jabhaddii xaq u dirirka ahayd ee SNM, raggaas oo ay ka mid yihiin Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Mujaahid Jamal Aydiid iyo Tafotriaha Haatuf Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe. Waxaa dhamaantood loo xidhay sifo sharciga ka baxsan, sidaas darteed hirgalinta maanta xadhig lagula kaco Ahmed Silanyo, Hogaamiyhii Jabhadii SNM, ee dawladii Afweyne riday waa mid sawir wanaagsan ka bixin doonta wajiga siyaasadeed ee maanta Somaliland ku waabariisan doonto.
Somaliland.Org
UDUB cheerleaders, is this is what u voted for?
